|

WAR SAXAAFADEED: Puntland oo soo dhawaysay Aqoonsiga USA ee Dowladda Federaalka Soomaliya

Dowladda Puntland waxay soo dhawaynaysaa hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dowladda USA Hillary Clinton oo ku dhawaaq day in ay Dowladda USA si rasmi ah u aqoonsatay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo uu hada hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud.

P untland waxay u aragtaa go’aankii ay gaartay Dowladda USA talaabo taariikhi ah oo hormarinaysa xiriirka USA iyo Soomaa
liya ahna talaabo ku dayasho mudan.

Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay u hambalyeynayaan
Dowladda USA,Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo idil.

Puntland waxay ka qeybqaadatay door wayna ka ciyaartay dadaalkii caalamiga ahaa si uu dalka Soomaaliya uga baxo xilligii ku meel gaarka,geedi socodkaasoo ay ka mid ahayd ansixintii Dastuurka Federaalka Soomaaliya, dhisidii
Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka iyo doorashadii Gudoomiyaha Aqalka Hoose, iyo doorashadii Madaxweynaha
cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay qeyb wayn oo muuqata ka qaadataa arrimaha ilaalinta iyo adkeynta nabadda, amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Puntland waxay ku dhiirigalinaysaa Dowladd a USA iyo saaxibada kale ee Soo maaliya inay sii wadaan taageerada arrimaha nabada iyo xasiloonida, gargaarkaini’aadanimo, dowlad wanaaga, iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha ee guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland waxay ka fila na ysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dhowrto kuna dhaqanto Dastuurka Federaalka, dalka wadaajiso taageerada caalamka ee barnaamijyada amaanka, hor mariso dhamaystirka nidaamka Federaalka ee dalka Soomaaliya, taageerto dhisidda Dowladaha dhiman ee ka mid noqonaya Fedeeralka Soomaaliya, taageerto dib u heshiisiin heer Qaran.
,
in dawladdu dhisto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ka wakiil ah Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka, iyo inay dalka si nidaamsan u wadaajiso taageerada caalamka ee dhanka arrimaha gargaarka bini’aadanimo iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaale oo lagu bixiyo magaca dalka
Soomaaliya.

Ugu dambayntii, Puntland waxay ugu hambalyeynaysaa shaqadii wanaagsanayd ay qabatay
Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dalka USA Hi
llary Clinton intii ay ku jirtay siyaasadda.

DHAMAAD

 

 

1 Response for “WAR SAXAAFADEED: Puntland oo soo dhawaysay Aqoonsiga USA ee Dowladda Federaalka Soomaliya”

  1. kkkkkk war mahadcelinta hal naaga maxay oogu ekeeyeen

Leave a Reply