Turkiga oo dowlada Somaliya utababaraya 25 Kun oo Ciidamo ah
Kulan ay soo qaban qaabisay dowlada Turkiga oo magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkiga uga socday wafdi ka socday Dowlada Federaalka Somaliya ee uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga C/xaiim Fiqi iyo Dowlada Turkiga ayaa soo gaba gaboobay .
Shirkan oo socday mudo hal maalin ah ayaa ka qeybgalayaasha shirkaasi isla qaada dhigeen qorshe ay wadajir usoo diyaariyeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayadoo qorshahaasina uu la xiriiro in Seddexda sano ee soo socota Soomaaliya loo dhiso islamarkaana loo qalabeeyo Ciidammo aad u xoogan oo awood u leh iney hantaan guud ahaan dalka Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulankaasi kadib Warbaahinta la hadlay sheegay in dhinacyada shirka ka qeybgalay ay si aad ah u taageereen qorshahan islamarkaana ay Dowladda Turkigu balan qaaday inay hirgelinta qorshahan ku bixin doonto Toban Milyan- oo dollar, halka ay sidoo kale dowladdo ay ka mid tahay Imaaraadka Carabta iyana Ballan qaadeen iney dhaqaale ku deeqi doonaan sidii qorshahan loo hirgelin lahaa.
Hirgelinta heshiiskan lMilitari ee ay kala saxiixdeen Somaliya iyo Turkiga ayaa la sheegay in la horgeeyni doono shirka Bisha June ee sanadkan lagu wado in uu ka dhaco Magaalada London ee dalka Ingriiska si loogu helo taageero.
Sikastaba ha ahaatee deeqaha Caalamiga ah ee dhaqaalaha ,wax barashada iyo Militariga ee loogu deeqo dowlada Somaliya ayaa ah kuwa ku kooban Magaalada Muqdisho deegaanada ku xeeran.
Waamonews.com

waryaara war in talaabo dagadag ah lagaqaadaa arintan culusow wado waa arin layaableh waa in
loo sheegaa aduunka in ninkan culusow waxa uuraadinayo inay tahay dagaal sokeeye waa in
la xisaabtamo aduunka lacagtan lugu bixinayo anaan loo istamaalin siqalada ayadoo halqabiil kaliye
isku ekeeyaan waa wax layaableh runtii waxaan layaabay ninkan dagaalka kujira aan cidna la xisaab
tameen waa waxlala yaabo anugu waxaan kutalinlahaa hubka inaan laga qaadin soomalia
2waa inaan ciidan tababar ciidan halqolo lasiinin ilaa inta dib ushiisiin loosamaynin 3 waa in ay
kafiir sadaan uduunku dhaqaalaha aysiinayaan culusow waa inay sidaacad ah u ogaadaan
meesha lagu bixiyo waa in loodhabe galaa ninkan nin la aamine karo ma aha waa nin qabiil
kaliya ushaqaynaya wc
Waa iska sheeko, turkey waxee maweenineysaa xasan NGO. sideey turkey u taba bari kartaa 25,000 oo askari una Qalabeen kartaa. somaliya WAXAA saaran Cuno Qabateen HUB. Turka ama dowlad kale ciidan dhan 25,000 ma Qalabeen karto war huu-haa ah.
U.S,EU, iyo UN waxeey aamin san yihiin in Cuno Qabadeenta somaliya saaran aan laga Qaadin maxaa yeeley somaliya malaha ciidan isku dhafan waxaana looga baqayaa hadii Cuno Qabateenta laga Qaado inuu dagaal sokeeya ka dilaaco.
WAXAA XAQIIQ AH INAN SOMALIYA CUNO QABATEEN HUB LAGA QAADEYN LABATANKA SANO EE SOO SOCOTA.
ac
soomaaliya in cunaqabataynta laga qaado waa daruuri waayo waxaa loo baahanyahay ciidan difaaca qaranka. Kuwa moodaya hadii ciidankaa la dhiso in ay iyagu yeelanayaan soomaalida kalena ku cadaadinayaan way gafsan yihiin. kuwa kale ee u haysta in ciidankaasi noqon doono ciidan hawiye uuna u adeegsan doono in soomaalida kale lagu xasuuqayo iyana waa gafsan yihiin. Arintaasi maba dhici karto,ciidan kasta oo la dhisana wuxuu noqon doona ciidan qaran oon qabiil si gooni ah u raadsan,kana kooban qabiilada soomaaliya oo dhan.
Ciidankaa sida ugu haboon ee loo qori karo waa in laga soo qoraa sideetanka iyo dhowrka dagmo ee dalka soomaaliya ka kooban yahay si isla eg. Haday saasi dhacdo waa ciidan qaran marka maxaad ka cabsan.
wc
Eng. Nuuriye
Dadka yar ee weli shakiga qaba markii adduunka dhan loo fiiriyo waa iska caadi oo mar kasta dad si kale wax u arka lama weynayo. Sidaad sheegtey ayaan qabaa mana jiro qof daneynaya in ciidan qabiil la dhiso. Ciidan qabiil haddii la dhiso iyagaa qabiil sii kala noqonaya oo isku dilaya.
waa riyada culusow mana dhaceyso haday dhacdana waa in loo qaybiyaa gobolada iyoo xaduudaha oo si siman loo qaybsado,
waxaa ka horeeya is aaminaad hadii hada hub la siiyo kuwa dumarka kufsanaaya soow masii badaneyso
Asc wrt wbrt anigu fikirka aan qabo wa hadi somaliya ciidan qaran ee difaaco lo dhisayo in aan lagu so darin hal nin o qabiilka hawiyaha sheegto ah maxa yeelay 22sanno o somaliya burbursaney ubadki hawiye u hanaqadey wa sumeysan yihiin colaad dhiig daded o baxaya iyo Indho xumo adun bey ka dhargen qabiiloyinka kale ee somaliyed ee gobolada iyo qurbaha u qaxey aya fiican in ciidamada laga qoro xita hawiyaha hiiran ilaa galgadud ku dhashey ubadkodu wa macqul lkn sundey people iyo xamar kuwi ciidamada loga so dhigey e uganda iyo jabuti logu so tababarey wad arkeysa dhibka dhaca boobka kufsashada ay ka geysanayan caasimada wana in ciIdan isku awood ah lo dhiso is mamulada o turkigan kababka ka so dhargey ee colestorolka la xanunsanaya lo sheega inu wadanku qabiiloyin yahay waliba dirirsan ha joojiyo tashiiladka iyo dhismayasha gaarka ah ee xamar kaliya kula gagabayo wa bilahi tawfiq
@ Eng Nuriye.
WAXAAN u maleyn inaad aad somaliya mudo dheer ka maqneed ama aadan war u heyn XAALADA ey somaliya maad ju jirto AMA aad wadato arin Qarsoon. let’s be frank and honest here. waxaa wanaagsan dadku inuu runta isku sheego, somalida waxeey ku mahmaahdaa ” ILKO IYO RUNBA WAA LA CADEYAA”. arintaan ka qaadida Cuno qabateenta somaliya ARIN SAHLAN MA AHA. waana sidatan.
1) Somaliya maanta malaha ciidan isku dhafan, example, xamar,afgoye,jowhar,baledweyn ciidanka jooga 87% waa Hawiye iyo dir.
2) Ciidanka jooga bay iyo bakool 79% waa digil mirifle.
3) Ciidanka jooga Puntland state of somalia 88% waa Darood.
4) Ciidanka jooga Somaliland 95% waa isaaq.
5) Ciidanka jooga Jubbaland oo dhan 90% waa Darood.
sideetan tuulo oo aad sheegeysid waxeey ka mid yihiin Goboladan aan dusha ku Qorey. waana gobolo maanta xududo ka leh kana wada tirsan somaliya kuna dhisan TRIBAL LINE ama Qabiil waa marka runta loo hadlo. hadii mr culusow yiraah cuno qabatka hubka hanalaga qaado, hubkaas yaa maamulaya hadey somali maamushu waa xaqiiq ah iney Qabiiladooda ey u kala Qaybinayaan hubkaas markaasna tagaal sokeeye oo hor leh uu bilowda waa hubaal taa.
Arintaan aad lee dahay ciidamada ha laga soo Qoro sideetanka tuulo ee somaliya, awalba dowladii 1960 iyo 1969 lababaduba ciidanka waxeey ka soo qori jireen tuulo walba oo soomaliya ka mid ah WAAGAS SOMAALIDU WEY KA DUWANEED SOOMALIDA MAANTA, berigaas soomalidu qabiilku wuu ku yaraa maantana aduunyadoo dhan baa ka war heysa xaalada somaliya.
Marka hore intaan la qaadin cuno qabateen hub waxaa muhiim ah in SOMALIDA oo dhan la heshiisiyo, lesku ciliyo wixii hanta ah, lawada hadlo, qabiil walbo oo somali ah waxuu tabanayo uu miiska soo saaro. arin sahlan ma aha waxeey qaadan seddex ilaa afar sano.
FIGRADAAN ah in anan cuno qabad hub aan laga qaadin somaliya waxaa qaba dad badan oo somali ah oo qabiil walba leh sababtuna waa qorey. SOOMALIDU waxeey ku mahmaahda “OODBA SIDEY U KALA CULUS TAHAY AYAA LOO QADAA”, intaanan hub raadsi lagu ordin iyo ciidan dhis waxaa ka horeysa iney somali si dhab ah u hishiiso, tan labaad in la dhiso maamul goboleedyo ama semi-autonounou states. already waxaa jira Puntland iyo Somaliland lagu xejiyo Jubbaland, labo gobol iyo wixii ka badan oo israaca iyagana loo sameeyo maamul goboleed ey iya u madax banaan yihiin lana shaqeeyan dowlada dhexe.