Bayaan muhiim ah oo kasoo baxay ururka Sahal
1. Dhibaatada ka dhalatay qaadistii cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya
Ururka Sahal waxuu aad uga walwelsan yahay qaadista cunaqabataynta hubka ee dhowaan laga qaaday waayo hubkii dhowaan lagala baxay bakhaarada hubka Villa Soomaaliya waxay sawir cad ka bixinaysaa in ciidamada Muqdisho jooga aan lagu aamini karin hub ka dhaxeeya qaran Soomaaliyeed.
Sababaha aan xiligan dawlada hub lagu aamini karin waxaa ka mid ah:
a) In aysan gaarin xiligii laga qaadi lahaa Cunaqabataynta Hubka;
b) In aysan lahayn ciidan Dowladeed, balse ay haystaan oo kaliya ciidan beleedyo si toos ah iyo si dadbanba u hostaga qabaa’ilo gaar ah oo ku nool Mogadishu;
c) In magaalada Muqdisho laga dhigo magaalo u dhaxaysa dhammaan beelaha Soomaaliyeed isla markaasna la soo celiyo hantidii iyo guryihii xoogga lagu qabsaday 1991.
Dhinaca kale, waxaan soo dhaweyneynaa in la dhiso ciidan qaran oo isu dheeli tiran, balse waxaan ka digeynaa in lagu khaldamo riwaayada dhalanteedka ee maalmahaan lagu soo qoray warbaahinta taasoo sheegeysa in la jabsaday bakhaaradii madaxtooyada oo la xaday qaar ka mid ah hubkii halkaas yaalay. Waxaan xog ku helnay in qaar ka mid ah hubkaas in si gaar ah beesha madaxweynaha loogu qeybiyay taas oo loogu diyaar garoobayo hurin colaad sokeeye. Sidoo kale, in kastoo madaxweynaha ay u hirgashay inuu ku qanciyo dawladaha caalamka in si loo dhiso ciidan qaran in loo baahan yahay in la qaado cunaqabataynta hubka. Waxaan uga digeynaa beesha caalamka iyo AMISOM in hubka soo socda aanu galin gacan si khaldan ugu takrifasha isla markaasna si cadaalad ah loogu wareejiyo ka dib marka la sameeyo ciidamo qaran oo Soomaali u wada dhan tahay.
2. Ku xadgudubka shaqada Ras’iisal wasaaraha DFS
Barlamaanka iyo dowlada Soomaliyeed waxaa lagu qeybsaday (4.5) taasi oo ah awood qeybsi ku meel gaar ah. Haddaba waxaa jirta cadaadis iyo barobaganada siyaasadeed oo si is-dabajoog ah uga soo baxeaysa xafiiska madaxwaynaha taasoo la sheegay in ka hor shirka London inuu madaxwaynuhu damacsan yahay inuu badalo Raiisul Wasaaraha Cabdi farah Shirdoon (Saacid) isla markaasna uu madaxwaynuhu rabo inuu shaqadaas u magacaabo qof kasoo jeeda gobolada Somaliland. Hadaan nahay ururka Sahal, arintaas si adag ayaan uga soo horjeednaa waxana ka digaynaa inay arintani noqoto bilowga khalkhal siyaasadeed oo soo wajaha wadanka Soomaaliya.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo madaxwaynaha aan la socodsiinaynaa in kursiga ras’iisal wasaarenimo ee Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ku fadhiyo uu kalsooni iyo cod buuxa uu kaga heysto beeshiisa iyo ummadda Soomaaliyeed uu 4.5 ahaan wakiil uga yahay booska ras’iisal wasaarenimo. Sidoo kale booqashooyinkii dhowaan Ras’iisal Wasaare Saacid ku kala bixiyey qaar ka mid ah gobolada dalka, waxay muujinaysaa inuu Ras’iisal Wasaare Saacid uu bulshada Soomaaliyeed ku dhex leeyahay taageero aad u balaaran oo isugu jirto mid bulsho, dhaqan iyo mid siyaasadeed intaba.
3. Ka hortagis in siyaada Soomaaliya loo qaybiyo waqooyi iyo koonfur
Ururka Sahal waxuu ka digayaa qorshaha cusub ee ay wadaan madaxwayne Xasan Shiikh iyo xulufadiisa kuwaasoo raba in Soomaaliya loo qaybiyo qaab labo dawlad maamuleed (Confederation) taasoo wax loogu qaybsanaayo koonfur iyo waqooyi. Waxaan madaxda dawlada la socodsiinaynaa in qorshahan uusan macquul iyo cadaalad ahayn waayo ummada Soomaaliyeed qabiil ayey isku dagaashay, waana in guud ahaan ummadda Soomaaliyeed loo qabtaa dib u heshiisiin iyo hanti isu celin rismi ah. Suuragal ma ahan in dawlad la sheegto isla markaasna 85% hantidii ummadda Soomaaliyeed ay beel ku haysato magaalada Muqdisho.
4. Boobka iyo ku takrifalka hantida qaranka
Waxaa maalmahan magaalada Muqdishu ka socday lagu hayey hantida maguurtada ah ee qaranka Soomaaliyeed. Sidaan ku hayno ilo lagu kalsoon yahay madaxweynaha iyo kaaliyaashiisa ayaa haamihii waaweynaa ee lagu kaydin jiray shidaalka waxay ku wareejiyeen ganacsato ay qaraabo yihiin iyagoo ganacsatadaas heshiis qandaraas 50 sano ah ku qaatay isticmaalista haamaha shidaalka. Sidoo kale waxaa dekadii magaalada Muqdisho lagu wareejiyey shirkad laga leeyahay wadanka Iraan. Waxaa sidoo kale iyana xusid mudan in garoonka diyaaradaha Muqdisho mar hore lagu wareejiyey shirkad la dhaho SKA, mana muuqato meel cad oo raaci karo dhaqaalaha laga helo hantida kor ku xusan. Sidoo kale, waxaa muhiim ah inaan ummadda Soomaaliyeed lala socodsiiyo in heshiisyada lala galay shirkadaha kor ku xusan aan la soo marin golaha wasiirada iyo Baarlaamka Dawlada Fadaraaliga ah, waxaana tilaabooyinkan u aragnaa boob hanti qaran iyo ku xad gudub shuruucda wadanka u taala.
5. Soo dhowaynta booqashooyiinka Ras’iisal Wasaare Saacid ee gobolada dhexe
Waxaan soo dhowayneynaa socdaalkii uu dhowaan Ras’aiisul Wasaare kusoo maray gobolka Galguduud, iyo maamulka Xubin iyo Xeeb. Waxaan aaminsanahay in dhibaatada Soomaaliya kasoo bilaabantay gobolada dhexe. Sidaas daraadeed maamul u sameynta gobolada dhexe waa talaabo loo qaaday dhinaca soo celinta nidaamka dawladeed iyo kala dambeynta. Sidoo kale waxaan soo dhowaynaynaa wada-hadalka dawladu la gashay maamulka Galmudug kaasoo aan rajaynayno inuu noqdo tilaabo muhiim ah hore loogu qaaday taageerista iyo midnimada dawlada Soomaaliyeed.
Ugu danbayntii, waxaan soo dhowayneynaa socdaalkii uu Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu ku tagay Garowe iyo Galkacyo iyo heshiiska dawlada fadaraaliga ahi la soo gashay dawlad Goboleedka Puntland. Waxaanu bogaadineynaa in la fuliyo heshiiskaasi isla markaasna uusan noqon sidii heshiisyadii hore ee Puntland hore ula gashay dawladii ku meel gaarka ahayd ee madaxwayne Shiikh Shariif Sheekh Ahmed iyo Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid.
6. Soo celinta hantida ummadda Soomaaliyeed looga haysto magaalada Muqdishu
Ururka Sahal waxuu dawlada fadaraaliga ah ugu baaqayaa inay si deg deg ah tilaabo uga qaado hantida shacabka iyo mida dawladeed ee beesha madaxwaynuhu xaq darro ugu haysato ilaa 1991. Waxaan soo dhowaynaa hadalkii dhowaan golaha wasiirada DFS ay ku sheegeen in la samayn doono gudi qaabilsan hanti isu celinta umadda Soomaaliya waxaana soo jeedinaynaa in arintan si deg deg ah loo dhaqangeliyo waayo waxay arintani abuuri kartaa kalsooni iyo is aaminaad dhexmarta ummadda Soomaaliyeed.
7. Talobixin ku socota madaxwaynaha iyo madaxda dawlada Fadaraaliga ah ee Soomaaliya
Madaxwaynaha, Ras’iisal Wasaaradaha dawlada DFS iyo Baarlamaanka dawlada fadaraalka ah waxaa looga fadhiyaa inay ilaaliyaan kuna dhaqmaan dastuurka Federaalka ee lagu soo doortay isla markaasna in si cadaalad ah dalka ugu qaybiyaan taageerada barnaamijyada dib u dhiska iyo horumarinta wadanka kuwaaso wadamada caalamku Soomaaliya ku siiyaan magaca dalka Soomaaliya. Sidoo kale madaxda dawlada waxaa looga fadhiyaa inay culayska saaraan fulinta barnaamijyada tixgelinta 1aad u baahan ee ku xusan dastuurka kuwaasoo kala ah:-
1. taageerista dhisidda Dowladaha dhiman ee ka mid noqonaaya Fedeeralka Soomaaliya,
2. Fulinta iyo taageertista dib u heshiisiin dhamaystiran oo heer Qaran ah,
3. In la dhiso Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ka wakiil ah maamul goboleedyada xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo,
4. in la dhiso ciidamo qaran kuwaasoo laga soo aruuriyo dhammaan beelaha Soomaaliya ka kooban tahay.
Wa billaahi towfiiq
Warsaxaafadeedkan waxaa soo saaray ururka Sahal Organisation, London
Dowladii cabdiqassim oo COPY ah weeye waxa muqdisho ka jira.. Sidaan oogu istaagnay maamul ka dhisida JUBBALAND Iyo PUNTLAND waa inaan oogu istaagnaa inaan samaysano dowlad. Muqdisho marbay caasimada somalia ahayd lakin hada waa caasimada maamulka HIRAABLAND.
SAHAL ha isku taxalujiso isukeenida labada gobol iyo isku soo dhawaynata JUBBALAND IYO PUNTLAND.
Downladan Inkasta oo ay heshay aqoonsi haddana umma eka mid wanaag ku dhameysaneysa 4 sano Downladani Waxaay aheyd in qabaailka
soomaliya ay dib u hesshiin u sameyso Waxaay bilowday cadaawad abuuri iyadoo aan la gadhin 6 bilood ayaa la abuuray colaadi 1991kii hadaba barlamaan Awood ma leh dowladu Awood ma leh CID hadl ma jirto Oon aheyn madaxweynaha /all are hostage) talo ha la keeno
Waxaan kaloo ku dari lahaa, Dawladdani dawlad ka dhaxaysa Soomaali ma aha, waayo, sida aad la socotaan Xamar waxaa lagu haystaa Hanti farabadan oo ay ka mid yihiin Guryo boqolaalkun kor u dhaafaya, Beero iyo xarumihii dowladda, marka haddii la rabo in dowlad dadka u dhaxaysa la sameeyo waa in qodobka ugu horeeya ee laga hadlo noqotaa habkii hantidaas loo soo celinlahaa
PUNTLAND iyo JUBBALAND waa isku hal, PUNTLAND waxeey tafo xeedatey sidii maamul loogu sameyn lahaa JUBBALAND.
Tankale sheekadan ah Culusow ha’laga baxo. ha lagu dadaalo sidii maamul loo dhisi la’haa Jubbaland. mogadishu waa bey waxeey aheed magaalo madaxda somaliya la’kiin maanta waa xero moryaan. hadal haan ma’buuxsho maamul ha’loo dhiso Jubbaland.