Qarax hal qof ku dhintay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo
Qarax Miinada dhulka lagu aaso ah ayaa waxuu ka dhacay agagaarka Masaajidka Xaaji Jaamac Xilli ay goobta qaraxa ka dhacay marayeen Ciidamada Amaanka Magaalada Kismaayo . Ma jirto wax khasaara ah oo soo gaartay gaarigi Ciidamada wateen , Balse waxaa ku geeriyootay sida wararku sheegayaan gabar yar.
Ciidamada amaanka ayaa sameeyay howlgal lagu soo qabqabtay dad lagu tuhmay qaraxaasi.Qaraxan fashilmay ayaa la rumeysan yahay inay soo abaabuleen kooxaha lidka ku ah Magaanka Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobalka .
Amaan darada waxa ka wada JUBBALAND way iska cadahay waa ALSHABAAB iyo AYDII ilkayar.
Hadaan waa hore HIRAAB oodhan hayaay kaga siin lahayn tani ma timaadeen, waxa aynu maamul nala dhista leenahayna waa dadka caqligooda ka badin la’yahay GABADH YAR oo ay dilaan.
Dadkan dawadoodu waa XABAD, marka hala joojoyo salaaxida waraabaha……
Xikmad KUMA JIRTO ninka mayd uu dilay ku dulfadhiisanaya ee hadana iskudul sawiraya inaan waxna la wadaagno caqlina waydiino.
shariif waan kugu raacsanahay soomalida waxay ku maahmaahdaa shan faroodle shantaadaa kaa celiso hadii waa hore aan dadka meel saari lahayn waxan iyo wax ku dhow midna ma dhacdeen,…….hadana waxaan aaminsanahay wakhti ma tagin balse waxaa loo baahanyahay kaliya waa dadka inta isku fkarka ah oo la mideeyo……..
CABDI-mahdi ayuu ahaa ninkii KISMAAYO ka gatay MOORGAN, waxayna noqotay baylah dadkii lahaa gateen. Maantana waxaa marlabaad gadanaya AXMED-MADOOBE.
XAGEE lagu arkay magaalo aan difaac lahayn? Ama ninkii magaalada weerarka ku ahaa dusheeda lagu quudinayo?
Xagee lagu arkay NIN hadh iyo habeen BAM ku dhextuuraya caruurtaada adiguna aad iska dhaadhicinayso inaad maamul wadaagtaan?
Xagee lagu arkay ninaadan dhex mari karin, ood isna oogu gacan haadinayso wadankaaga?
DHALINYARTA ABSAME WAY LASOCOTAA DHIBKA KISMAAYO IYO HALKAY SARTU KA QUDHUNSANTAHAY…. ARKAYSAAN MAQLAYSAAN…..
Daacadnimada qaarkeed waa doqonimo, nimankaas haddii maalinkii u horaysa birta laga asli lahaa kismaayo shanqadh dambe kama soo yeedheen. Salkay dhulka kuwada dhufan lahaayeen. Nimankan dad yaqaana ha loo raadiyo. Odayadan suluxa ah warkoodu ma soconayo.
Shariif, Ilaahay aan barino in dawlad goboleedka jubba land mar dhidibada loo aaso, abeesooyinka iyo ayda ay HAG adeegsanayaan iyagaa iska dhamaan doona. Waxay quudhi la’ yihiin nabadda ay kismayo haysato iyo waxa xamar balaayo ka taagan, ilka yar baahan oo bakhti cun ah ma waayayaan inta dawladda laga dhisayo
Hawiyoo mahigaan ka badan jaraha loo miiqye,
Waxay talo ku mooseen inay moxogga diirtaane,
Maarahaa Siyaad baa ka dhigay maata caano leh..
Idoor marduuf jaada helay waa majnuun falane,
Intaad wanka macasha weynleh iyo miidda karineyso,
Sida weer masuubaa intaad mayraq la ordeyso….
@shariif waan kugu raacsanahay jileec wuu ku dilaa bal fiiri waxaa Beerxaani fadhiyaa waa shabaab waxa magaalada ku jiraa waa shabaab waxa Gedo ka soo duulayaa waa shabaab suaashu waxay tahay soow inaan shaqo qabsano maaha iyaddo aynu dadajinayno,hadday noqoto dhamaystirka maamulka iyo xoraynta deegaanka,bal ufiirso Beerxaani waxaa ku soo hoyda Alshabaabka ka jimaada Gedo,Xamar,ilaa Jilib xitaa Geel ayay ku dhaqdaan oo ay uga goleeyihiin inay waligood xoog ku joogaan deegaankan ay xooga ku yimaadeen,adeer waxaanu u baahanahay inuu maamulku dalka xoreeyo oo cadawga Alshabaab mooryaanta ah laga saaro