|

Waan ku farxay in laygu mudaaharaado si nabad ah,laakiin cunaqabateynta ha nalaga qaado(Madaxweynaha Federaalka Somaliya).‏

Hadal uu jeediyey Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamud ee USA,ayuu ku sheegay in mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday xukuumadiisa uu ku faraxsan yahay oo aan qori laysku adeegsan lagana gudbay waqtigii qoriga wax lagu maquunin jiray.

Waa arrin fiican oo shacabka Somaliyeed ay soo dhaweynayaan laakiin waxaa is diidan inay xukuumaddu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay in cunaqabateynta laga qaado Somaliya si ay u keensato hubkii ay sheegeen in laga maarmay.

Midda kale haddii cunaqabateynta laga qaado Somaliya oo hub la keeno xaggee laga dejin hubkaas,ma ceel-macaan,mise berbera,mise kismaayo,mise boosaaso,mise muqdisho.

Haddiibase  mid ka mid ah laga dejiyo waa kuwama ciidanka qaranka ee Somali ku idil yihiin,ma kuwa Bay joogaa,mase kuwa puntland joogaa,mase kuwa somali land jooga,mase kuwa jubbaland,mase waa kuwa muqdisho,suaalahaa dhamaan aqristahaan u daayey.

Haddaan taariikh kooban idiin soo gudbiyo taasoo qof kasta oo somali ah uu garan karo,dagaalkii sokeeye muddadii uu socday waxaa burburay dhamaan waddankii oo dhan,dhan kastaba ha ahaatee,laakiin dad badan ayaa dano gaar ah ku gaaray kuna soo caanbaxay mudadaas dagaalku socday ha noqdaan dagaal ogayaal,ama NGO,ama ganacsato ganacsi sharci darro ah ku caanbaxay,kuwaasoo dadka shacabka ahi aysan wax eed ah ku laheyn.

Muqdisho oo aheyd magaalo madaxdii Somaliya ilaa hadana loo aqoonsan yahay ayaa waxay aheyd meesha magacii umadda Somaliyeed wax loogu cuni jiray illaa haddana ay muuqdaan astaamahaas, ka soo qaad markii abaar dhacdo oo adduunka loo dhawaaqo meesha wax la geeyaa waa muqdisho,iyadoo laga yaabo inaan kontroolka balcad iyo kan afgooye la dhaafi karin,haddaba ma gobolada dalka ayaa looga yeeraa shacabkii u baahnaa mucaawinada  mise shaqsiyaadkii macruufka noqday ayaa ku tagri-fala,aqristahaa ka jawaabaya.

Waxbarashada ayaa la mid ah oo markii la helo deeq waxbarasho oo ummada somaliyeed ka dhaxeeya lama oraneyn beledweyn ayaa qeybtan leh ama jilib ha la siiyo intaan ama somali land cadkeeda ha loo daayo,ama puntland, ama jubbaland, ee waxay ku koobneyd muqdisho.

Haddaba anigoo soo koobaya qoraalkeyga ama aragtideyda gaaban ayaa waxaan oran lahaa somali hub lagu qaato magacii ummada somaliyeed loona qeybsado sidii mucaawinada ama deeqaha waxbarasho uma baahna waqtigan la joogo ee  xukuumadu ha ka shaqeyso isu soo dhaweynta shacabka walaalaha.

 

Abdirashid Jire

Khalinle@gmail.com

 

 

1 Response for “Waan ku farxay in laygu mudaaharaado si nabad ah,laakiin cunaqabateynta ha nalaga qaado(Madaxweynaha Federaalka Somaliya).‏”

  1. AFMADOOW-BOY says:

    A/C somalia oo maanta hub lakeeno waa dagaal sokeeye dib ha u biloowdo, waayo hadii qabiiladii somaliyed eey kala aamin baxeen qabiilkee dakadiisa intii hub laga soodajiyo qabiilka kale wax hubka ha ila qeeybsado oranaya hadii xamar hubka lagadajo ilama aha in hawiye dexdiisa ku heshiin lahaa, tusaale HABARGIDI IYO ABGAAL ayaa dad isugxiga walina heshii iyo is aaminaad madhextaalo kuwa kale warkoodaa, aniga waxee ilatahay hadii hubka la ogolaado in lakeeno, qabiilwalbo oo soomalia kunool in kufilan intii laweydiiyo halasiiyo dagaal sokeeye dib ha u biloowdo markaas kadib ayeey soomali heshiin doontaa!!!!!!!!!!!!!!

Leave a Reply