|

Gabay: Qaran dumay dadkiisiina wuu dabar go’aayaaye bal dayaay masalo door ah baan idin dareensiine, By Ahmed Dahir Xaji Xusein.

Gobaygan waxaa tiriyey Axmed-Daahir Xaaji Xuseen 23.82012,
Cabdi Bile Cabdi ayuu ku halqabsaday oo ah oradyahan soomaaliyeed oo caan ah sababta oo ah wuxuu daawaday Cabdi Bile oo ooyaya kana xumaaday gabadhii orodyahanka aheeyd ee ka qayb gashay olypic aduunka 2008 oo ku geeriyootay badda liibiya iyadoo
tahriib ah magaceedu waa Saamiya Cumar, gobaygan sidaas buu ku saabsanyahay iyo dhibaatada soomali ku dhacday.

Cabdiyow dabuub gobay waa anigii daayey waayadene
xalay baan dugtaan idhi hurdada la igu soo dagaye
sidii sheekh daliilkii sharciga diirka ka cadeeyey
ama macalin diiwaanka qora yaan u daabiciye
deel qaafka iiguma baxdee dirito weeyaane

Dul ka hoor kaliil roob da’hayoo daadku galacleeyey
farqahoo wada durdurayoo dooxa wada gaadhay
ama ceel durbaba maaxda oo dowlis lagu tuuray
oo wadaanta ay doojiyeen wiilal aan daaleynin
sida geel dararka loo buuxiyaan idin durduursiine
bal doonyeysta gobay door ahaan weel idiin dariye

Tan iyo duudi nabi aadan iyo duni abuurkeeda
dunjigeeda soomaali waa ul iyo diirkeed e
dhulkii eebehey dajiyey bay dalag ka beerteene
aqal daahyo weyn oo xariir dusha laga saarey
dumarka oo lakala guursadiyo ubad dareeraaya
daar iyo waxay lahaayeen daas la jiifsadoe
waa deeq ilaah bixiyay oo lagu ducaystaaye
diinta iyo shareecadana waa lagu dawoobaaye

dadaal bada hadaad geysatoo duunyo dhaqaneyso
dayrka iyo waa inaad adkeesaa dudada reerkiiye
waraabaha daloombiya waa inaan sheeda kaa dayane

Qaran dumay dadkiisiina wuu dabar go’aayaaye
bal dayaay masalo door ah baan idin dareensiine

Awr dhaan biyaha waa daadiya goorta uu dido e
dameerkuna haduu daalo waa u dakaamaaye
dagaalkii sokeeyaha markii la isku soo duulay
aay qoloba qolo dooxateey damug ka siinaysay
dumarka iyo caruurtuba wey ugu darnaayeene

dalanbaabigii bay qaaradaha ugu dagaageene
doonyahaa lagu guraa sidii duunyadoo kale e
badahaa ba lagu daadiyaa goor habeen dumaye

Qaran dumay dadkiisiina waa dabargo’aayaaye
bal dayaay masalo door ah baan idin dareensiine

gabdhihii dalays midab lahaa waa la daayacaye
daleed banaan baa laga heloo lagu du khuulaaye
saamiya diricad bay aheyd loo dabaaaldago e
isboortigii loo dalbadee darajo weyn gaadhay
duufaana la tagay doontii ay barigii saareene
badda liibiyey dalq tiroon dibba loo arag

dib baa la ogaadayee cidina ma ay dareenteene

cabdi bilaa ka danqaday ilaah darajo siiyoowe
wax u diirnaxaa ma jiroo dunida joogaaye

qaran dumay dadkiisiina waa dabargo’aayaaye
bal dayaay masalo door ah baan idin dareensiine

Wax dabool la saaraa ma jiro daahu qariyaaye
waa inaan danaha soomaaliyeed dirka ka cadeeyo
dunidaa horumar iyo dowladaha waaweyn
ma rabaan soomaali dowladnimo dib udhiskeediiye

Duullaan waxaa lagu ahaa dagalka soomaali

badda daakhilkeedaa lagaloo dahabku yaalaaye

Dhayraadkii dabeeciga ahaaa dibada loo qaadye

daandaansi bay nagu hayaan damacii waalaaye

Dushaaba lagaa saarasyaa duul shisheeye ah
dadka kale ha joogtee kuwaan daris ahaaneynay
iyo wadaad afka soo duubtay baa loogu dowgalaye

Dagaal aan dhamaanayn waa lagu duloobaaye

cabdyow dalkeenii ma jiro wax u dadaalaaye

dow baan kuwada foorarnaa dalaqyo dhaadheere

Aniguba dubkaan uga naxaa dagaladeeniiye

hadaan ooyo dumar baan arkoo kuma dawoobaane

nin damiir leh bay ilmadu diliq tiraahdaaye

Duub cad iyo nin door iyo odoyo doodaa ah

boog aan dawo laheyn baa kurtood doogtu soo kiciye

Qaran dumay dadkiisiina waa dabar go’aayaaye

bal dayaay masalo door ah baan idin dareesiine

Gumeysigii ina daayey baa daaha soo rogaye
daaqaduu ka soo dhacay sidii duufka oo kale
dariska iyo wuxuu isku diraa duul walaalo ehe
kolkaasaa dagaal iyo guhaad la isku daataaye

Soomaali dowladnimo looga dacareeye
kuwii shalay la doortaa durbaba laga dareemaaye
dadka oo qaxahayoo madha diraac jooga
oo waliba dalabaabi ahoo gaajo dacaluuli
wax daryeelaa ma jiro oo u daneeyaaye

Baarlamaanka iyo doorashada lagu dadaalaayo
madaxdii la doortaba hadii daacad laga waayo
oo ay dabamaryeeyaan sharciga qalin lagu duugay
geel duqaydii durdirisay noqdeen aaran daba yaacay
hal dix lagu lisey noqdeen wixii lagu dadaalaaye
ama caano daatoon la qaban dabatagoodiiye

dool iyo dan bay qaaradaha ugu dagaageene
dugsi maleh shisheeyuhu  waa lagu duloobaaye

Waxba gobaygu yuu ila durkine waxaa ku soo deyray
allahayow dalkii nagu nagee waa la didayaaye

daafaha aduunk oo dhan baan uga duceynaaye

dulqaadka iyo samirka waa lagu dawoobaaye

dowlad sharaf leh eebow na sii daayim baa tahaye

 

 

By Ahmed Dahir Xaju Xuseen.
Waamonews.com

 

Leave a Reply