|

Baarlamaanka Somaliya oo ansixiyay Raisul Wasaaraha Cusub

cabdiBaarlamaanka Somaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh ku ansaxiyay Raisul Wasaaraha Cusub ee dhawaan Madaxweyne Xasan soo magacaabay cabdi wali Sheekh Axmed.  239 Mudane ayaa codka kalsoonida Siisay, halka laba mudane ay ka aamuseen. Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa ku dhawaaqay naatiijada codeynta.

Raisul Wasaaraha cusub ayaa dhawaan ku dhawaaqi doonaa golahiisa wasiirada oo sida la sheegay inta badan la diyaariyay inta aan isaga la dooran.

 

 

Sawir gacmeedkan waxaa fikirkiisa ku cabiray farshaxaniistaha caanka ah ee Amiin Caamir ka hor inta aan la ansaxinin Raisul Wasaaraha.

Kalsoonida-kal-iyo-laab-ma-ahan

Waamonews.com

Leave a Reply