|

Ergooyinka shirka Maamul usameynta Jubaland oo maanta ka dooday qodaba kamid ah dastuurka

shirj7Waxaa maanta si rasmi ah dib ugu furmay shirka maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo, iyadoo dhamaan ergooyinka shirka ka qeyb gali lahaa ay si rasmi ah u xaroodeen marka laga reebo qeybo yar. Mas’uulyiin isugu jiro gudiga Farsamada iyo qaar kamid ah Ergooyinka ayaa hadala ka jeediyay Shirka.

Shirka oo si habsamileh u socday ayaa  waxaa Maanta looga dooday qodaba kamid ah dastuurka maamulka Jubaland state,iyadoo dhamaan  qodabadii laga dooday la isku waafaqay. Ergooyinkan ayaa waxay doorani doonaan Madaxweynaha Jubaland state, waxaana  lagu wada shirka  inuu ku soo idlaado wax ka yar 2 usbuuc gudahooda sida uu qorshahu yahay isla Markaasina loo sii gudbo dhameystirka qeybaha kale ee dowlad gobaleedka Jubaland state.

Gudoomiyaha Maamulka KMG ah ee Jubboyinka Sheekh Ahmed Maxamed Islam(Ahmed Madoobe) oo howla shaqo ku joogay magaalada Nairobi ayaa goordhow la filaya inuu soo gurya noqdo.  Dhanka kale gudiga farsamada maamulka Jubaland ayaa maanta daaha ka qaaday in wafdi ka socda dowlada federaalka oo uu horkacayo Raisul Wasaare Saacid iyo waliba Wasiirka Warfaafiinta Cabdullahi Ciilmooge ay ku soo fooleeyihiin Magaalada Kismaayo  sabtida inagu soo aadan.

Dowlada federaalka oo horey u diiday inay ka soo qeyb gasho shirka aaya ka tashiga shacab weynaha Jubboyinka iyo gedo ayaa laga yaabaa inay mowqifkeedi bedashay isla Markaasina wafdigan ay ka qeyb gali doonaan shirka, lama hubo balse waa sida ay saadaasha u muuqato.

 

Waamonews.com

10 Responses for “Ergooyinka shirka Maamul usameynta Jubaland oo maanta ka dooday qodaba kamid ah dastuurka”

  1. hassan says:

    Fariinta ay idiin sidhaan waa maamul u sameeynta lixda gobal. Marka mowqifka culusow waxba iskama badalin. labadan nin ee waa saacid iyo cilmooge haddi ay guul kagaari waayaan hawshaas loo ikmadhe jagadhoodhi bay kuwaaynayaan waa sida lagu wargeliyey

  2. Adam says:

    Qodobada maanta la isku raacay waxaa ka mid ah in caasimadda jubbaland state noqon doonto magaalada BU,AALE, waxaana u HAA ku codaysay 450 xubnood,aad baan anigu shaqsi ahaan ugu faraxsanahay anigoo og sababo macquul ah oo lagu doortay

  3. Cali Blacky says:

    Maya ma aha inay uimanayan 6goboll iyo waxlamid ah ewaxay uimanayan wa inay asixiyan dowlada jubaland state sidad olasocotan dowladu wax badan aya kasocon wayay markay diday jubaland sidasdarted hada socodkodu waxaweye canadatay dabadoda laqabta

  4. goobwayn says:

    war adeerayaal malaha waan fulayoownay waxa larabo waxaan ahayn rag waawayn isuma soo raacayaan waayo ayagoo jooga halkoodaas ayay ogyahiin waxa kismayo lalatagi karo iyo waxaan lala tagi karin shaalee isma ceebaynayaan wax wanaagsan ayaana kafilaynaa laga yaabo inay lasoo xaadiraan gedo hala reebo haddayse sidaas yiraahdaan waa in lalaayaa si nin danbe uusan warkaas ula iman guulaysta

  5. qudhac says:

    Waa lagu qasbay dawladda culusow inay ka qayb gasho shirka kadib markii la ogaaday inay shabaabka la shaqayso. Sababtaasina u carqaladaynayso.

  6. Ali Zubeer says:

    Waa khiyaano lagu samaynayo reer Jubbaland haddii labadaa nin loogu yeedho sidii ay u hoggaamin lahaayeen janaaza lagu tukan lahaa Jubbaland State .

  7. warfeenle says:

    Asc ww dhamaan inta jecel Nabadda iyo Hurumarka jecel. waxaan aad ugu faraxsanahay in dadka deegaanka Jubbooyinka ay 22 sano ka dib garteen waxa danta u ah ilaahay ha waafajiyo sida uu raaliga ka yahay. waxaa farxad labaad ii ah ayna ku farxayaan inta wanaaga jecel in caasimad looga dhigo jubbaland state Magaaladda Bo,aale taasoo samaynaysa macno aad u qurux badan iyo siyaasad aad looga fiirsaday kana tarjumaysa sida dadku ugu bislaadeen in degaanka uu horumar gaaro……Kaftan Reen Bo,aale magaalada waan imaan insha allaah boos baan rabaaye ha i dhihina Agah Awoowgaa la janee xageed ka timid.

  8. abdishakuur says:

    acs waan inisalaamay dhamaan reer jubland anoo ku hadlaya dhamaan magaca reer puntland aad ayaan ula dhacsanahay wanaaga kismaanyo ka socda sidoo kale aad waxaan u soo dhaweynayaa resulwasaara iyo waftigiisa waa guul ayaa oran karaa resulwasaaru xaqiiqda dhabta wuxuu soo ogaaday markuu tagey puntland iyo sida shacabkiisu u soo dhaweeyeen iyo madax ilaa shacab siday u garabtaaganyihiin reer jubland oo ay isirwadaag yihiin inshaa allaah waxay la imaan doonaan mawqifka shacabkooda

  9. Qoraxay ogaden says:

    Asc dhaman imanshaha waftiga waa mid lagu tagerayo dowlad gobaledka jubaland waxana sabaata iska lahaa oo si fiican ooga shaqeyay siyasiyin juboyinka sa sojeda xildhibano iyo wisirka warfafinta col c/lahi cilmoge xirsi waxana culusow lagu qasbay inuu u hogansamo danaha juboyinka gar ahaan hogamiyasha saladinta juboyinka walaw dadki howshan galay ay weheliyen siyasiyin rer gado ah

  10. wiil gedo says:

    waaaw waxaa guul iyo wax lagufaano ah cadaw jabina noogu filan in maanta kismaayo kasoodagaan cabaas aadan gurey iyo sheeq axmed madobe oo dantoda gartay cadowgoodana meel oga soowadajeestay jubaland waa dhaqaaqday ee dadka arimaha jubaland daneeya waxaan usgeegayaa inay dhamaatay shaqadii loo furay webkan xumanta hooyga u ah waxaana cadeyn ugu filan ree jubaland iyo ehelkooda ama kenya hajoogen ama puntland hajoogen ama itopiya hajoogen ama galgaduud hajoogen in webkan uusan sooqorin wax kusaabsan farxadii kadhacday kismaayo maanta cali yare mawuxuu kaxunyahay tolka beerkoda ilahay burcadka isu mariyey mise naca uu uqabo mareexaan ayuusan usoogudbineyn waxa kasocda jubaland mise waa wardeey reewamo ah nin nasaba cuqdad intaan la eg magashee waa sheegad shiir badan adeer cali yare iyo cali zubeyr waa isku mid webkana waxay ufurteen dad iskudir filinkii markuu soconwayeyna wakuwaa aamusay wardeydii sumada xoolaha talxe kutaalay kkkk

Leave a Reply