Try the bell: The president of Somalia waits outside a closed no.10 yesterday. After a few seconds, Hassan Sheikh mohamud was greeted by David Cameron to discuss a package for £3 million in British aid for his country.(Fadeexad)
Try the bell: The president of Somalia waits outside a closed no.10 yesterday. After a few seconds, Hassan Sheikh mohamud was greeted by David Cameron to discuss a package for £3 million in British aid for this country.
Qoraaladaasi waxaa ciwaan looga dhigay Joornaalada Ingriiska ee wax ka qaray maanta Booqashadii Madaxweynaha Somaliya shaly ku tagay Xafiiska Raisul Wasaaraha Ingriiska David Cameron.
Joornaalka Metro News iyo kuwa kaloo badan ayaa Ciwaan looga dhigay qoraaladaasi kor ku xusan,Try the Bell’ kadib Markii ay la yaabeen Bartakool xumada haysata Madaxweynaha Somaliya oo mudda hortaagnaa Xafiska Rasiul Wasaaraha Ingriiska NO:10 iyadoo Albaabka uu xirnaa.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Culusow ayaa iska soo lugeeyay keligiis intuu gaarigi kaga soo degay meel ka durugsan Xafiiska Raisul Wasaaraha Ingriiska, iyadoo daqiiqado kadib uu Albaabka ka furay David Cameron.
Sida caadiga ah Madaxda la qaabilayo ayaa laga horgeeyaa dad qaabilo oo usoo gelbiyo dhanka Xafiiska , Laakiin tani waxay tusaalo cad u tahay Bartakool xumada iyo qibrad la aanta haysata Madaxweynaha Somaliya iyo kooxaha qaabka qabiil ku hoos ordaya ee la taliyaasha u ah ama u qaabilsan dhanka Bartakoolka.
Waa fadeexad tii ugu xumeyd abid Madaxweyne dhan oo Albaabka laga furi waayay, iyadoon waqtigii la balamiyay la gaarin ayay iska soo garaaceen Albaabka yaab, Sida ka muuqata Sawirka Madaxweynaha Somaliya oo keligiis iska lugeeynaya , sida isagoo u socda Xaafad.
Ma jirto wax dad ah oo hareerahiisa socda. Hadaba Waxaa la yaabtay Saxaafada Caalanka fadeexda intaasi la eg, iyadoo aad indhahiina ku arki kartaan , qaanuun la aanta meesha ka muuqata.
Fedeexadaasi waxaa usii dheereed in la siiyay lacag dhan 3 milyan oo dollarka Mareykanka ah,isagoo dowlad dhan matalayo , Waa ififaalo kaloo muujineysa sida dowladaha deeq bixiyaasha iyo Caalamkuba uga niyad jabeen hab dhaqanka Madaxweyne Culusow.
Waxaa kaloo fadeexad iyo waji gabax ugu filneyd Markii Banaanbaxyaashi cadaalad doonka ay uga dhaarteen in uu cagta geliyo xarunta Chatham House oo uu uga qeyb galay shirka, kadibna lagu qasbay in albaabka gadaal ee fire exit door-ka laga soo geliyo.
Sidoo kale kulankiisi ma uusan aheyn mid uu mahadiyay kadib markii lagu harqiyay Su’aalo uusan ka jawaabi karin oo ku dhaliyay xanaaq xad dhaafa oo sababay inuu 10 jeer marna siibo marna gashado ookiyaalaha, Marna madaxa xoqda , Marna sacabiyo carada ka muuqatay darteed.
Su’aalaha ugu darnaa ee uu sida weyn uga carooday waxay aheyd kadib Markii Aqoonyahan ka soo jeeda Jubboyinka uu weydiiyay dhowr Su’aalood oo ay ka mid aheyd Sababta reer baladweyne maamulka ugu ogolaaday Jubboyinkana uu u yiri dowlada u sameyneysa.
Madaxweynaha ayaa marna si waafi ah oo la fahmi karo uga jawaabin dhamaan su’aalahii la weydiiyay, Xilligii lagu guda jiray Su’aalaha ayaa waxaa dhacday in Madaxweynaha sidaad wada daawaneysenba uu sheeka dheer la galay nin ay is garani jireen oo su’aal weydiiyay.
Ninki ayuu ku mashquulay oo uu sheeko dheer la galay, isagoo u sheegayay in xilli hore isugu dambeysay isla Markaasina uu wali u muuqdo nin da’yar halka isaguna uu isku sifeeyay inuu duqoobay. Waxaay kamid aheyd qaladaadka la yaabka ley uu uu gelayay Madaxweyne Culusow, inuu mowduucii ka baxo oo usheekeeyo sida ciyaal xaafa, isagoo uu ku socda waqti.
Isku soo duuboo umada Somaliyed ayaa aad ula yaaban dadka Madaxweynaha Somaliya iyo kuwa la taliyaasha u ah ee sumacad xumada dal iyo dibadba ka haysata u soo jiiday.
Cali Yare
Waamonews.com








AGGA——war awoowgood lagub —— war xunkan xunku dhalay———yuuna waqti idinka luminin———-
CALI YAROOW maanta xaladu matagno—- NIN DHUMANAYA OO– —UU DHABARKU MUUQ-DO
aan isku dayno in aan abuurno heykal dowladnimo oo ku salaysan waxaan inagu doneyno ————–
waxaynu donayno waa in laga kaaftomo qof iyo qabiil aan doneynin dowladnimo iyo mooryaanimada xamar joogta
dadbaa umaleyn inaan ka hadlahayo hawiye iyo xasan-dhuxuloow oo kaliyah ——————————–
TALO
waxii aatan ka danbeya aan ufikirno aayaha iyo horumarka– JUBALAND qofkii iyo qoomkii isku daya in uu ka haryimaado—MASALIXADA—waxaa yaqana gumac afkii—