|

Gabay: Halkii aan ka soo jeednay iyo waayihii horaba soomaali heebkeeda waan ugu horeynaaye absame hormuud buu ahaa taniyo haabiile ogadeena waa geed hadhweyn oo la hoos dego e, by axmed-daahir xaaji xuseen

 

Ha’da gobay cabdow barihan iguma heeleyne
wax umbaan hamiyey oo naftaan how la soo idhiye
howraarta maansada anaoy hiladu ii buuxdo
kuwa heesa baan uga hadhee kama hodnaadeene
haamaha ka dhaansada hadaad ka hirqandoontaane

Halkii aan ka soo jeednay iyo waayihii horaba
soomaali heebkeeda waan ugu horeynaaye
absame hormuud buu ahaa taniyo haabiile
ogadeena waa geed hadhweyn oo la hoos dego e

Halgankii aspm ee lagu halaagmaayey
haakaale ruux yidhi ma jiro hooska jiifsado e
dhalintii haboonayd hora haanka loo jaraye
ma helaan wax ay kaga kabtaan holaca waagiiye
war hadiyo maxaa ka dhgay hogobka ciideena
hebalkii waleetaba muxuu hadal inoo taaran

Nin shisheeye hiil ka sugay waa habaar qabo e
hambo suge iyo hoosaasiyuhu waa ku hodayaye
ninka haro biyo leh jooga ee harraad dilayo
huga laga qaadyow muxuu kaas habaar qabaye
kolka ay haboonaato een hilin wada qaadno
durba wuu hareer mari halkay hibdo noo tiile
wixii horey inoo daashadey ku hamiyayaane

Waxaa gobay haamaha ku shubay oo heeryada u qaaday
kii yidhi haldoor qaalinteed caano waa laga haweystaaye
hayeeshee se waa ceeb inay hooto noqotaaye
hilay laguma raro owr haduu heeryo diid yahaye
inkastoo habkay gobi lahayd horay inoo seegtay
hayeeshee danteenu waa inaan heshiinaye
Hormuud fiican baan rabnaa oo hortii qirane
ruuxii hagaagsaniba waa loo hanweynyahaye
wadhadala nayroobi waa loo hanweynyhaye
alleylehe haboonaatoyoo waaba la hubaaye

Waxba yaanan heesine waxaa ku soo hoorshay
hambalyaan u dirayaa  hanadadeeniiye
iyaga halgama oo u galay holoc rasaaseede
war u hiiliyaay waamo iiyo hogobka ciideena.

1.7 .2012  gobaygan waxaa tiriyey  axmed-daahir xaaji xuseen
oslo wadanka norwey

 

 

Waamonews.com

Leave a Reply