|

Barre Hiiraale” Kismaayo Kenya qabsatay, Kismaayo iyo jubaland Marexan wa dagay ama Ahmed madobe ha xukumo ama Barre Hiiraale ama Jareer. Dolow ilaa Raskamboni Geeleenaa qalow qalow leeynayaa”(Dadheygso)

bare hiiraaleCol: Barre Hiiraale oo hadala ka jeediyay shir ay beeshiisa qabsatay ayaa waxuu ka hadlay arima badan oo ku saabsan Jubboyinka , kuwaasi oo u badnaa gubaabo.

Hadalada Barre Hiiraale waxaa kamid ah:

HADALKA BARRE HIIRAALE HALKAN KA DHAGEYSO

“Ragg baa Jubaland ,Jubaland yiri, Kismaanyo iyo Jubaland  Mareexaan waa dagay ama Axmed Madoobe ha xukumo ama Barre Hiiraale ha xukumo ama Jareer haxukumo,Mareexaan  meeshaas waana degany,Laakiin hadii uu karti u waayo  inuu isku duubnaado oo Somalida intuu kasbado hogaanka qabsado huu waayo , dadka ku ganacsanaya dhulkaasi istaraatiijiyada ah degan ee dhistay  ee ku nool bay kamid noqden”.

” Somali oo dhan ayaa baa meesha jubaland la yiraahdo  degta, Gedo ka bilow Jubada hoose ku dhamee, Somali oo dhan wax inagala dhaxeeyo meel cidla ah yaan ku lug go”ine, Inaan inaga intaan isku duubano aanan Somali ku milmin oo Somali kooxba intay  dhinac naga soo gasho na goosanin, Meesha Kismaanyo la yiraahdo dowlad baa haysata Kenya haysata, dadka ku wareersan ee leh Ogaden ba haysta iyo waxa haysta Kablalax, dadka yaan la jahawareerin, Meesha Kenya, Kenyana waxaa ku heysata dowlada Somaliya, Barnaamijkaas   Somaliya ayuu u yaalaa iyo Kenya”.

” Laakiin Marka Kenya iyo Somaliya Barnaamijkooda halkaas la dhigo adiga maxaa kuu diyaarsan meesha waa la isugu tagayaaye, ninkii imbishin lahowna diyaar garoow  ilaahey ragbuu naga dhigaye,  Dooloow ilaa Raskamboni Geelooda unbaa  qalow qalowda kuwada hayaa, Hadaan Ilahey quwadeena naga qadinin Jubaland dadka jooga 80% oo Somalida kale waa na ogolyihiin, hadaanan inagu is afgaran waaynin oo waxii hada laga sheekeynayay anyan  ku jujuubin ee  ku raaci  maayo iyo  na raac iyo macagiisi iwm taasina wax jiro waaye”.

” Dadkan waxay ubaahanyahay ragg usha u jabsada oo ka xaysta ragg iyo dumarba inta iskugu tagaan shir loo qabto yaa loo baahanyahay, waxaa weeyaann shaqadi meesha ay ka haleysantahay yaynan  ka warwareegine intii toos loo wajaho geed ha loo waabo dadka hala heshiisiiyo, hala mideeyo,kuligeen aan ku fikirno inaan Jubaland hogaan keeda qabano” Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Col: Barre Hiiraale oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Waamonews.com

 

 

 

Leave a Reply