|

Faahfaahin Socdaalka Ra’isul Wasaaraha ku tagayo Magaalada Kismaayo iyo cidda soo dirtay

saacid-xasanSida ay shaaciyeen gudiga farsamada maamul usameynta Jubaland Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sabtida ku soo wajahan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose .

Dowlada Somaliya ayaa gabi ahaanba siweyn uga soo horjeeday maamul usameynta Jubboyinka, iyadoo Raisul wasaare Saacid si cad oon gabasho laheyn ugu dhawaaqay in shirka Kismaayo ka socda ee lagu yagleelayo Jubaland State yahay sharci daro dowladuna raali ka aheyn.

Intaas kuma ekeene Ra’isul Wasaare Saacid waxuu gobalka Gedo ka soo diray Maleeshiya gacan saar laleh Alshabab oo uu ugu talo galay inuu ku fashiliyo shirka ka socda Kismaayo,iyadoo kooxda Alshabab iyo hogaanka dowlada Somaliya oo Ra’isul wasaraha kamid yahay xiriir dhab ah oo wadashaqeyn ah la yeesheen kooxda Alshabaab si ay uga hor tagaan hirgelida maamulka Jubaland.

Hadaba Maxaa is bedalay , maxuuse ku saabsanyahay socdaalka Raisul wasaaraha ee magaalada Kismaayo.

1) Dowlada Somaliya waxay ku fashilantay isla Markaasina fadeexad ay ka soo waaqsan doonin ka raacday xiriirka wada shaqeynta iyaga iyo Alshabab dhex maray , kadib Markii ay si rasmi ah isugu biiriyeen Ciidanki Gedo laga soo diray iyo Kooxda ALshabab ee ku sugan gobalada Jubboyinka.

2) International Community-ga iyo IGAD markay arkeen sida wax u dhaceen iyo Cadeeymo ku filan qaabka ay labada dhinac isugu milmeen  Dowlada iyo Alshabab ayaa waxaa loogu yeeray Ra’isul Wasaaraha inuu yimaado Magaalada Nairobi, maadaama isagu uu ahaa shaqsiga amarka soo bixiyay oo Ciidamada Shababka gacan saarka laleh Gedo ka soo diray, soona baneeyay furumahii dagaalka.

Ra’isul Wasaaraha ma imanin Nairobi , kolkii hore waxuu ku cudar daartay inuu sugayo Wasiirka Arimaha gudaha oo safar dibada ku maqnaa la’aantiisana uu bixi karin, Kadibna Madaxweynaha iyo Wasiirka arimaha gudaha ayaa cadaadis ku saaray in uusan aadin Nairobi.

3) Kadib Safiirka Mareykanka u fadhiya Nairobi ayaa aaday Muqdisho oo , waxuuna kulumo adag la qaatay Madaxda dowlada federaalka Somaliya, waxuuna u sheegay in qaabka ay haatan yihiin caalamka kula shaqeyni karin, Maadaama dowlada ay ku cadaatay inay la shaqeyso Kooxda Alshabab, taasoo dhabar jab ku keeneyso Barnaamijkii xasilinta dalka Somaliya ee muddada dheer laga soo shaqeynayay isl markaasina ay ku baxeen naf iyo maal intuba.

Dowlada waxaa si cad loogu sheegay in Caalamka kalsoonida kala noqonayo hadii ay wax ka badeli waayaan qaabka ay haatan ku shaqeynayaan ee fashilka iyo mas’uuliyad darada ah. Waxaa loo cadeeyay inay sinaba mac quul ku aheyn in is hortaag lagu sameeyo nabad gelyada iyo maamulka Jubaland isla Markaasina lagu tunto dastuurka.

Waxaa loo cadeeyay in kalsoonida lagala laabanayo hadii ay faraha kula sii jiraan xasilooni darada ay ka hurinayaan gobalada Jubboyinka iyo diidmada maamulka jubaland ee ay dhisanayaan shacabka reer Jubaland iyagoo raacaya dastuurka xaquuqda uu ugolyahay.

Waxaana lagula taliyay inay ka qeyb gasho furitaanka shirkaasi oo ay doorkeeda ka qaadato.

4) Intaasi kuma ekee madaxda dowlada Somaliya waxay har iyo habeen dacwado ka qoraan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya, iyadoo dowladahaasi maalinkasta loo soo gudbiyo dacwada uu ka qoray Madaxweynaha Somaliya. Halka Ciidamada Dowlada Jabuuti iyo Ugaanda amaan u soo jeediyo.Ciidamada Burundi ayaa iyaguna wax ixtiraam ah la siinin, dowlada Somaliya isku si ulama dhaqanto ciidanka Burundi Uganda.

Ciidamada Itoobiya iyo Kenya waxay qeyb libaax leh ka qaateen dagaalka Alshabab looga saaray gobala badan, Kenya Waxay ka tirsantahay AMISOM , laakiin dowlada Somaliya Kenya waxay ku nacday maxaa shacabka Jubboyinka looga xoreynayaa Alshabab .

Itoobiya  waxaa lagu maagay iyagudan maamulka Jubaland ayay taageertay. Hadaba dowlada Somaliya waxay isku dirtay labada dowladood ee ka kaalmeynayay la dagaalanka argagaxisada, Sidoo kale dowlada Somaliya waxay Cadaawad ka sameysatay shacabka reer Jubaland oo ay si weyn qalbigoodu u fogeysay.

Dowlada Itoobiya oo ka jawaabeyso dacwada joogtada ah ee Madaxweynaha Somaliya Xasan Culusow la daba taagan yahay ayaa waxay ka baxday degmada xudur iyo Aaw dheegle, isla Markiiba waxaa toos ula wareegay Alshabab, Baydhabo ayaa gariirtay, iyadoo Muqdishana ay Cabsi soo wajahday, waayo hadii Baydhabo Alshabab qabsadaan Muqdisho xaalkeeda ma fiicna,Halkaasi waxaa ka soo baxday  xisaabti khaldaneyd ee uu isku dardarsanayay Madaxweynaha Somaliya, Waxaana la tusay dowladahan uu dacwada la daba taagan yahay in ay yihiin awooda uu ku faanayo ee Muqdisho ku jiiro.

Waxaasi oo dhan marka la isku soo xooriyo dowalada Somaliya ayaa dhex fadhiisatay dhiidhi ama fashil kii ugu weynaa ee abid.

Inay wax difaacan karin oo ay awood laheyn ,

Inay ogoleyn dadka wax ka difaacayo

Inay laba shaqeyneyso Cadowga iyaga laga difaacayo

Inay ka soo horjeedo Maslaxada gobalada isku tashaday oo u fududeeyay howshii iyaga looga baahnaa isl markaasina curyaamineyso dadka reer Jubaland.

In ay Isku dirtay Caalamka oo dhan oo haatan laga niyad jabay.

Hadaba Madaxweyne Culusow oo taas ka duulayo ay

Hadaba Madaxweyne Xasan Culusow oo arimahaasi ka duulaya ayaa sheegay inuu wafdi culus u dirayo Jubboyinka, Waxaana lagu soo waramayaa Socdaalka Ra’isul Wasaaraha inuu yahay wafdi balaaran oo Madaxweynaha Kismaayo u soo dirayo si ay uga qeyb galaan shirka.

Wafdiga ayay wararku sheegayaan inta uusan imanin Kismaayo inuu soo raali gelini doono dowlada Itoobiya si ay Ciidamada ugala bixin gobalada ay Alshabab ka sifeysay oo ay Baydhabo kamid tahay. Ka bixitaanka Itoobiya xudur xitaa waxuu fashiliyay qorshahii Xasan Culusow ku doonayay inuu Baydhabo ka sameeyo wax loogu yeeray maamulka Koonfur galbeed oo Gobalka Gedo lagu daro gobaladaasi. Maxaa yeelay Baydhabo Itoobiya hadii ay ka baxdo intaan shababkaba la gaarin Maleeshiyada deegaana ayay dowlada Culusow ku heshiineynin.

Isku soo duuboo Dowlada Madaxweyne  Xasan Culusow ayaa isku dardarsatay xisaab qaldan’1+2=1000 waa sida ay u xisaabtanto dowlada .

 

Cali Yare

Waamonews.com

 

32 Responses for “Faahfaahin Socdaalka Ra’isul Wasaaraha ku tagayo Magaalada Kismaayo iyo cidda soo dirtay”

  1. Ali Zubeer says:

    Ali Zubeer waxaa uu u arkaa imaatinka Mooryaan ina Caasha another politicfal plunder committed by Absame iyo adeerkiisa led by Ahmed Madoobe

    To recap some of Absame political blunders for sometime;

    Having no Guurto for Absame

    Having No political class

    No gole culimo

    No intellectual council

    No civil society

    No ready made political road map ku eg two Jubbas before liberation has began

    Failure to change miliary triumph into politial gains

    Calling ilka yar aka dabaqoodhis waraabe Hiraabis as Jubbaland ers

    Prolonging Jubbaland meaningless conference

    Letting Ilka yar to behave like Zombies in Jubbaland

    Letting dhillo land group to create wedge among people in Kismayo

    Letting ilkayar Alshabab wing to have base near Airport

    Failure to have medium to contact Jubbaland people and media

    Taking Ahmed Madobe political failure as political success

    Playing circus again by letting ina Casa defile Jubbaland soil.

    I can’t continue to list all these failures…..

    Am sick and tired to bank on Ahmed Madobe alone.

    Its time to have a new dawn led by a new Absame blood if we want to save Jubbaland from the claws of Hawiye and their lap dog ilka yar.

    Wake up people

    Jubbaland waxay u baahan tahay rag yidhaa anigaa iska leh

  2. goobwayn says:

    sidaan u qeexday ayaa dhab ah wayna lasoo gaabatay waxuusan ahayn buu is mooday waayo kenya waxuu ku qaaday weerar wayn maalinkii ciidamadu soo gaadheen biibi ama birta dheer ayuu dhawaaqay isagoo leh kismaayo yaan lagalin in allshabaab laga qabsadana waxay ku ahayd dhabar jab wayn ,xataa waxuu ilaaway abaalkay kenya ugashay dadka somalida ah ees isagu kamidka aah

    waxaas oo dhana waxa loo samaynaayay waa qabiil nacayb waxaan leeyahay war soomaaliyeey xaalku sidii hore ma aha maanta haysku cayaarina jaanis waxaa idiinku dan baysay maalintaan ethiopia la heshiiyay hadda ka hora somali inaan ladagaalo diyaar um aanaan ahayn

  3. Shariif says:

    Cadow aan MUQDISHO ahayn malaha dadka rer jubbaland. Horay Waxay HAG ooga dhaaratay inay nabadi ka dhacdo juubaland, hadana waxay ku talo jiraan inuusan maamul ka samaysmin. Dowlada KENYA iyo ETHIOPIA ayaa u noqday dadwaynaha jubboyinka NASTEEXO una heelan inay ka badbaadin YAYDAN KU QAMAAMAYSA dadka iyo dalka jubbaland.

  4. abdirashida says:

    Jubbalander magaca ad sidato iyo qoralkgu isma laha wa af iyo ur kala duwan sxb war jira cakar ayu iman qoraga iyo webkaba ha u gafin wax usan hubin ma so qorin idacadaha iyo jaraidyadu way wada qorayan wsnuna la socona siyasad xumada xasan culusow bug o hadana bug bug bug bug aya xamar ka tagan ethopia khilafka ku so kordhay culusow isaga ka masual ah kenya isaga masul ah alshababka isaga ku milmay urur diimed waye dawladiisa juboyinka isaga ka so horjeday dasturka isaga violated ku sameynayey dacada darada hal qoys wax u radinta isaga ku dhaqma colad umada somaliyed lo ababulo naceybkii la isku qabey o u si siyadiyo dib u heshisin ma wado magalada madaxdii qoyskii wada qatey mamulki dhama diblomasiyiintii deqihii waxbarashada kalmoyinkii dibado dhan hubki maqasiimada madaxtoyafa ku jirey isaga gatey alshababna ku warejiyey hassan culusow wa handycup maskaxdu curyan ka yahay viva jubbaland state iyo shacabkodaba wa bilahi tawfiiq asc wrt wbrt

  5. sayid maxamed says:

    Cali Yarow ma waxaad na leedahay dawlad ku sheegta muqdisho danteeda ayay garatay haday arintu taas
    tahay xeedho salka ayay ka unkantaa arintaas waxaan ka wadaa Caliyow qodob muhiim ah ayaad ilawday
    inkastoo arimaha sidaad uga faalootay ay ka muuqato inaad siyaasi waaya arag ah tahay qodobka waxaan kuu idhi waad ilowday waxaan ogahay inaad ka war hayso qodobkuna waxa weeye ninkani wuxuu lumiyay
    kalsoonidii beesha Hawiye oo uu isku halaynayay markii hore.

  6. Qoraxay ogaden says:

    Asc dhaman horta qoragan cali yare ihi waa siyaasi xelad dheer calow xigmad iyo murti ayaa kugu dhamatay waxan aad oga helay qoralkaga iyo mowqifka khaldan ee culusow uu islaha minjaha u xaabi dadka xoraystay gobaladay lahayen waxan maqli jiray nin is walaba wabiya hela eegiyo hatan mamulka culusow waxan dhihi laha saben xidh hakenan inkastoo kalsonidi ay iilatay

  7. D.Waraabe says:

    Ummada Jubooyinka waa imay dhamaystirtaan maamulkooda Riwaayada( culusow USC iyo Saacid Shirdoon Dooxad Jubba) ay iska daayaan kana talo baxaan buhubahaada Mooriyaanta kor ku xusan..
    waxaad horay uga nadiifiseen deegaanka kuwii nabadiidka ahaa ee xaaraanta iyo boobka ka waday Jubooyinka,sidoo kale waa inaad mooriyaanta dowlad ku sheega ah ka tirtirtaan deegaanka hantida Shacabkana kasoo celisaan deegaankana ka masaafurisaan sidii aad horay ugaga cayriseen Ilka yar,Barre Huuraale,Goobaanle,Cabaas dhalxa iyo Shabaab.
    ugu danbayn.waxaan idiin rajaynayaa guul horumar iyo barwaaqo lagu diirsado.

  8. wiil gedo says:

    wataabe meesha wali bare Ayaa kuhorkaajee xog raadi naagyahow naaguhu dhaamaan midakale cabaas kismaayo ayuu joogaa warka beenta ah iyo isirnaceybka joojiya meesha idinkaa ugu liita saacid ayaa wasiirka arimaha gudaha kaceliyey ama fasaxkaqaatay ama soodiray reysal wasaarre wasiir uu amrayo waa aflagaado beeleed cali wardey adiga miyaa qaxkasheegi karo marexan waahorre ayay sumada xoolahoda kugu dhigtene

  9. ahmed shiino says:

    kan ilkayarta ah cabaad badanaaa agaah

  10. halyeey says:

    @wiil gedo sxb runta makuu sheegaa isir lajeclaado malihid ilaah baa ilkayar kaadhigay misna lamadegaan kuugu abuuray ee umada ehlu kheeyrka ah aflagaadada kadaa inan gumeedyahoow,
    mideeda kale isbatoore cabaas diif ayuu kuxiran yahay kismaayo haddii uu tago madaxiisa waalacag cabaas inta uu kismaayo tago misna nabad kubaryo taas aayad ayaaba soo degeeso dhulgariir ayaa dhecaayo ciidaa ooyneeyso anywey waxba yaanan kuugu fogaanin ana aanan isliidine ilaah umadiisa masimin !!!

  11. Jubalander says:

    Halyey………….Masayr Mataqaanaa?

    Jubaland Waa Gabar Qurxan Waxaa qabay Nin Wardey ah xoogbaad iyo dulan oga qaadatay Markii gogosha Waqtigeeda lagaray Wad Qancin wayday oo Guskaa Kugaabtay….
    Waxay udhigatay Mareexan Alaabtii Dheereed oo Meelwalba Qashinka Kassraysay ayuu Kuxaabshay…
    Waa Qanacday Gabadhii Marka Nin Masayr Kiisa Waa Kululyahaye adiga Waad masary santahay ilahow Yaadan nadilin Nin Masayray Waa Qatar NInkaan arkaba Waa Masayrsanyahay…Ilaahaa Naga Dhiga Rag Wixii Ay Qabtaan Qashinka Kasaara.Marka Adiga Masayr Iyo Faan Boorso Kabuuxso Ana Jubalantaydaan aan Seexsaday Idaa Cabas Ayan Horena Waa Tagay Kismanyo Hadana Kismanyo Cabaas In Badan oo Kaliidata Ayaa joogta Macadalaahi Ninkii Dhoobley Markii Ogaden Fooda Galin Waayay uqabtay…………….

    Ayaantaas Ayuu Saxardiid Asagoo Dhoobley Jooga Kuyiri Cabas Meshan ad taagantahay 1,000 O Absame ah Inaad Kuqabto Ma Ogtahay Cabaasna Waa daalanaa Afartan Will O Sade ah Ayaa Garabtaagnaa Wuxuu Ogu Jawaabay 1,001 Ayaan kaaga dhigayaa……….Naxdintii Dheereed ayaa Dhacady Meeshiina Xaar Ayaa Kasoo Uray Ilaa wuu Kafakadaye……kkkkkk

  12. qudhac says:

    Lo’dan moodaysay inay waxay rabaan ay marsiinayaan, gaadhigii xumaa ay wateen ayaa ka dhiiqday oo dhoobadii sidii ay uga saari lahaayeen bay ku wareersanyihiin. Waxaa kamaqnaa in gabigoodaba la leeyahay. Waagii caqli ugu dambaysay waxay ogaayeen iyadoo ay diktatooro adduunka xukumaan sidii bay u haysteen. Culusow isagoon dabbaal aqoon ayuu badda moolkeeda tagay markaasay kolba mowjadi qaadaysaa. Caqli mooryaandheh. Ninkanina waa adeege aan dadnimo lahayn.

  13. cirka says:

    waryaada waxaydan isu xagxaganin, Somalia waa la qaybsaday iidoor iyo hawiye ayaa waqooyi iyo koonfur u kala qaybsaday, r/wazaare iidoor ayaa xaq u yeeshay m/weynana Hawiye. Puntland-na waa daashay ee Darood konfure talo keen intaan waagu nagu baryin.

  14. wiil gedo says:

    @ halyeey wiil dhabyaco cabaas waakii kaadhigay maatada caanaha leh iyo looma ooyanka konfurta somaliya ee ma adaa waxkaaheegikaro warheedhe xishoo mise waxii fadarada ku koraa maba xishoodaan wiil dhabayaco maalin dhaqeyed waxaa tiri sade odaygii daarood ahaa wuxuu kudhlay sino oo waxaad kutilmantay awoowgen inuu ahaa saani wadaadii doombira ahaydna qaxaa tiri odaygii marka loodiday ayuu banaanka kurimiyey. oo faraca daarood oodhan ayaad gaartay waxaasna qof daaroda kuma hadlo siwalboo la iauqabto lkn dhabayaco haa waydhihi oo waxaa keenaya maaha mirihii daarod waa wax aan la aqoon oo habari wadatay sayid maxamed waatuu lahaa majeerten inay majnuun yihiin marag uhaystaaye waa ninman masaqan oon ahayn mirihii daarode kkkkk yaahuuuu nin aan faraciisa la aqoon sinji hakuu aheegto war. kacarar meesha yaanan kuyeelin sidaan kuyeelijiraye midganyow midganku dhalay ma adaa marexan isku dherarinkro war miyaadan maqal baqashii fardo ladaaqdo farasbay isnoodaa yey kubaxday orad qeydii awoowgaa afkan urayana gees nagala mar agtayda eydhintay ayaadba kasii liidataa ee dadka kuqiimeyo lashekeyso aniga futo rati kama aqaan dhabayaco hadaad aqli leedahay nasab iyo dhalasho kamaadan hadasheen adoo habarkuwadatay

  15. hortaa waar kuwaan will gedo and jubbaland , and think you guys graduated from the school of waaxashniimo taught by alshayadin ulshabab . some tribes in Somalia benefited from the kaos that followed the civil war and a whole generation of them grews on ill gotten gain belonging to orphans ,widows and all weak clans of Somalia.
    my people, people who grew up in this environement are the leader of Somalia today .they swich alliance with whatever group happening to hold a region at time ,they have became a groupies for takfiri and you have about close 10000 bastard those sow call alshayadin ushabab left them as a tokeen of appreciation for giving them a virgin . today you guys can talk all the talk you want there is nothing that you can do absolutley nothing sow talk is cheap we will build jubbaland while your sorry us ina shirdon was forced to go to kismayu yu dumb idiot weither you like or not with there last warning , look maraxan you guys are becaming all fake cowboys it all had and no cows , waax laawaa’yaye gello ninki waalan baa u duuda

  16. Ali Abaskuul says:

    Sifiican ayaad Cali yare daaha uga qaaday marxaladihii siyaasadeed ey jubbaland soo martay iyo tan hadda la joogaba waana xaqiiqo jirto oo dhab ah inauuna Xasan Shekh culusoow wanaag u soo wadin jubbaland xumaan mooyee,waxa halkaan lagu soo gaadhayna waa 3, tan 1aad waa taageerada siyaasadeed ee ethiopia iyo tan dhaqaale ee caalamka.2aad xooga ciidan ee Kenya Amison,3rd,rabitaanka shacabka deegaanka …waxa diidan in la yagleelo jubbaland statena waa Alshabaab iyo dawladda somalia oo saaxiibo dhow ah asal ahaanna isku mid ah,haddaba ha ogaadaan reer jblnd dantooda iyo cidda dantooda wadda Ethiopia iyo Kenya iyo international communitygu waa saaxiibka dhabta ah ee reer jubbaland ee Mooryaantii Alshabaab iyo fkkirka shaqsiyaad ka qalooca naga xoreeyay.

  17. qudhac says:

    Waxaa layidhi haddii la murmo la masow.

  18. Adam says:

    Wuxuu hadda la yimaado ayaa muhiim ah oo lagu qiimayn doonaa,waxbaa beri saas ahaa iyo beribuu sidaas yiri ma jirto,

  19. Dahir yare says:

    kkkkkkkkkk war hala xidho maskiin Saacid Ahmed Diriye, marku imaado Kismaayo. waxaa hada imaday mujaahidkii weyna ee Jubbaland sheekh Ahmed madoobe, iyo mujaahidkii kale ee weyna ee Jubbaland sheekh Abdinassir Seeraar. magaaladda Kismaayo sacad ka hor. waxay ka imaadeen Nairobi. maskiinkiina wu iska joogay! waa war degdeg ah. waxaan kale o maqliy in diyaarad hub sidda inay Kismaayo so gaadhay. odaayadi Gedo markii la sugayay waxay so direen cidaamo, maantana markii la sugayay Saacid waxay so direen hub iyo saanad kale. marka maxay rabaan mareexaan? ma xabid bay rabaan guntu guntu dhashay ee boonta ah.

  20. kiiney says:

    ilma adeerayaal daarood maanta wuu isku raacey jubooyinka,oo wax tafaraaruq ah wuu dhamaadey,ee ceyda iyo aflagaatada hala joojiyo,meeshaan qof kasta magac soo qoran karo,hadalka fiicana waa sadaqo idinkoo wax xun ama dad kala dili bal hadey nafta idinka dhacdo,war ilaah aanu u noqono cafis iyo masaabax.

  21. ahmed says:

    Sheekadii CULUSOW uu jubbaland kawadey waa gababsi waxaana international community usheegtey inuu tageero Jubbaland hadii kale ha’iscasilo. imaanshaha saacid ma’aha wax ka yimid culusow dowladiisa moryaan ee bareeshar ka yimid international community oo dhan marka laga reebo Djibouti “french Boot camp”.

  22. wiil gedo says:

    daahir yare inan gumeed iyo midgaan waxaa ah dhabayaco iyo waxay wataan saacid halaxiro kulahaa saacid mawaxaad mooday majeerten ayagaa kismaayo looma ooyaan ka ahe midakalee aad leedahay axmed madoobe ayaa yinid axmed madoobe yaad mooday yaadse ushwwgaysaa inuu yimid sxb haday ditaarad hubsiday laqabso barnaamijka socdo mareexaana cid uuwaxkawato malaha cid kismaayo uu marti ugu yahayna malaha ee jooji habaarka meesha absame iyo sade ayaa waxlagaweydiinayaa dadkale waa daawadayaal jecel inay isku dhacaan qiilashas walaalaha ah sida adiga ookale waxaad jeceshahay iskudhaca ogaden iyo marexan lkn ismaadan waydiin waxa faa iideyso iyo waxa dhici doono inaadan waxba kanoqon meel aan lug kuleeyahayna waan sameeyey anaa kaadhigay maato caanaleh ee bowe gunweye kasoodheh bari salkeda nafkale mahayside ina malay xaar kudaboow

  23. kaadsade says:

    asc walaalayaa l dhamaantiin waad idin salaamay salaan kadib waxaan idiin sheegayaa jubland way qaangaadhay haduu qofku qaangaadhana wixii talo iyo tusaale ahba wuu isigu filanyahay marka dadka reer jubaland kuwo daga ethiopia kenya iyo somaliyaba waa markii koowaad ee ay ku midoobaan ayaaha jubaland marka cidii tareenka sooraacaysa ha soo dhawaato tiikalena xaalkanagu waa hangaraarac lug umadhutiyo marka cayda iyo qadafka ha layska daayo

  24. ina cummar geele isaga tiisi u yaaban ,taasina waaxa keenta waa niin waaxba kasoconaayn ee somalia inu 91 kuceliyo raaba ,wuuxuna maiisaanyahay waax iiririisim laayirahdo, daadkii cissa aha ee deegan waaqoyi gaalbeed djibouti ayu uraaray ,gobolkay kaa daaganayen ethiopia ee shiinile illa aafar degmo canfar baa laa warregtay . maarka niin dullu illahay kaa dhigaay aya ina culusow laabta ugaracay oo yirii waax walba Igaad ayaan innaga aqbali nassib daaro ,Ethiopia South Soudan ,iyo suudan,kenya aaya waaxay waateen u sheegtay iin aynaan soconayne oo aan maanta Somalidu ay kaaso billaban heer tullo illa federal laa isugu yimado ,and that is the program that the international communities support ina culusow you playing with fire and you are going to burn your house first ,you have missed an opportunaty to be a ral leader for everybody and instead you chose to be a tribal leader and you failed even that

  25. cali says:

    viva jubbland

  26. Ali Abaskuul says:

    @wiil Sade jubbaland state……Adeer jubbaland marxalado badan ayay soo martay oo la ogyahay cidda darawalka ka ahayd hayeeshee arimaha aad ka hadashay eed siisay saacid adeer maaha shaqo saacid u taala ee waa shaqo u taal maamulka la dhisi doono haddii alle idmo.tan Raysal wasaaraha waxaan filayaa inay reer jubbaland ogyihiin wax walba oo jira hase ahaatee loo baahan yahay samaynta maamulka JBLND balse aan loo baahnayn faragalin ka timaada banaanka waliba Raysalwasaaraha what so ever.Hadduu Saacid isku dayo faragalin adeer ka yeelimayno oo horaanu uga diidnay kuwo hore.

  27. Ali Zubeer says:

    Waamonews Editor iyo dhammaan real real Jubbalanders ee uu hormuudka u yahay Absame iyo adeerkiisa.

    Marka aan ka hadleyey Absame political blunders waxaan idhi and qoute:

    “Let ilkayar shabab wing to have a base near airport” N qoute

    View below link and think Ahmad Madoobe faiure in this specific matter

    http://www.youtube.com/watch?v=KltIoz3vnAo&feature=player_embedded

    Maanta inuu Axmed Madoobe iyo seerar iyo Saxardiid ay diyaarad la soo raacaan war criminals warfa iyo Cabbaas Dhalxa so ma ahan political failure.

    Laba daraadle uu warlord criminal Abbaas iyo hoggaankii Absame ama kambooni oo dhan salaan sharaf ka qaataan nimankii shabaab ahaa ee ilka yar aka dabaqoodhis ee airportka fadhiyey.

    Kaaga sii daran uu mooryaan cabbaas halkaa ka waydiiyo waar sow ciidan Soomaaliyeed ma tihidiin?

    Adeer maxaa beenta la isugu sheegayaa?

    Ali Zubeer waxaa uu muuqata in Axmed Madoobe ku fashilmay samaynta Jubbaland State ilaa iyo hadda.

    Isdaba wareegiisa dhaaftay 7 bilood ama sannad ku tusinayo inuusan u jeedin dhisid dowlad goboleed, yahayna keligii taliye wax yar ka sookeeya Gaandi iwm.

    Ali Zubeer kuma aamini karo Kambooni siyaasadda iyo himilada beesha Absame iyo adeerkeeda ee Jubbaland.

    Its right time Waamonews iyo dadka beesha runta isu sheegaan inta goori goor tahay.

    Riwaayaaddii ahayd waa la dhoofinayaa raggan oo waa shabaab waa ay caddahay inay been ahayd.

    Waxaa intaa kuu daba yaal qaraxii shalay ay ilka yar ku soo dhowaysay Axmed Madoobe.

    Marka inta goor goor tahay waa in beeshan gaar ahaan aqoon yahankeeda mowqif ka istaagaan isdaba wareegga Axmed Madoobe iyo riyaawadda uu u dhigaayo umaddan.

    Jubbaland anigaa iska leh

  28. ali says:

    @wil gedo Quule,
    Mareexan iney yihiin inan gumeed waxaad ku gareysaa Hawiye moryaan ayey shaqaalo full time u yhiin una meleyn maayo Darood weyne inuu aamini doono. hadey mareexan inan gumeed Quule ey nasab yihiin iyaga iyo Darood weyne looma kala turjumeen. Think about that.

    Tankale, wil gedo inan gumeed mareexan waxaad ogaataa iney sheekadu aheyn Absema vs mareexan Quule ee waxaa weeye Darood oo dhan vs mareexan inan gumeed. hadey joojin waayaan Qalalaasaha ey ka wadaan Jubbaland. Darood jaberti ismaciil ka yeeli maayo inan gumeeed mareexan oo ah 15% Darood population inuu jubbaland Qas kasiiwaso ama uu isku dayo inuu siyaasada hawiye moryaan keeno jubbaland.

    @wil sad jubaland state Quule.

    Run’ahaantii waxaad meesha ku Qortey waa cali dooro. waxaad ugaataa Pm saacad labo bilood kahor inuu yiri “MAAMULKA JUBBALAND KASOCDA SHARCIGA MA’WAAFAQSANA”. imanshaha PM sacid ma’aha mid isaga ama culusow ka yimid ee waa mid ka yimid INTERNATIONAL COMMUNITY sidaas wax ufahan.

    Tankale, sacid ma’faragelinkaro arimaha Jubbaland waa xaqiiq taa waana loo sheegey. dadka deeganka markey iyagu maamulkooda soo dhameystaan bey dowlda culusow moryaan loo geen mana diidi karo waana looga digin taas.

    PM saacid iyo culusow waxaa lagu soo amrey.

    - Inuu PM saacid ka qaygalo shirka kasocda kismayo
    - Inuusan faragelin shirweynaha ka socda kismaayo inuuna ka warsugo go’aanka shirka
    - Inuu ka’ahaado korjooge
    - Inuu ugeeyo culusow moryaan waxeey dadka jubooyinka go’aansaden.

    Waxeey dadku og’soon yihiin culusow inuu wax walba isku dayey inuu burburiyo dhisida Jubbaland isagoo ku soo ganbanaya mareexan Quule. maanta waxaa cadaatey taasi ineysan u hirgalin.

  29. ali says:

    @ wiil gedo Quule

    Sidee baad wax u fahantaa waxaa tahay inan gumeed Qulle ka dhargey. tankale sheekadan ah walagaa xoogey waa la’ceyrsadey waa hadal inangumeed. 80% Galcayo waxaa heysta MJ, hawiyaad u shaqeyso waxeey degaan hal xaafad la’yiraa “baraxley” waana xaro moryaan lamo galo.

    Tankale waxaad ogataa Bari iney tahay maal xadaarad dheer waligeedna Boqortoyo daganeed, ma’aha sida xero inungumeed Quulo. bari waa xarunta PUNTLAND.

    Walee cagli Quule waa waxa ey u hoos fadhiyaan hawiye moryaan. sidee bey MJ ugu xumaan karaan in wax laga weydiiyo arimaha Jubbaland Absame iyo sade inangumeed taa waa cagliga Quule. MJ waxeey leeyihiin maamul xoogan dhisan lana dhisey 14 years ago lana aqoonsan yahay PUNTLAND STATE OF SOMALIA.

    Mareexan inangumeed Qaska ka dhaafa jubooyinka wax la’qebsada Absame, hadii kale waa karbaashkii dheeraa ee darood weyne.

  30. ali says:

    @INA QUULE,

    Maleygu waxuu kenaa maskax lakiin Quuluhu maxkada ayuu fariisiyaa, yaalagu xasuuqey gaalkacyo isdhaafku wuu dhacaa ama MJ dhexdiis a ha’islaayo ama Qabiilada kale ee darood degan Galcayo lakiin wax xasuuq la’yiraah majiro waa sheeko quule.

    Mareexan quule wax laqeybsada Abame, sheekadan hawiyo u adeega must be stop.

  31. Jubalander says:

    Shacabow Ma iswaydiiseen Sababta U Cali Yare usoo dabin layahay The Breaking News oo Websaydyada Somalida headlinka U ah………..http://www.youtube.com/watch?v=KltIoz3vnAo&feature=player_embedded

    Sababtu Waa Iskacadahay oo Adinka Ayuu Been Idinsheegi Jiray saidaa daraadeed Hada Afkiisa Waa Qaban Layahay Axmed madobe,Xidig oo Xaadir Ah Inuu Cabaas Kujeesteeyo Runtana taabsiiyo Ala Runta Qaraaraa…….Bal ega Waxa Dhacaya iyo Wixii Cali Yare Dadka usheegi Jiray………
    Maahmaah Ayaa Ahayd Bentaada Hore Runtaada Dambe Ayay Halaagtaa………………………….

    Waxaan Filayaa Waad Kawaantoobi Doontaa Riyada Iyo Beenta Ad Umada usoo Tabiso….Iyo Qaska Ad Kuhayso Bulshada Jubaland…………………

    The King Of Jubaland……

  32. Ali Zubeer says:

    Jubba sheegad

    Adeer ilbaxnimada iyo sida la isku saxo ayaa kugu yar.

    Waamonews Editor waxaa uu kiciyey oo nooleeyey ummad dhan oo reer Jubbaland ah gaar ah dadka deegaanka u badan ee Absame iyo adeerkiisa.

    US state Dept ayaa maalin walba isla cidhbisa ama isa saxda.

    Doqonnimo iyo been cad waxaa ah in u sheegto ubbaland ilka yar ka timid galgaduud sida aad u dhigtay adiga ilka yarta ah.

    Adeer waxaan imminka ogaaday mooryaan war crimial Cabbaas dhalxa in General saxardiid la cidhbiyey oo uu si qaxayan ugu sheegay waxban beddeli karin laakiin Mediyaha Hawiye iyo iidoor gooyeen qayb\tii Saxardiid ku naqdiyey nacaska ilka yar.

    Ta kale aniga oo aanan qarsanayn sida aan u diidanahay dabacsanaanta Madoobe haddana shaki kuma jiro in Nairobi ay ilka yar baroortada la aamusiin waayey dhowr maalmood markii la yidhi Jubbbaland maamulkeeda ha samaysato gedona ha raacdo digil iyo mirifle.

    Marka adeer gobonnimo ma lihide ha xag xagan gobta Absame.

    Waamonews is not your galgaduudnews etc. Waa niman warka ay qorayaan iska hubiya oo qadiyad leh. Haddii ay wax mis gareeyaan u oggolaada dadka like suldaan Ali Zubeer saxaan without grudge or censorship.

    Jubbalande anigaa iska leh

Leave a Reply