|

Gabay: Axmed Xasan Sh, Axmednuur oo ka jawaabay Gabay Sadiiq Cali Xuseen ku aflagaadeeyay Beesha Absame

Nin Sadiiq la yiraahdo oo qabiilkiisa aan la aqoonin ayaa gabay ku aflagaadeeyay Sheekh Ahmed Kismaayo markii la qabtay, Kadib Abwaan Haldhaa baa u Jawaabay, kadib Gabay Aflagaada ah buu ku soo Jawaabay , Hadaba inta aan lagu talax tagin ayaa Abwaanka waxaa laga codsanayaa in uu soo sheego Somali qoladuu ka yahay , Ileen qof is qarinaya oon laga warqabin qoladuu yahay looma  Jawaabi karee.

Hadaba halkan Hoose ka Akhri Gabayga  uu tiriyay Abwaan Ahmed Xasan Sheekh (Ahmed Nuur)

Asalaamu caleykum

Magaceyga waa Axmed Xasan Sh, Axmednuur, Waxaan maalin dhaweyd website’yada qaarkood ku arkay gabay uu tiriyay nin la yidhaahdo Saadiiq Cali Xuseen, kuna magac dheer Sinane.
Saadiiq wuxuu gabayga ku aflagaadeeyay beel ka mid ah beelaha soomaaliyeed, khaasatan beesha Absame.
Sidaas awgeed baan jecleystay inaan ujawaabo, waxaanse garan waayey ninka soo ceytamatay ee Saadiiq ah qabiilka uu matalayo ee uu kasoo jeedo, isaguna kuma dhiiranin oo ma uusan sheeganin qabiilka uu kasoo jeedo, wuxuuse ka door biday in isagoo gabanaya uu qabiilo kale aflagaadeeyo.
Aniguna gabaygan hoos ku qoran baan ugu jawaabay;

Indhaweyd ka guuroo ma tirin gabay la sheegaaye
Guyaal iyo guyaal baan afkaa gaadhka ka hayaaye
Afarreyda gaagaaban bay golaha keenaane
Oo kama gaboodaane way nagula guulaane
Goray-ciiladaa loogu ba’ay goob la joogaba’e
marse haddii gantaaluhu dhacaan galawna uugaamo
Gooddaadin maayoo baddaan gacan kasii dayne
Iga guraay giddi caawa waa gololadeydiiye !

Gaashaan adeygiyo murtida eebbe igu gaamey
Anigoon ka geeryooninoo koonkan guda saaran
Garaad maleh ninkaa soo gabyee noona goodiyaye

Galabtaan waraaq dhiibayaa geeddi rari jaane
Godka Waamo nimankii fadhiyay galaha haw tuuro
Gufaacada Kismaayana ha galo giniyo weeyaane
Haldhaa baa ku geeraarayee gacanta haw dhiibo

Wax libaaxu gooraamiyaa aaran uu guro’e
Markaan oday Sadiiqow sidii Aarka kugu guuxo
Garbahana ku kooreeyo een seeto kugu gaadho
Ee aan gacmaha kaa jabshaad edeb la guuroone

Afartaa godkii aan iqiin ma u garaar daayey
Gabay-Hawle ina Hiirad Saahid iyo Geydhba
Gacalow Qamaan iyo Ustaad gerigii Aw-Yuusuf
Gundhigeeda Raage’a lahaa gogosha suugaane
Gurxankii Xuseenkaa Hudlaan soo gelbinayaaye
Maku gooyay maansaduba waa oday kasoo gaadhe

Rag hadduuba goolaaftamoo guudka ka coloobo
Waxa lagu garqaataa qabiil lala gobeeyaaye
Gudcur dama sadiiqow adaa gudaya hawd baase
Abtirkaagu meeshuu galaa uunku garan waaye

Gu’goo da,ay dareemada baxdoo galahu daad yaalo
Haddii awrku guulaansadoo doobta ka gariirsho
Goojada abaahada hashii gooba ka horboodi
Isba wuu u gaafmeerayaa xerada guudkeede
Gudcur dama Sadiiqow adaa gudaya hawd baase
Abtirkaagu meeshuu galaa uunku garan waaye

Galawguna galawyadaa kaluu baalka garabsiine
Shimbirkuna midkay gacalyihiin geesta ka ogaaye
Gudcur dama Sadiiqow adaa guraya hawd baase
Abtirkaagu meeshuu galaa uunku garan waaye

Gardariyo isyeel yeel haddaad jooji garan weyday
Godob aad gashiyo jaa’ifadaad goor walbaba goobi

Ogaadeenku waa geed gabro ah geesna aan dhicine
Giddigii Jidwaaqoo fardaha urur gawaanraaci
Culimada gondaha noo ahiyo gacalka Weyteena
Baalcadkaa gamuunada watiyo wiilka Gelimeysa

Galaayuuska qaylada haddii nalagu gooraamo
Gef ma yeelno ceebta ileen waa ka gubanaaye
U gadoodnay sidii Aar Galduur loogu soo galay

Gugundhabe Hiraabkaa saree Gaadsan iyo Iirir
Gidir iyo Abgaal iyo dhamaan Gaalka-jeceshooda
Garre iyo Dagoodida ku jira guriga Ceelwaaqa
Gidigiisba Daarood iyo Isaaq gebiga Soomaali
Sumadaaduu meeshay gashaa gacalow ii sheego
Haddii kalase gaagaabso oo gacanta ii taago

Ahmednur Hassan Sh. Ahmednur
Ahmednur88@hotmail.com

 

Hoos ka akhriso Gabayga Aflagaadada ah ee Abwaam Ahmed Nuur Sheekh Ka jawaabayo.

 

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Saadaq Cali Xuseen [sinane].

Gabayadu marbay furanyihiin gabalna waa ceebe.

Galad iyo marbay mudan yihiin soo gudoon wacane.

Guushiyo marbay kuu horkici gacal samaantiise.

Marna waa xinjiro googo’iyo godob laruugaaye.

Oo waa geed kharaar iyo falaar rubadda goowsaaye.

Hadba saa u gocotay nafluhu garab u siiyaane.

Ana goor lajoogaba xaqaan gacan ku siiyaaye.

Gafna iguma aha waa sidii guulahay faraye.

Kuma goobo sheey lagu go’iyo guluf colaad deede.

kuma goobo gaajada kacdiyo shacab gumaadkiise.

Kuma goobo soomaalidan isgaran kala gulaal keede.

Kuma goobo xumuhii lagalay soo gar celintiise.

Guubaabadayduna ma’aha gacan togaalayne.

Kala garo nin kuu goodin iyo kii ku garabtaagan.

Kala garo garaad kiyo nin kii xume u goohaaya.

Kala garo guumeestahaa wadiyo gacalka aad diidi.

Kala garo gaashaanlaha xertiyo madaxda guudkeena.

Oo garoowso gafkii kaadhaciyo gobolka aad joogtid.

Afartaa intaa kaga gudbaye guudka ka hikaadi.

Gogoshiyo darmada laabo oo ciida la garguuro.

Lagalgalo adaa galabsataye guriga aad joogtid.

Afar kale gar’moogoow hadaan sadar ku soo gaabsho.

Gedda aad ka hadashiyo anoo xume ku goobaynin.

Anigoo u gafahayn ragii qaranka goo baayey.

Anigoo garoowshiyo u qaba goohi dami waayey.

Hadaa tahay nin geesiya amaad ciil lagubanaysay.

Goboladda dalkeenii kuwaa gooni uga saartay.

Kuwaa goowsay ee garad yaroow xabashi hoos geesay.

Oo gadatay ee gabal dhacaba goowda lagu haayo.

Magac aaysan garanayn kuwaa shaabad kula goobtay.

Godeey iyo jig-jiga Gaariso iyo idil galbeed oo dhan.

Goonyaha Nagayle iyo Wajeer gobolka wooqooyi.

Kuwa kugu gabraaree ku gadan maad ku gacansayrtid .

Geesaha kuwaa kaa safane amarka kuu gooya.

Kuwa gaaska kuu soo watee gubaya maal kaaga.

Ee raafka kugu soo gurbiya maa ku gacan sayrtid

Afartaana soo gaabiyaye guudka ka hikaadi.

Garo oo wixii kula gudboon shacabka gaarsiibal,

Afar kale run lama gaaxiyee waa ku garan siine.

Gabanadu ma ooyeen hadii geesi aad tahaye.

Gumeestuhu ma baarteen duq aad gibil wadaagtaane.

Gamma’ kuma nagaadeen ragii guriyey maandeeqe.

Garcaduhu ma ooyeen halkaad gaarka u lahayde.

Hooyo gacalo laab kama gubeen wiil la goowracaye.

Gabdhahaa galtiga aan gudnayn guriga loo geeyey.

Ee ilmadu garaarkiyo jilbaha gees walbaba gaartay.

Oo kii u soo gurman lahaa gabre goldooxaayey.

Go’doon kuma ahaadeen halkay galabta joogaane.

Galin kuma nagaadeen hadii geesi aad tahaye.

Iga daa waqtaa gabay dhahdaa kuuma soo galine.

Iga daa gar’moogoow gunnimo gaadadaa surane.

Iga daa inaan kula gabyaa waa garaad yariye.

Asaagii nin uu ka gudbay oo gaabshay baatahaye.

Xornimada lasoo galay nimaan gaarin baatahaye.

Nin cadaawe uu guursadoo loo gudbaatahaye.

Gumaciyo rasaastaa wadana waxba ma gooyaane.

Gambadaada sooraaro oo horay u siigayfo.

Ama caawa waa gaba gabee guulo hore sheego.

Eray maanka aan galin karoo kuu garnaqa shee

4 Responses for “Gabay: Axmed Xasan Sh, Axmednuur oo ka jawaabay Gabay Sadiiq Cali Xuseen ku aflagaadeeyay Beesha Absame”

  1. sokorey says:

    sc. walal horta nini is qarshey waa nin cabsadey runtiina ma astaahilo inuu loo jawaabo oo waqti lagulumiyo. ninkan gabeygiisa waxaadhaamo key habraha iyo caruurta ku hadaaqaan oo ayeyday baan xasuustay markaan akhriyey gabeygiisa marka fadlan ha ha ujaabina mardambe . waa la hubaa geesigayada absame in an lagu gaarin gabey marse waxaad noqonaysaa qofladagaalamayo qof usan arkeynin. marka hore laguu yaqaan ninkani waa nin irir waana nin qiso xanuun badan ku dhacday taasoo ah in walashii iyo naagtisa halmeel lagu kufsadey oo ninkan mudo ayaan aqiin. markacudurka madaxa ku dhaco ayuu qabaa ee layiraahdo iskoofariin mudo ayuuna xanuunsanaa , marka waana nin kaqebqatey dagaalkii darood lagu laayey. marka la soco hana u jawaabin dad baa kacadsadey inuutiriyo gabeyga oo waliba inta ay horfadhiistaan fany ka dhigto , waana ragshiikhal iyo gadsan ah hawye, kana xun jubboland hawiye ama irir hadii ay wax qaban gabdhahooda kufsiga ha kadayeen xamarna ha xaliyaan koley intaasbaa ku oranlaha oley ragabsame ahbaa tihiin haldhaa isagoo yarbaan aqiin fadlan habo iyo ilmo adeerrayaalafkiina xidha

  2. rageedii says:

    Waa huuraale huuraale dhalay oo fulay ah, haddii uu rag yahay muxuu u qariyey habtiisa ama qabiilkiisa,koley haddii ruuxu hadal ama odhaah sheegayo waxaa fiican inuu is cadeeyo,nin isqariyey oo daaha gadaashiisa ka hunu huneynaya waa wax bakhtiyey oo midgaan uraya waa kii eydayda qalijiray, ee xaaraan ku naaxa ahaa,kana geydhanaya dhulkii ay fowdada iyo ifsaadka ka wadeen.rag haduu yahay qabiilkiisa ha soo sheego .ha kana soo jawaabo gabayga loo tiriyey.

  3. Liqaaye says:

    Qofka noocan oo kale uhadlaya wa qof ciil qaba oo ay cuqdad iyo ciil dishay. Marka noocan o kale in loo jawaabo ma mudna.

    Kaliya waxa loogu soo gabin kara nasab matihid iskumana kalsoonid ee midgan aya tahay umana jawabno dadkas waayo beeraha iyo guryaha ayay noga shaqeyan ee sorry oo qof aad isku level tihin raadso. Intas in loogu soo kobo ayay ahayd. Iyo in dadka uu gabaygan afar leyda ah uqadayo inay yihin dadkii gabayga laga sogadhay, hadii uu hadalka badiyana lagadhsiin doono heer u kabaha ka cararo wayo meelo uusan ga gabyi karin ayay lagali. Sidii hada kahor qabsatay rer bariga markii uu ugabyay ina fidhin gabaygisina ilaa hada lama furin mudo badan ayana laga joga waayo gabay, kusabsan cilmiga, xidigaha , xisabta, fiqiga, iyo sualo kale oo badan ayu aha, wax furana ilaa hada lamaha hayo.

  4. WIIL WAAMO. says:

    Gafka aad latimid saadiqoow waa mid kuu,go,ane
    Gardarada marbaa lagu go,aa gooftan iyo faane
    waxba kaama galin ninyohow geeska aan dago,e
    iska daa gunuunuca waxyahow golofku ceeyrteeyey,
    oo car garo heybata aad gashiyo guriga aad joogto

    Goonyo iska eega waa lagu yaqaan Gocasho naageede
    Galaa buxu ma fiicnee cargaro qooyska aad gasho,e
    Gun inaatahayna weey cadahay gundhiga eey laha,e
    Afka lalama soo galo dad goba aadmi kala goosha
    Garta qaado oo haatan beey kula gudboontahaye,

Leave a Reply