|

Qaabkee ayay Ganacsatada iyo Qurba Joogta Jubboyinka ku Horumarsan Karaan Deegaanadooda(Ka bogo).

Sidaad lawada Socotaan Gobaladeena Jubboyinka waa dhul dhankasta hodan ka ah, Beeraha , Kaluumeysiga iyo Xoolaha nool. Waa dhul Kheyraadka ku duugan aan laga sheekeyni karin, Balse waxaa dayacay dadkii u nasab sheeganayay ee ilaahey ku abuuray. Dhulka noocaasi ah dadkiisa Gaaja ayay u dhamaanayaan, waxay noqdeen Mid qaxooti miciin biday iyo mid Silac ku nool oo ka baahan nimcada iyo Kheyraadka ilaahey dhulkiisa ku maneystay.

Madoonayo in aan dib ugu noqdo ama ka sheekeeyo dhibaatadii ay soo Mareen Gobalada Jubboyinka iyo shacabka deegaanka , damaca cadowga horarka ah ee duulaanka ku ah gobalada Jubboyinka iyo dadka u nasab sheegta. Taasi aan intaasi kaga haro.

Hadaan u soo laabto Ujeedadeyda maqaalkan ee ah, Qaabkeey Ganacsatada iyo Qurba joogta Jubboyinka ay ku horumarsan karaan deegaanadooda.

Sidaan wada Ogsoonahay Gobaladani dib u dhac weyn oon la qiyaasi karin ayaa ka jiraa, waxaana lagu tilmaami karaa in Gobalada Jubboyinka ay yihiin gobalada ugu hooseeya dhanka Horumarka dhamaan 18-ka gobal ee uu ka koobanyahay dalkeena Soomaaliya, taasoo ay sababeen dagaaladii aan dhamaadka laheyn ee ku habsaday Gobaladani.

Waxyaabaha Muhiimka ah ee Loobaahan yahay in  wax laga qabto oo dhexda loo xirto waxaa kamid ah.

1- In Dadka Reer Jubaland ay ku kalsoonaadaan deegaanadooda isla Markaasina geliyaan Maskax,Muruq iyo Maalba, si dhulkooda ay horumar u gaarsiiyaan.

In Ganacsatada, Aqoonyahanada , Qurba Joogta iyo kuwa gudaha ku nool ay si wada jir ah uga qeybqaataan Horumarinta dhulkooda hooyo.

Nin walba hadii uu gurigiisa hagaajisanin cid u hagaajineyso ma jirto, Gobalada Somaliya maanta qaarkooda horumar weyn oo la taaban karo iyo nabad gelyo, Waxbarasho ,Caafimaad iyo Maamul u gooni ah dadka deegaanadaasi  ayaa ka jiraan, qaar kalena hadeertaan ayay hiigsanayaan oo ay camirteen deegaanadooda.

Reer Jubaland hadii ay dhulkooda u guntanin waxaa imaneysaa amaba haatanba taagan in Nin kasta uu Gurigiisa soo xeendaabto kaagana kugu qabsado , waayo meel dayacan oo dadkii lahaa u tashani waayeen , cidwalba ayaa hunguriyeeyni, Dhurwaaga ama Waraabaha hadii uu arko Xoola dayacan isla markaasina aan jac laga dhihin, dee wuu iska daldalani.

Qurba Joogta Jubboyinka ee Caruurahooda ku saaqideen dibadaha isla markaasina aan heysanin meel ay ku dhaqan celiyaan amaba u dalxiis geeyaan, waxaa la gudboon in ay usoo jeestaan dhulkoodan hodanka ah ee aan jirin meel aduunka lagu doorsanayo, Keliya waxaa ka maqan Xoreyn, Nabad gelyo iyo Horumar.  Haatan xoreyntii dhulka Meel wanaagsan ayay Mareysaa, Wiilsha dhiigooda huraya yaay u xoreynayaan dhulka , hadiiba uusan jirin dad garab taagan oo dhanka kale horumarka ka wada. Jawaabtu waa cidna.

Mashariicda: Dalxiiska iyo Hoteelada.

Mashaariic waaweyn ayaa dhulka laga hirgelini karaa, Mundul Baraawe ilaa Raaskaambooni xeebta intaasi dherer la eg waxay u baahantahay , dad Maal geliya, oo ka dhista Hoteela loo dalxiistago, Waxaa loobahan yahay in laga dhiso Warshadaha Kaluunka lagu hagaajiyo.  Jaziiradaha Jubboyinka waa meelaha ugu dalxiiska qurxoon Caalamka ee dadka deegaanka ay ka faa’iideysan la’ yihiin. Hoteelada ugu qaalisan aduunka ee ugu quruxda badan ee loo dalxiis tago ayaa loobaahanyahay in laga hirgeliyo.

Waxaa loo baahanyahay in Mashaariic Kaluumeysato la hirgeliyo oo dadka shacabka ah looga faa’iideeyo Kheyraadka badooda ku jira. Kuman kun oo dhalinyaro ee xeryaha qaxootiga Kenya ku xareysan iyo kuwa dibadaha ku saaqiday  ayaa fursada shaqa ka helilahaa hadii Mashaariicda noocaasi ah laga hirgeliyo dalka, waxaana hoos u dhici laheyd baahida dadka iyo shaqa la’aanta.

Dhanka Beeraha.

 

Gobalada Jubboyinka waa gobolada ugu wax soo saarka badan dhanka beeraha, waxaana ku yaala dhulbeereedyo aad u waaweyn oo gobolku uu caan ku yahay. Beeraaha qasabka, Bariiska , Qudaarta, Canbaha ,Mooska,Galeyda, Sisinta Masagada  iyo ayu nooc wax kasta oo la beerta ayaa ka soo baxaa Beeraha Jubboyinka. Hadaba waxaa la doonayaa in laga faa’iideysto oo la dhiiri geliyo beeraleyda gobalka, beeraha waa wax soo saarka ugu muhiimsan dunida.

Warshadaha.

Mashruucii Sonkorta Mareereey ayaa dib loo soo celin karaa,  Keliya waxuu u baahanyahay, dad wadaniyiin ah oo dhexda u xirta Maalgelinta dhulkooda, iyagoo la kaashanaya Cidd kasta oo gacan ku siini karta Hirgelinta Mashaariicdaasi iyo Warshadaha. Warshada Mareereey waxaa dhisay kolkii horeba dowalda Ingriiska.

Mashruuca Bariiska.

 

Mashruucii Bariiska Mugaamboow ayaa isaguna dib loo soo nooleyni karaa, waxuuna qeyb weyn ka qaadan lahaa horumarka deegaankada Jubboyinka , waxaana hoos u dhici laheyd gaajada dadka danyarta ah ee aan iibsani karin Bariiska dibadaha laga Keenay .

Dhismaha Guryaha.

 

Waxaa loo baahanyahay waliba duruuri ah Mashaariicda gurya dhisida (Construction Companies)  oo dalka dib u dhis ku sameeya, taas waxay fududeyneysaa in dadka qurbaha ku nool ay dalka dib ugu soo laabtaan oo ay iibsadaan guryahaasi. Ma jirto meel dalkiisa ka wanaagsan oo qofka bini’aadamka ah ku noolaankaro,  wax ka fiican ma jirto adigoo dalkaada si xoriyad ah ugu noolaado  oo ALLAHII ku abuurtay ku caabudaya . Aduunka waa laga tagi, waxaa wanaagsan hadiiba aad heli karto inta noloshaada ka hartay in aad ku dhameysato dalkaaga hooyo.

Mashaariicda iyo fursadaha dahabiga ah ee uu dalka u baahanyahay wax la soo koobi karo ma ahan, jidadka wax dhisa ayay u baahan yihiin, Ganacsi ayu nooc ciidaas ah ayaa diyaar ah qofkii ka faa’iideysanaya.

Xoolaha.

Gobalada Jubboyinka waa meelaha ugu xoolaha badan dalka Soomaaliya, waxay u baahan yihiin shirkada Xoolaha xanaaneeya oo dhoofiya. Dekada Caalamiga ah ee Kismaayo ayaa ku filan dhoofinta Kheyraadka gobalka , Xoolaha , Kaluunka, qudarta iyo wax kasta oo u baahan in dibada loo iibgeeyo.

Waa Muhiim in dadka dantooda gartaan ay u guntadaan horumarinta dhulkooda deegaanadooda.

FG:  Waxaa hubaal ah hadii ay shacabka ku abtirsada Gobalada Jubboyinka ay qaadan waayaan talada aan u soo jeediyay, In marka Gobalkan la xoreeyo ay Mashaariicdaasi ka faa’iideysan doonaan dadyoow meela fog fog ka soo hayaamay oo geed  dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay ku dhaxli lahaayeen dhulkani, amaba ay ula wareegi lahaayeen ganacsiga deegaanadani oo ah kaartada dhulka lugu soo dego kadibna lagula sheegto ama fowda aan dhamaad aan  laheyn lagu geliyo sida haatanba taagan.

Dhanka Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Waa Muhiim in culeyska la saaro adeegyada bulshada ee aas aasiga ah sida Waxbarashada iyo Caafimaadka, In Isbitaalo iyo Iskoola la dhiso, kuwa iminka jirana dib u habeyn iyo dayactir lagu sameeyo. Waxaa Jiraan dowladaha deeq bixiyaasha iyo Hay’ada lala kaashan karo dib u dhiska adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Dadka Qurba Joogta waxay aaminsan yihiin inta badan in dalka gudahiisa aysan ka jirin waxbarasha u qalandta ubadkooda, Laakiin taasi waxaan kaga jawaabayaa in sideedaba nolosha iyo horumarka ay tahay in dadku ay iyagu sameystaan. Waxaa dalka gudahiisa laga hirgelin karaa Iskoolada Caalamka kuwa ugu wanaagsan, Tusaale haatan gobalada nabada ah ee maamulada ay ka jiraan sida, Somaliland waxaa ka jiraan Iskoola tayadooda ay aad u sareyso oo laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska.

Caruurta Iskooladaasi dhigata waxay wax ku bartaan Manhajka wadamadaasi Iskooladooda lagu barto , waxaana dhigaan Macalimiin dibada laga keenay oo aqoonsare leh, Waxaa intaasi kuu sii dheer in Caruurta diinta iyo Maadiga si wada jir ah u baranayaan. Inta badan Ilmaha jooga Soomaaliya dugsiga dhexe Markuu ka baxo waa xaafidul qur’aan, wax la heli karo ma ahan.

Dadka Qurbaha ku nool kii shaqeeyana nolol adag ayuu ku nool yahay oo aan nasiino laheyn, Kii Ceydha qaatana weyba u dhamaatay oo maskaxiyan ayuuba u xanuun sanyahay, Qof dhan oo xayi ah oo tuugsi ku nool , wax nolol ah oo uu heysto malaha.

Nolosha waxay ku jirtaa in qofka muruqiisa maalo oo uu horumarsado dhulkiisa hooyo. Ugu dambeyn Reer Jubaland Waxaan ku boorinayaa in ay fadhiga isaga kacaan oo ay gacmaha is qabsadaan, Muhiim ma aha in ay wada heystaan dhaqaalo ay maalgelin ku sameeyaan , gacmo wada jir bay wax ku gooyaan, waa lagama maarmaan in ay shirkoobaan kuwa danyarta ah oo ay wax isku darsadaan, taaas ayay guul ku gaarayaan Aakhiro iyo Aduunba.

 

Cali Yare

Waamonews.com

 

 

7 Responses for “Qaabkee ayay Ganacsatada iyo Qurba Joogta Jubboyinka ku Horumarsan Karaan Deegaanadooda(Ka bogo).”

  1. Liboi-somali says:

    Siyaasad baa magaceed ba´ay mar haddey dabada la gashay Igad, amisom, sheriff villa somalo, kenya iyo ethiopia. Laakin weli dowr baa inoo bannaan oo ah kan wariye Cali ka dhawaajiyey: aan qaadano yaaanbada, hangoolka iyo makaadinta lagu jillaabto una jeesano dhanka wax soo saarka, weliba ganacsatada wax heysata iney maal gashtaan waddanka iyaga iyo qurba-joogtuba intooda development-minded diaspora lagu sheego iney kaalintooda ka soo baxaan, dadka barakacayna dib-u-dejin loo sameeyo, waa arin wax weyn tari lahayd. Airport-ka Bu´aale, mashruuca horumarinta(sonkorta) mareerey, horumarinta kheyraadka badda( burgabo, kiamboni,kudhaa) waa saddex mashruuc oo dadka deegaanka milkidooda ah waana howl u taalo iyaga. Haddii kale somali maryooley ayaa kaa hoos bixini.

  2. Gurmad says:

    Cali Yare, aad baad u mahadsantahay sida wanaagsan oo aad inoogu tusaalaysay kheyraadka ku jira goboladeena.I can say this is the best article I have ever read in this website.Kudos Ali Yare. Leave the Dirty politics and concentrate on such articles.Jubbalanders wake up its high time we invest in our paradise wealthy provinces…nobody will come from heaven to invest and spoon feed us we have everything. Its now or never we trust ourselves, we have the man power,we have the knowledge, we have the capital and more so we have the land.
    Guys, let us for get about petty useless issues like Raskamboni, Azania, O.N.L.F let’s empower our people, let’s free our people from hunger. an empowered society is an armed society.
    Ali kudos once again, keep up that spirit and forget about political issues.people are blind in this field of life, do the eye surgery so that they see it.
    Thank you all,
    God bless us,
    God bless our land and people.

  3. Sahal says:

    Ali yare waad mahadantahay, waa qoraal wax ku ool ah.

    Gurmad, sxb waxaad ogaataa ma kala hadhi karaan siyaaasada iyo horumarku. Hadaan siyaasad stable ah oo wanaagsan gobalka ka jirin lama gaadhi karo horumar, marka waa gacana yaanbada, jilaabka, qalinla lagu qaataa, gacanta kalana siyaasad wax ku ool ah lagu sameeyaa.

  4. Mataadhaayaa says:

    ASC Ikhyaareey…..Cali Yare ..Mahadsanid waad asiibtay horumarinta dhulka qeybta ugu ween ey ka qaadaneysa xasiloonida juboyinka……dib u dejinta dadkeena la barakiciyay e qaxootiyada IFLO…Dhagaxleey…Xagardheere ku dabar go’ay…….Maalqabeenada Absame and adeerkiis dhulkiina maalgashad.

    Indha xumada Afmadow waad aragteen……Muqdisha iyo Afmadow isku qarni weeye ..bilicda Afmadow waad Aragteen ….Ogaada waa meesha ugu roon degmooyinka labada jubba intooda kale all of them Afmadow weey ka sii liitaan Kismaayo mooyee….because Absame and Gilimees dalka weey ka guureen …qaxootiga Kenya bay kulaalayaan…..qurba joog nafleh malaha Surwaalka iyo kabaha hadii ey iska bedelaan ayaaba cawo iyo ayaan ah…..

    Cali Yare cafwan …walaahi waan khiirooday nimcada dhulkeena taalo….iyo …nugeylka dadkeena heesto…..Dhabayaca Low Kuus saan cad e kuleelka barri ka soo qaxey ..Ilkayar. .eeyla oo dhan …dhulkan barwaaqada ah bey u bogeen……

    We must defend our green Land Against all Enemies Both Foreign and Domestic….

    hurdada eynu ka kacno …..aniga 15 OF June meeja lagu gaaro afmadow ban idinkala soo hadli… insha alah….balanteena waa Gurigeeygii Goobweyn iyo wacdarada an ku dhigi doono maskiink sheekhaalka mudug laga keenay e Mooriyaanta shabaabka gurigeyga dejiyeen…

    Xafiduhulaah our Heroes Raaskaambooni….Our President Sheikh Ahmed Madobe.

    by mataadhaaya

  5. inabaaruud says:

    ACWW: Ali Yare waad mahasan tahay qoraal aad u qiimo badan una qurux badan.Waa talo dhaxal gal ah anigu waxaa ay ila tahay khayraadkaasi waxaa laga faaiidi karaa marka aynu nqono kuwo nabad-galyo la isku halayn karo haysta.Waxaan ka wadaa guriga waxaa laga galaa iridda hore,degaanada waxaa baabiyay waa khilaaf aan micno badan lahayn waana laga gudbi karaa.
    Ta kale ogaada dhulalka aad joogtaan haddii aannu nidaam iyo nabad jiri lahayn Ali yare maba tageen nabadda xoogga hala saaro horumarku isagaa iska imaan insha allah.
    Wabilahi towfiiq

  6. oska says:

    mahadsanid sxb cali yare anagoo mareexaan ah waan ka faa’iideysanay webkaan maxaa yeelay waxaad noo tilmaantay sida aan ku dhaxli laheyn gobolada jubooyinka shaxda ayaad na siisay waana kaa qaadanay ree aabahaa Absame waa doqon damiir laawe ah waligood xeryaha qoxootiga ayaan ku ogahay dhulkoodana anaga iyo raxanweyn ayaa wax nalaga weydiin iyo sheekhaal katimid raaso ha in ku taagnaato

  7. YASSIN says:

    meesha waxaad soo gelisay sawiro aad u qurux badan waxay tiri af waakoo may liki aamee..
    dhalinyarada meeshaan wax ku soo qoraysa taariikhda jubooyinka aqoon uma laha sheekadooda waa iska caadifad qabiil marka xaajada dejiya . dhulkaan idinka oo dhalan ayaa lagu noolaa .

Leave a Reply