|

Beesha Cowlahan ee degta Gobolka Bakool oo qaadacday shirka ka socda Baydhabo

BAYAAN KA SOO BAXAY SHIR WEYNE AY KA SOO QEYB-GALEEN DHAMAAN BEESHA CAWLYAHAN/OGADEN EE DEGTA GOBOLKA BAKOOL EE KU NOOL GUDAHA IYO DIBADDABA.

Shir dhanka khadka telefoonka ah oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay beesha Cawlyahan/Ogaden,sida Ugaasyada,nabad-doonada,aqoon-yahanka,haweenka,dhalinyarada ee ku kala nool daafaha caalamka ayaa dhacay taariikhda markay aheyd 20/12/2013 iyadoo tiradii soo gashay khadka ay kor u dhaaftay 2000(laba kun)oo shaqsi,shirkana uu socday muddo ka badan 5 saacadood.

Furitaankii shirka ayaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka iyo dardaaran la socday oo la isku wacdiyey alla ka cabsi badan,intaa ka dib ayaa shir guddoonka waxay soo gudbiyeen qodobo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen isku duubnida reerka iyo deris kula noolaanshaha beelaha kale ee ood-wadaaga lala yahay iyo waliba sidii qurbo joogtu uga qeyb qaadan lahaayeen dhanka horumarka degaanka,dhan kastaba ha noqotee.

Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday sidii maamul looga yagleeli lahaa gobolka bakool isla markaana lagaga hadlay sidii looga qeyb gelin lahaa beelaha kale ee la dega beesha in laga qeyb geliyo wada tashiga maamul u sameeynta gobolka,iyadoo lagu saleyn doono sida uu qorayo dastuurka Federaalka Somaliya.

Beeshu waxay hambalyo iyo bogaadin u dirtay Raisal wasaaraha cusub ee DFS Mudane Cabdi weli sheekh Ahmed,wayna soo dhaweeyeen magacaabistiisa,iyagoo kula dardaarmay inuu qibrad ka qaato qaladaad kii uu galay Raisal wasaarihii ka horeeyey kaasoo intuu booqasho ku yimid Gobolka Gedo kaliya la kulmay beeshiisa isla markaana kaga dhawaaqay maamul ku kooban isla beeshiisa,iyadoo la garanayo in Gobolka la wada dagan yahay,laakiin mudane Cabdi weli Sheekh Ahmed waxaan og nahay inuu yaqaano sida loo wada dagan yahay gobolka gedo,uuna wax ka bedeli doono qaladaadkaas.

Beeshu waxay ka soo saartay shirkaas qodobo dhawr ah kuwaasoo lagu soo koobay shirka muhumadiisa:

 

1-Beeshu waxay qaadaceysaa si buuxda shirka ka socda Baydhabo ee la doonayo

in lagu afduubo beelo Somaliyeed iyo goboladooda oo ay beeshu ka mid tahay

shirkaasoo ku kooban hal beel oo aan la tashan beel kale.

2-Beeshu waxay fariin u direysaa xildhibaanada ku jira barlamaanka Federalka

Somaliya,ee ugu horeeeyo Xildhibaan Barre Ugaas Geedi oo laga soo dooran

jiray degmada Xudur ee magaalo madaxda Bakool xilligii dawladii madaniga

aheyd,inay ka hadlaan shirka Baydhabo ka socda ee dhulkoodii iyo dadkoodii

lagu duudsinayo.

3-Beeshu waxay ku baaqeysaa in shir degdeg ah la qabto kaasoo looga hadli

doono sidii maamul loogu sameyn lahaa gobolka Bakool,ama loola midoobi lahaa

maamulada hadda la aqoonsan yahay sida Jubbaland

4-Beeshu waxay isla garatay in wafdi loo diro maamulka Jubbaland isla markaana

loogu tago wada tashi maadaama sharcigu qabo laba Gobol iyo waxii ka badan

ay maamul sameysan karaan gobolkuna xuduud la leeyahay gobolka Gedo oo ka

mid ah maamulka Jubbaland,sidaa darteed gobolka Bakool uu la midoobi karo

Dawlad goboleedka Jubbaland.

5-Beeshu waxay soo dhaweyneysaa dhamaan beelaha kale ee dega gobolka inay nagala

qeyb qaataan sidii aanu maamul u sameysan laheyn anagoo mideysan qof kastana uu

Helayo xuquuqdiisa iyadoo aan la dulmin beelaha laga tiro badan yahay.

Shirkii beesha ayaa lagu soo gabagabeeyey duco,iyadoo shirku ku soo xirmay guul iyo ballan danbe,isla halkiina lagaga dhawaaqay guddi loo xilsaaray taaba-gelinta qodobadii la isku afgartay fulintooda.

Afhayeenkabeesha@gmail.com

Leave a Reply