|

Dagaal Culus oo Isbaaro ka dhashay oo Ciidamada dowlada ku dhexmaray degmada Afgooye

aadiidleeyDagaal culus oo mudda dheer socday ayaa maanta ku dhexmaray degmada Afgooye Maleeshiyo kawada tirsan Ciidamada dowlada oo ku dagaalamay Isbaaro. Dagaalkan oo ay ku geeriyoodeen in kabadan 10 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa waxuu ka bilowday Isbaaro ay soo dhigteen qaar kamid ah Maleeshiyada ku howlgala Magaca dowlada.

Kadib Maleeshiya kale oo isla Ciidamada dowlada ka tirsan ayaa iyaguna soo dhigtay meel aan goobta ka fogeyn Isbaaro. Kadib kuwii horey Ibaarada u dhigtay ayaa weerar culus ku soo qaaday kuwii dambe. Halkaasi oo uu ka qarxay dagaal Culus oo dad badan ay ku nafwaayeen. Maleeshiyada dirirtay ayaa markii dambe qaab qabiil u kala safatay, waxayna ka soo kala jeedeen beelaha Abgaal iyo Murarsade.

Ugu dambeyn mid kamid ah Maleeshiyada oo laga awood roonaaday ayaa dhufeyskii isbaarada laga saaray, inkastoo wali xiisada laga dareemayo deegaanada lagu dagaalamay. Dowlada federaalka Somaliya ayaan wali wax war ah ka soo saarin dirirtu dhexmartay Ciidamada dowlada ee qaab beeleed u kala baxay.

Mudooyinkanba Gobalka Shabeelada hoose waxaa ka socday dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dareyska dowlada ku lebisan iyo Maleeshiya ka soo jeedo deegaanka Gobalka Shabeelada hoose, kuwaasi oo ku loolamayay gacan ku haynta Gobalkaasi Kheyraadka badan ee Shabeelada hoose.

Waamonews.com

Leave a Reply