|

Gedo iyo Kismayiyo xagar guriga kaambooni Gumac iyo rasaas baan ku helay goboladeydiiye Kuma hanan gadhkoo aan qabtiyo, gacan nasteexaade Cidna ima gargaarinnee, Rabbaa hiish ii galayee, Waa Gabay loogu Jawaabayo nin u soo Gabyay Sh Ahmed Madobe,By Haldhaa

Gabaygani waxuu jawaab u yahay Gabay nin lagu magacaabo Saadaq Cali Xuseen (Sinane) u soo tiriyay Sheekh Axmed Madoobe.

Hadaba ka boga Gabayga Jawaabta ah oo uu tiriyay Abwaan Mohamed-Deeq Abdi-madar “Haldhaa”.

Adduunyadan garbaha loo dhigee, gudubka loo tuuray
Oo midaan kugaadhi karin, ganafka taagaayo
Adduunyadan gamaamudanee, gees u bixi wayday
Adduunyadan gafkii lagu batee godob la raacayo
Adduunyadan guddoonkii sharciga geesna ku lahaynba
Adduunyadan gabalkuu dhacee, shiigii laga guuray
Adduunyadan nabaddii gabtee, dirirta goobaysa
Ninka Gabayga noo soo tirshaa, Garaad la’aan weeye

Afartaa intaan soo garramay, geesta ma u tuuray
Ma u gaadhay feedhaha shishiyo, dhaban galooleeyda
Sida geel irmaan miyaan gaawahoow culayeey

Markaan waayay geedaan harsadeen cago gubyoonayay
Guuraha habeynkii markaan dhaxanta goowriiray
Gabal dhiciyo Waaberi markaan dirir ku goohaayay
Gomadaha markay iga mudeen gocondho heeraaya
Gacmahiyo markii aan ka jabay gaararkiyo lowga
Gudcurkiyo dharaartii markaan galinba soo jeeday
Gurguurtiyo xaggee bay jireen gacalka aad sheegi

Gedo iyo Kismayiyo xagar guriga kaambooni
Gumac iyo rasaas baan ku helay goboladeydiiye
Kuma hanan gadhkoo aan qabtiyo, gacan nasteexaade
Cidna ima gargaarinnee, Rabbaa hiish ii galayee

Afartaana garkii aan ku xidhay gini colaadeed dheh
Gamuuniyo rasaas laysla  dhacay gamas mariidkii dheh
Aar soo gabraday iyo libaax Weerar galay weeye
Geeraarkii aan tirin jiriyoo gini Castii weeyee
Ninka gabayga noo soo tirshoo lagu gubaa weeye

Ninka sheekha soo gaadhayee gef ku soo tuuray
Gamas iyo rasaas buu rabaa inaan ku gaacshaayee
Bal muu gabbado waa intoon afka gooyaayee
Mas galaalan googiyo abees, gucumo aar jiifa
Ninka geed la seexdoow maxaa kula gudboonaday

Bal Inuu gafane waallan yahay garaad la’aantiisa
Goormuu ku dhacay Axmed Inuu gabay usoo baano
Godob iyo haddii laga cabsado dhiigg ku gubi doonaa
Al-shabaab raggii goowracee, galab cad sii cayrshay
Ku gufeeyay dirirtii ayaad gafuur ku soo taagtay
Armay kula guboontahay inaad gacan afkaa saartid
Haddii kale aduunboow go’iyee, godobtu reerkaaga

By Haldhaa, haldhaa35@hotmail.com

 

Halkan Hoose ka Akhri afareeyda Gefka ah ee uu tiriyay 
Saadaq Cali Xuseen (Sinane)

Shiikhoow armaa gaabsataa, guul daraa badane 
Godob iyo intaadaan qurqurin, dhiig ku gubidoona
Armeey kula gudboontahay inaad, gacalka taageertid

Sadexdaas intaa kaga gudbaye, garo ujeedkayga

Garwadeena daadana hadaan, shey igubay haybsho
Garguurtiyo midkee jecel yihiin, guumaystaha Kenya ?
Midkey gaar u taageerayaan, garab markay joogto ?

Sadexdaana gaa gaabiyaye, soo gudbiya weedha

Guubaabada dhankaygana, hadaan idin gudoon siiyo
Gudcur ruuxi beegsada ragoow, goodka woow halise
Golahaas IGAAD iyo kahara, gacan bidxayn tiisa
Garashana ilaah baa baxshee, gaar iskula shoowra

Oo gunuda maankiina suran, gogosha soo saara
Gees walbaba ka eegoo sidii, gooldanka ubaara
Isku geeya maankiina oo, galawgu yuu yeerin

Midkii garan wixii gubahayoow, samir usii gayfo
Oo dunidu waa gaban gabee, garashadeed yeelo
Gabal kaana sii dhacahayee, gacaloow aashaada.

Abwaan Saadaq Cali Xuseen (Sinane)
soona28@hotmail.com

Leave a Reply