|

CAMBAAREEYNTA SUUGAAN NACEEYBKA IYO XIKMAD GUURKA.‏

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimadda iyo
Cadaaladda codka inta damiirka nool,dareenka wadaniyadeed
iyo gobanimadda ku gaashaaman,waxaanu qormadan si cad ugu
qeexeeeynaa aragtida urur ahaan ee guuroowga halkan hoose
ku lifaaqan oo xambaarsan luqad naceeyb,qabyaalad,fadeexad
iyo arrimo ceebtooda leh kana baxsan hanaanka suugaanta iyo
maqaamkeeda-ba,guuroowgu waa qeyb ka mid ah suugaanta gaar
ahaan dhanka gabeyga waana xikmad iyo hab suugaaneed gaar
u ah laga bilaabo degaanka Xaradheere(mudug)ilaa degaanka
Lam-50(Sh/Hoose)waana suugaan xikmad dheer,aftahan-nimo iyo
qiimahaeeda luqadeed leh,si gaar ah loogu xasuusto abwaano
caan ah sidda:-Cabdulle Raage,Max,d Gacal Xaayoow,Carabow
Max’d,Cabdulle Geedanaar,Axmed Dhaqane iyo rag badan oo kale
intii dhimatay aun-aamiiin(runtii xikmad badan laga dhaxlay).

Tixdan guuroowga ah oo halkan ku lifaaqan shakhsiga tiriyeey
aan la garaneeyn ayaa ah mid si weyn u ceebeeysay suugaantii
qiimaha weyn laheyd iyo xikmadii iyo hufnaantiiba(urur ahaan
shakhsi gaar ah iyo beel midna uma nisbeeyneeyso)balse tix
ahaan iyo ujeedada eey xambaarsan tahay ceebteeda,dhaqan xun,
naceeyb abuurid,Dad kala fogeeyn,af-lagaado qaawan,qabyaalad
qeexaan,belaayo abuurid iyo anshax xumo xad dhaaf ah leh ka
baxsan milgo gobeedka iyo hanaanka suugaaneed-ba,sida aad ka
maqli doontaan tixdaas guuroowga ah,waxaad ka dareemi doontan
fikirka sida weyn loo buunbuuniyo beryadan damme ku saleeysan
Federaal diidka,midnimo diidka,cadaalad diidka,garsoor diidka
iyo xaq soor diidka-ba sida weyn looga duuliyo warbaahinta
somali kala fogeeynta u xuubsiibateey:-UniversalTV,Shabelle,
VOA-da,BBC-da,TV-ga Qaran iyo wababka fadeexadda iyo luqad
beeleedka ku caan baxay(bogoga ceebta internetka buuxa).
Urur ahaan waxaanu qireeynaa in tixdaasu iyo aragtida eey
ka turgumeeyso tahay dhaawac weyn,fadeexad,gef cad,luqad
xaaraan ah iyo arrin ka turjumeeysa marka runta la sheego
shakhsiyaadka magacyadoodu ku xusan yihiin,warbaahintana
si joogto ah looga baahiyo cambaareeyn mudan iyo dhaliil
weyba,gefna ku ah xikmada,aftahan-nimada,milgada,karaamada
iyo nuxurka suugaaneed ee guuroowga,weliba si gaar ah meel
looga dhacaayo maqaamka beelaha guuroowga sida gaar ah u leh
anagoo mar walba dhoowreeyna xurmada somaaliyeed,sharaf iyo
milgadda ummadeed iyo ahamiyada marxaladan maanta leedahay
oo ah ka shaqeyn xoojinta habka dowladeed,midnimo cadaalad
leh iyo hirgelinta habka federaalka oo dastuurku qeexay,tixdu
mid guud ahaan sharaf dhaceeda iyo ceebteedaba leh,shakhsiga
tiriyeeyna fadeexad iyo fool-xumo weyni raacday(Cawaan lagu
tilmaami karaayo).
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
        Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-My-22-2013.

Leave a Reply