|

Hees : Inta Haada Duushiyo Idil Habar Dugaagaa, Indha qabadka ubaxiyo Arligaay Ku Badan Yihiin Agagaarka Waamiyo Afmadow Mar Soo Arag.(Daawo)

so arag afmado

Hees ka hadleeyso duurjoogta iyo quruxda dabiiciga ah ee alle ku maneystay dhulka Waamo.

 

Waamonews.com

9 Responses for “Hees : Inta Haada Duushiyo Idil Habar Dugaagaa, Indha qabadka ubaxiyo Arligaay Ku Badan Yihiin Agagaarka Waamiyo Afmadow Mar Soo Arag.(Daawo)”

  1. Jareer of jubaland -Bantu juba says:

    Heestaan waamo walaahi waa iga oohin rabtey aniga markaan yaraa dhulka an waamo saan lees u ekaa ,ilaahow sidiisii hore oo xataa maroodiyaashii waa in la soo celiyaa , .
    Gudoomiyaha jubaland shiiq axmed madoobe waa in ooh suubiyo ciidan oo ugaarta ilaaliya marka al shabaab laga saaro gosha ,annaga jareer jubaland hadaan nahay waxaan aaminsanyahy jubaland state oo kismayo aan annaga gacanteena ku suubsanay ,viva jubaland state,iyo raaskambooni brigade

    Geesiyaal waaye ,jira oo jooga

  2. Mohamed says:

    Waa hees u qalanta Waamo, maxaa yeelay inta lagu sheegayba
    way ku suganyihiin, waxaase habboon in qeybta dambe lagu
    muujiyo aragtida Geela,iyo Ariga.
    Mahadsanid

  3. Odey Absame says:

    xusuus heestan waan ku qiirooday berisamaadki dhulka waamo sidan lamida hodan u aha maanta xaaluf, all ugadhi waa laga xaalufiyay. nacam way u qalanta heesta waamo astamaha lagu sheegayo all waa run, waliba xoolaha aragiga looda geela lagu daro aheyd iyo beeraha bada.

  4. muxsin says:

    Caleeeeeeeeeek waxasa hees kaa ah, ciideena hodanka ah ,harqaboow barwaaqa ,hilaaca iyo daruuraha heeybad waamo yaa iskaleh waaaaaaaaaaaaaaaaaw tola’ay dhulkena inaga dayacnay.

  5. abdirashida says:

    Cad ced u kululo ad ku cago gubyotiyo qabow ad ka cabato cudadaha ku togiyo baraf ciiro ma lahoo ciidenu wa hodan dhulka waamo wa dhul qurux ilahay ku maneystay dadkiisuna wa dad masakiina iska qabow an qaxanqax iyo qaylo mirna adan ku arkeyn abdi salad ber dilacshe naxariistii sanno ilaahay ha ka warabiyee heeskiisii ahaa marodiga af madow iyo ugaar jogta waamo insha allaahu way so naqoneysa bilicdii waamo ay lahan jirtey waa dhaweyd o roobab xoog lihi waamo ka da*I jireen sagashamadki kulli ugaartii kenya u layanto dhan way so noqden xabad ba lagu bilabay gariigii oodkac jeegag aya laga buxiyey sidasna ma fiicna ugarta wa in ciidamo askar game ah lo sameeya wa bilaahi tawfiiq asc wrt wbrt

  6. olol diinle says:

    raggii soo caanbixiye waxey ahaayeen cabdi salaad beerdillaacshe alle ha unaxariistii oo damcan nin reer afmadow ahaa iyo cumar shoolli. waxaan kamaqlay odoyaasha in maroodigu uu soo geli jiray magaalada afmadow bartankeeda. wuxuu laayey dad aad ubadan oo reer miyi ah waxaan xusuustaa xilli barqin ah iyadoo barqo lamaalayo ayaa waxaa nasoo gashay raxan maroodi oo ilmihiisii sito. waxaan aad ula yaabaa laga billaabo banka tissitu oo ah halka uu kabillawdo banka jiira waa ban 10miles dherer iyo gudub ah waxaa daaqi jiray kumaankum biciid iyo baryo cad wixii oo dhan dowladdii siyaad barre ayaa uun marriixaan baabi iyey weliba maroodigii khaasattan

  7. olol diinle says:

    banank ay ugaadho jaclayd waa banka tissitu. goljaa. jalloo. iyo jalloo bakati. sariiraha. jaraqaa. maraatu. tolbi. laansiyaada. laabcaana. urbis iyo wellstokoj haddaan banankii wax katagay halla isaxo weliba dhulkan absamaha dega waxaa ugu badan mohamed zubeyr oo iyagu leh looda waamo ugu badan halka cowlahanka. iyo bartiraha ay leeyihiin geela ugu badan waamo

  8. goobwayn says:

    waxaan xusuustaa anigoo yar oo school kujira in macalin kaygii nagu yiri ruuxii fasiraa heesta beerdilaacshe qaado waxaa lasiin abaalmarin wanaagsan.
    markaas beer dilaacshe oo ah aniga abtigay waan aqaanay laakiin maana fahamsanayn macna heesta iyo waliba waxuu ka hadlaayo waxa kaliye een ka fahmayay ayaa hayd waamo.iyo afmadow erayayda aan kaxasuusta wxaa kamid ahaa.
    MAROODIGA AFMADOW IYO UGAADH JOOGTA WAAMIYO OOGADII KISMAANYAAY ,
    haddaan khalday ii saxa ruuxii yaqaana hadhamays tiro in badan baan raadiyay waana waayay waamo guul guul.

  9. ceel barde says:

    Arladey ku badanyahiin agagaarka waamiyo afmadow mar soo arag yaa salaam yaa salaam waxbaa ka dhacay

Leave a Reply