|

Gobalada dhexe oo waaga ku beryay laguna yiri dhan iskugu bayra(Ahmed Diiriye iyo Xasan Xaad oo shaqo u soo baxday)

galgaduudGobalada dhexe oo loo sheegay inay maamul gobaleed dhistaan oo ay dhan isugu bayraan.Gobalka Galgaduud oo keliya ayaa waxaa ka dhisan laba dowlad gobaleed oo kala ah Galmudug iyo Xiiman iyo Xeeb. Sidoo kale isla gobalka qeybo kamid ah Waxaa maamula Kooxda Ahlu Suna.

Dowlada maadaama ay tahay federaal ayaa waxaay gobaladaasi ku qasban yihiin inay dhistaan maamul gobaleedyo sida dastuurka ku qoran soo buuxiya sharuuda laba gobal iyo wax ka badan.  Raisul Wasaaraha Somaliya Cabdi faarax shirdoon booqashadii uu ku tagay Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa waxaay labada dhinac ku heshiiyeen qodoba dhowr ah oo uu kamid ahaa ku dhaqanka dastuurka iyo hirgelinta dowlad gobaleedyada.

Raisul wasaaraha booqashadi Galmudug uu ku tagay is afgaranwaa ayaa ka dhashay kadib markii uu kala hadlay arimaha federaalka iyo in gobalada dhexe dhan isku raacaan oo ay maamul gobaleed dhistaan sida dastuurka u ogolyahay. Maamulka Galmudug hadalkaasi cara weyn ayay ka muujiyeen , waxayna sheegeen in iyagu shurdahaasi buuxiyeen oo galgaduud iyo mudug ay yihiin.

Muqdisho iyo gobalada dhexe lama maqashiin karo federaal iyo maamul gobaleed, Raisul wasaaraha oo fikirkaasi la qabay waxaa bedalay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxman Sheikh Maxamed Faroole oo ku dhiiri galiyay dowlada federaalka in aysan dastuurka baal marin isla markaasina fududeyso hirgelinta Federaalka.

Lama garanayo Raisul Wasaaraha inuu is bedeli doono Muqdisho haduu kala kulmo cadaadis, balse waxaa hubaala inaan laga fursan doonin maamul gobaleedka maadaama dowlada federaal tahay isla markaasina federaalka uu yahay xalka keliya ee ay maanta Somali ku kala badbaadi karto horumarna ku gaari karto in gobala kasta oo is qaadan kara ay sameystaan maamul.

Gobalada dhexe iyo Muqdisho waxay ahaayeen meelaha ugu badan ee laga hurinayay Colaadaha ka aloolsan Koonfurta Somaliya. Ma jirto wax nidaama oo ay sameysteen, maxaa yeelay waxay ku mashquulsanaayen fowdada ka socota Koonfurta Somaliya, Haatan waxaa  la siiyay home work reer galgaduud, waxaana soo afjarmi doontaa dhibaatadii ay ku hayeen gobalada kale.

Maxaa yeelay intii ay meel kale ku maqnaayeen ayaa tareenka ka tagay , dowladduna federaal weye ma jirto nin wax ka noqonaya deegaan uusan laheyn. dad badan oo hagardaamada gobalada kale ku mashquulsanaa ayaa waaga ku beryay isla Markaasina haatan u weecan doonaan in ay xaar xaartaan tuulooyinkii ay ka soo jeedeen si ay federaalka uga mid noqdaan.

Wali waxaa u taalaa shaqo badan, waxbadan ayay colaad xaqdaro ah hurinayeen, haatanse mooya ayaa u qooshan , waxaana laga doonayaa inay afkooda nabada baraan oo ay isku keenaan dadka degan gobalada dhexe oo ay heshiisiiyaan maamulna u sameeyaan.

Odeyaal badan oo ay kamid yihiin Ahmed Diiriye iyo Xasan Xaad oo ku soo caanbaxay inay garaacaan durbaanka Colaada Gobalada Jubboyinka oo aan iyaga waxba ka quseynin ,iyagoo ujeedadooda aheyd in ay colaad ka dhex huriyan dadka walaalaha Jubboyinka ee danahooda iyo maslaxadooda gartay , ayaa haadan waxaa u soo baxday shaqo ay horey u dayaceen oo Gurigooda ooga baahnaa.

Wax walba asalkiisa ayuu ulaabanayaa, Maanta howl ayaa u bilqan ,Waxaa laga doonayaa intay meel kale aadin, inay is ogoleysiiyaan, Cadaado iyo Gelinsoor, Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq oo dhamaantood hal gobal kawada tirsan. Kadib ha u gudbaan Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, Ileen shaqadan intaay qaban lahaayeen waxay ka door bideen inay idaacadaha Muqdisho ka qayliyaan habeen iyo dharaar oo gobala kale buun colaadeed ku yeeriyaan.

Isku soo duuboo dadka Somaliyed ee ku mashquulsan waxaan dantooda aheyn iyo kala geynta umada Somaliyed, ha ogaadeen Akhirka inay meel xun ku soo dhacayaan goor xeera iyo fandhaal kala dhaceen. qofkii xumaan ka shaqeeyana Akhirka isaga unbay dib ugu soo laabataa.

 

Maamulka Galmudug oo ku gacan seydhay codsiga dowlada.

 

Cali Yare

Waamonews.com

Leave a Reply