Gudoomiya ku xigenka Maamulka KMG ah ee Kismaayo Yasin Raadeer oo sheegay inuu u sharaxanyahay Madaxweynaha Jubaland(Daawo)
Gudoomiya ku xigeenka Maamulka KMG ah ee Kismaayo Yasiin Nuur Gaas oo Sheegay inu u sharaxanyahay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland State.
Waamonews.com
Bal ila akhriya faaladan nin kan oon ku arkay Allgedo mar aan search gareeyay magacissa. Waa in aan iska baarnaa dadka utartamaya kursigan. Ninkan wuxuu yahay hala baaro.
Hunguri xumada iyo dhaxalkeeda! By Caaqil Axmed
Print here| By: allgedo.com: Friday, March 19, 2010 // 1 Jawaab
Waxaa beryahaan webabka soomaalida qabsadey sheekada magaalada kismaayo, dadka qaar baa ku leh “magaalada waxaa qabsadey wadaado isku dhafan oo soomaaliyoo dhan ah”, qaar waxey ku leeyihiin “maya ee waxaa qabsadey beesha Ogaadeen oo magaca wadaadada ku gabaneysa”, kuwo kale Kablalax iyo wax la mid ah ayey ku dareen, qaar kalena su’aalo badan ayey keeneen oo ah “qolyaha beesha Sade ee wadaada ah miyay waalan yihiin markii ay niman qabiil ku gabanaya wax ku darsanayaan?.”
Hadaba waxaas oo dhan hal arin ah ayey isla ogol yihiin, taasina waa Kismaayo maanta kuma jirto gacantii sadexdii nin ee ilma adeerka ahaa ee intii mudda ahba ka ariminayay oo maamul xumo iyo hunguri xumi awgeed ku heshiin waayay xoogaaga shilimaadka xaaraanta ah oo Dekeda iyo Airportka laga aruurin jirey.
Waa kuwama sadexdaas nin? Waa: C/risaaq Faarax Taano, Yaasiin Nuur Gaas (Indho raadeer) iyo Barre Aadan Shire (Hiiraale.)
Ayada oo ay haddaba jirto xaqiiqada aan kor kusoo sheegay in ay tahay waxa ay beesha Sade ku weyday maamulkii magaalada dekedda ah ee Kismaayo, ayaa waxaa si gaar ah loo canbaareeyey Barre Hiiraale, laakiin waxaa kasii danbi badan labada kale ee iyagu mas’uuliyadeeda iska leh wixii keeney in magaalada dhexdeeda lagu dagaalamo oo Al-shabaab iyo cid walba meesha ugu yeerey.
Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa “waxaad qarsataba waa ku qarsadaan!” oo macnaheedu yahey hadii aad cudur qarsato waad u dhimaneysaa. Reer sade waxey ka xishoodeen iney sadexdaan iimaanlaawayaal farta ku fiiqaan oo iska dhex qabtaan, maantase miraheedii ayey guranayaan. Ma ogtihiin in Kismaayo inta eysan Al-shabaab iyo Kablalaxa aad sheegeysaan aysan imaan in reer Sade dhexdiisa lagu kala tagey oo nin walba xeyn wiilal ah meel ku xareystey? Mase ogtihiin in kuwa badan oo reer sade ah ay markii ey isbaarooyinkii ay isku xumeynaayeen sedexdaan nin ee magaalada iyo daafaheeda daadsanaa ay u adkeysan waayeen ey Alshabaabka naftooda ku biireen?
Aan u soo laabto su’aalihii faraha badnaa ee dadku is weydiinayey. Waxaas oo su’aalo ah laba jawaabood ayaad kaga qanci kartaan. Tan koowaad, hadii beel Kablalax la yiraahdo ay qaab qabiil beesha Sade oga adkaan karto xageey jireen Kablalaxaan tobankii sano ee aad magaalada ka arimineysey? Ma hada ayey rag usoo dhasheen? Jawaabtu waa maya. Mida kale, weligeed lama sheegin qoom hunguri iyo xukun isku qabsadey oo guuleysta. Waa hubaal in laga faa iideysanayo kala qeybsanaantooda oo si fudud looga taqlusi karo.
Hadaba reer Sadoow, is weydiiya su’aashan weligaa dagaal qabiil lagaagama guuleysan ee maanta maxaa keeney in laba sano gudahood Barre sadex jeer Kismaayo ka cararo? Markii koowaad maxkamado xamar ka yimid ayuu ka cararey isaga oonan hal xabad ah ridin. Hadana mar labaad Bu’aale ayey wixii uu baabuur watey kaga furteen. Hadana markii sadexaad ayuu maanta Gedo usoo cararey isagoo dhaawac iyo dhimashaba wata.
Miyeysan intaa garasho ugu filneyn qofka caqliga leh inuu is weydiiyo war xaaladu waa sidee iyo maxaa is badaley? Waa run wax badan ayaa is badeley. Siyaasada soomaaliya maanta ninkii raba inuu qaab qabiil meel ku heysto been ayuu isu sheegey, weliba qabiil dhexdiisa hunguri isku heysto haka yaabin iney meel ka taliyaan.
Arinta Soomaaliya waxey isu badeshey isbaheysiyo wadaado ah oo Soomaaliyoo dhan jareer iyo jileecba ay ku jiraan oo aanan qabiilkuna ka maqneyn. Qabiilada hubeysan ee dega koonfurta Soomaaliya maanta wiilashooda wadaadada ah ayey hubkii u dhiibeen, kuwii mooryaanta ahaana dowlada ayey ku biireen iyagoo ciyaaraya labada kaar ee
hadba kii soo baxa ayaan cuneynaa; laakiin beesha Sade waxaa hogaankeeda si macangagnimo ah iskugu dhejinaya magaalada Kismaayo sadex nin oo caloosha wax galo waxaan aheyn indhahoodu eysan qaban, waana boogta laga heley in laga weeraro xukun jecleysi aanan meel dheer gaareyn iyo hunguri waali ah oo ubadkooda xitaa ay iibsanayaan hadii xoogaa shilimaad ah loo sheego.
Barre waa xildhibaan Baydhabo jooga oo la mid ah ragii ay beri wax wada cuni jireen sida Seeraar, Qanyare, Suudi yalaxoow, Cismaan Caato, iyo rag kaloo fara badan oo Baydhabo jooga. Ragaas oo dhan lacag waalan ayaa soo martey qanyareba ha ugu badnaadee iyo Airportkii Dayniile oo xamar meesha ugu dhaqaalaha badneyd heystey, hadana maanta waxba kama hayaan Airportiyadii iyo Dekedihii ay lacagta waalan ka guran jireen. Maanta waxey ku qanacsan yihiin 1500 doolar ee UNDP da ay xildhibaanada siiso. Bil walba ayey isaga qayilaan, meeshooda ayeyna isaga jiraan ee maxaa Barre keligiis cir weyninka ku ridey oo uu Kismaayo uga samri la’ yahey rag ilmo adeeradiis ah ayaa cadkiisii u cunaya’ee muu meeshiisa isaga dhuunto oo shaley ragaan iyaga ayaa Afguduud meesha ka eryadey ee uu faraha uga qaado Kismaayo?.
Maya sidaa Barre kuma samro, maxaa yeeley isaga oo Baydhabo jooga oo aanan ka qeyb galin dagaalkii Afguduud magaalada looga saarey ayaa waxaa kismaayo looga qorey lacag joogto ah bil walba oo Baydhabo loogu dirayey, waana tan keentey Barre maalintii uu ina Faarax Taano ka gooyey lacagtii loo diri jirey maalintii ku xigtey uu Kismaayo soo aado isagoo careysan oo leh “ma meeshii aan kaadida usoo cabey ayuu nin Holand ka yimid aniga igula xisaabtami karaa?” Waa tan keentey in ina Faarax taano shaqadii laga eryo oo uu isna sidii nin dhaxal ku heley magaalada yiraahdo “cid shaqo iga qaadi kartaa ma jirto!” Waxaase isna sidaas oo kale waashey ninkii meesha lagu bedeley ee Yaasiin Raadeer ahaa oo yiri “hadii aanan ana markeyga la ii deyn, walee in uusan xal imaaneyn!” sidaas awgeedna, isqab-qabsigaas saddesxda nin ee ilma adeerka ah ee ay talada ka luntay ay sababtay in maalin walba dekedii magaalada tiro ka shan jeer ah ay maleeshiyo xirato ilaa markii danbe nin walba maleeshiyadiisa ku amro isbaarooyin dhigta oo dadka shacabka ah baada.
Waa tan keentey in dhalin yaradii beesha Sade ee nadiifka ahaa ay ciil iyo caro darteed Al-shabaab ugu biiraan oo magaalada afarta koona ka degaan iyagoo balan ku qaadey inay qasab isbaarooyinka ku qaadi doonaan.
Arintaan si fudud oo sahlan ayey ugu guuleysteen wadaadadii beesha Sade. Waxa ayna qaadeen dhamaan isbaarooyinkii yaaley laga soo bilaabo Jilib iyo xitaa kuwii dhex yiiley magaalada gudaheeda oo arintu ay u ekeyd mid meel fiican ku socota. Faarax taano oo ku xumeynaya labada nin ee isu baheystey ayaa ku yiri dhalintii wadaadada ahaa “soo gala gudaha magaalada oo hogaanka la wareega!”, waxaase arintaan ay u cuntami weysey rug cadaaga weyn ee Barre Hiiraale oo isu arkayey in maalmihiisii Kismaayo ay dhamaatey, hadii wadaada beesha Sade ay hogaanka magaalada la wareegaana inuusan aadi doonin meel ka sokeysa Baydhabo. Xaal markuu ku adkaaday, wax uu sameeyana garan waayay ayuu Barre wuxuu bilaabey inuu shirar iyo abaabulo hoose ka bilaabo magaalada oo dareen cabsi ah geliyo dadkii beesha u dhashey ee la dhacsanaa amaanka ay wadaadadu keeneen.
Maalintii danbe iyadoo loo fadhiyo wada hadalkii ugu danbeeyey oo la isku raacey in wadaadada beesha Sade maamulka magaalada lagu wareejiyo, gaar ahaan Sheikh Maxamuud iyo raga kale ee Beesha ugu cad cadaa in si gaar ah maamulka lagu wareejiyo, ayaa waxaa bambo lagu tuurey gaari ka mid ah teknikada Barre oo meel maraya cida ku tuurteyna lama yaqaano, ragii gaariga wateyna waxba ma gaarin, arintan oo lagaba yaabo inuu Barre naftiisa ka danbeeyo ayaa hadana aheyd fursad u timid Barre. Waxaa uu iska dhaadhacshey hadii ey xabadu bilaabato beesha oo dhan sidii caadada aheyd adiga ayey kugu daba safanayaan oo maanta ayaad heshey jaaniskii aad mudada dheer sugeysey, sidaasna Kismaayo mar kale gacantaada ha ugu soo laabato, waxaana isla markiiba maleeshiyadii Barre weerar qaldan oo gardaro ah oo aan ka fiirsasho laheyn ku qaadeen wiilal wadaado ah oo reer Sade ah oo ilaalo ka hayey mid ka mid ah kontoroolada magaalada laga soo galo oo aan waxba ka war heyn.
Aqristoow, bal u fiirso arintan meeshan Kablalax ma joogo ee yey duulaanka ku qaadeen? Sow kuwaan ay leynayaan maaha kuwii ay isku dadka ahaayeen!.
Xabadii maalintaas bilaabatey waxa ay socotey laba maalmood, waxaana xabudu ku dhaceysay oo labada dhinacba dhimanaayey wiilal reer Sade ah!U fiirso ayada oo ay xabadii socoto markii uu la hadlayay Idaacadaha waxii uu yiri Yaasiin Raadeer “waxaan la dirireynaa argagixiso, berito ayaana magaalada ka saareynaa”, cajiib! Waa nin walaalkiis dilaya oo leh argagixiso ayaad tahey!.
Wiilasha reer Sade ee wadaadada ah ma wadan baabuur Tikniko ah iyo qoryaha cul culus ee Barre iyo raadeer ay heysteen, taasna waxey keentey in ey awood u waayaan iney magaalada qabsadaan, waxaana markii danbe gurmad ahaan u yimid qolooyinka kale ee wadaadada ah. Maalintii sadexaad ayaa waxaa yimid ciidan fara badan oo gawaari Tikniko ah wata oo Baraawe iyo Dhoobley ka kala yimid. Maalintaas maleeshiyadii labada dhinac ee reer sade waa ay isku daaleen, taas ayaana keentey in miisaankii dagaalka uu is bedalo oo Barre iyo kooxdiisii saacad gudaheed magaalada looga saaro.
Maanta magaalada waxey hoos tagtaa xasan Turki oo dhawaan halkaas maamul is qab qabsi ku jiro meesha ka dhisey, waxaa uuna sheegtey isagu inuu yahey amiirka Jubbooyinka hogaankana uu u dhiibey niman dhalin yaro isku dhafan oo qabiilo kala duwan ka soo jeeda, sadexdii iimaan-laawe-yayaal ee meesha isku haystey ee waxaan oo dhib iyo qasaaro ah keenay wixii ay iyagoo nabad qaba, sharaf qaba, magaaladooda iska joogi kara u diideen wiilashii wadaadada ahaa ee tolkood ayey maanta Xasan Turki uga soo carareen; waana kuwa hada abaabulka ka wada Gobolka gedo.
Hadaba su’aasheyda waxey tahay, nin ujeedadiisu tahey canshuurta Dekeda iyo Airport-ka aruurso, hogaamiye qabiilna ka jecel jago kasta oo la siiyo, hunguri iyo iimaan darina haleeshay, ma idin hogaamin karaa qarnigan kala guurka ah? Maanta Barre wuxuu diyaar u yahay sidii uu markii horeba diyaarka ugu ahaa kun wiil oo reer Sade ah xitaa hadii ay qaadato naftooda inuu Kismaayo iyo Dekedii ku noqdo oo wadaado Soomaali huwan ah ka kooban oo weliba reer Sade ku jiraan idinkoo hal qabiil ah idinka hor geeyo. Meeyay Xabashidii uu saaxiibka la ahaa may Kismaayo u qabtaan oo uu ka maarmo wiilasha reer Gedo?
TALO: Ugu danbeyntii, waxaan reer Sade kula talinayaa ineysan sida Barre iimaanka iska qaadin oo Ay yiraahdaan calafkeena ayaan cuneynaa oo ay si toos ah ula xisaabtamaan Barre iyo kuwa la midka ah kuna dhahaan “wiil danbe oo kaana ah dagaal qabiil nooga diri meysid ee Barroow orodoo Amxaaro soo kaxeyso. Ma Cabdilaahi Yuusuf baad ka liidataa? Dal dhan oo dadkiisu diidan yihiin ayay qasab madaxweyne ooga dhigtey, hadana ku dhex ilaalineysaa ee ma hal magaalo oo keliya ayay adiga oo saaxiib la ah kuu qaban weydey?.
Intaa kaddib, hadaan reer Sade nahay, Kismaayo indhaha ayaan ka fiirineynaa, hadii qabiil sheekadu noqoto oo meesha hal qabiil isa siiyo, saacad ka yar ayaan kala wareegeynaa, hadii ay arrintu tagto in ay Kismaayo haystaan wadaado huwan ah oo Soomaali oo dhan ka koobana, anagaba wadaadada ugu badan Soomaaliya ayaan leenahey ee yaanan mar danbe tolbeelayeey iyo qabiil nin ku daneysanaayo nalagu dagin.
Caaqil Axmed
caaqiloow@yahoo.com
Faaladaan waxaa AOL lagu daabacay September 24, 2008
maxaa qalada oo kujira warkan xiligiisa layiri maaha hada waa marxaladii dhabta ahayd ee dhacday
Yaasin Radar waa mooryaantii ilka yar ee ka hartay shaydaantii walaalaha galgaduud.
Nacasnimada qaarkeed waa lagu dulloobaaye.
Kambooniyiinta waxay geliyaan maalin kasta qadaf siyaaseede.
Ninkan ka yimid Caabud waaq sidee buu ku noqon karaa guddoomiye ku xigeenka Kismaayo?.
Mise sheekadu waxaa weeye sida Qamaan Bulxan yidhi:
Baadida nin baa Kula deydeyi, daal na Kaa badan e
Aan doonihayn inaad heshona, daayin abidkiis e
Dadkuna moodi duul wada socdaan, wax u daahsonayn e
Dello na ma laha Aakhiro haddii Loo Kitaab deyay e
Dillaaliyo mallaal wuxu ba waa, Carabta deynkeed e
Dibnihiinna uun baan galoo, way duddubiseen e
Allay dili ye Iidoor adaa, iiga sii daran e!
Jubbaland Absame iyo adeerkiisa ayaa iska leh
asc sxb cabdixakiinow horta waa la hadlaa hadii loo hadlayo dameerkuba waa qaayliyaa hadana qaylidiisa wax ay haba yaraatee ka badalayso dunida ma lahan adiga iyo qabiilka aad ka dhalateyba oo ah mareexaan waxba ma doorisaan hadii aad qayli nugu wareerisaana waanu idin garaaceynaa waxayna danta idiinku jirtaa in aad dhagaxiini isaga laabataan hadii kale waad eedeysiin
adaaba iska hadlayee sxb dhagaxa aad shegayso anoon kunoqon yaan joogi dhulkaygan barwaqa soranka ah hadaad dhagax waxkucelinayso loobajoogee @ cali dameer waa adiga leh yaasiin waxuu kayimid caabudwaaqe see loogadhigay gudomiye kuxigeen sxb gudoomiyaha koowaad xaguuu kayimid miyaan iswaydiinay nacasyow mise warkii xaad ayaad wadaa oo ahaa dad kililka kayimidbaa qabsaday kismayo uulahaa xaad waa un tiiyookale ee imow meesha ragu iskuhayo nacnac lama rabee
maa loo sheego marriixaanku in kismayo waxa haystay ay habargedir aheyd oo uu san aheyn marriixaan tan kale marriixaan macid baa wax u arkeysay aanan ka aheyn sokeeyanimo mida kale anigu waan joogay xilligii barre laga saarayey kismaayo waxeyna aheyd xaafadda siinay ayuu dagaalku kabillawday wadaadada oo somali oo dhan ahi iyo mooryaantii barre wadaadadii baa loo xoog sheegtay kadibna afmadow ayaa ciidan kasoo galay oo magaalada ugu xagga istiraajiyadda wuxuuna 200 kadibna waakii laga saaray magaalada xayo ayuu dagaal kale kadhacay kadina jaldays wuxuuna ucarararay garbahaareey oo ay reer tolkeey deganaayeen illeen kolkii horeba deegaan ma uusan aheyn oo waxaa keenay habargedir1999
aqas war isla yaba cadow ujaba maidin kibaba sas uhadli nin walba oo darod ah xaqbu uleyahay kismayo wayo darood waa hal