|

Daawo: Pr Cali Geedi oo Sheegay dowlada inay ka dambeyso Shirka Baydhabo si ay ugu burburiso Jubaland, uguna baaqay inay Cadeyso Mawqifkeeda ku aadan shirka Baydhabo

Raisul Wasaarahii hore ee Somaliya Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay arima badan oo ku saabsan Siyaasada Somaliya ayaa sheegay in shirka ka socda Magaalada Baydhabo ee lagu dhisayo maamul gobaleed ka kooban 6 gobal ay ka dambeysay dowlada Somaliya, gaar ahaan Madaxweynaha Somaliya, Jawaari iyo Saacid, isla markaasina ay doonayeen inay ku burburiyaan dowlada Jubaland.

Pr Geedi ayaa dowlada ugu baaqay inay cadeeyso mawqifkeeda ku aadan shirka Baydhabo, Sidoo kale waxuu ka hadlay dagaalada ka socda Gobalada Shabeelooyinka iyo Hiiraan, waxuuna eedeeda dusha u saaray dowlada Xasan Sheekh Maxamud.

Leave a Reply