|

Maqaal: Wadani Nimada iyo Somalinimada ay ku qaraabtaan kuwa Dalka rogay( Nin Gurigiisi iyo Beertiisi aad haysato Maxaad ugu diidi hadii wadan kale Dhibaateyo???)

QWaxaan doonayaa inaan bidhaamiyo Wadaninimada iyo Soomaalinimada Afka baarkiisa ah ee ay ku qaraabtaan Manaxayaasha dalkeena Somaliya kala gaabiyay isla Markaasina  umada Soomaaliyeed baday qaxootinimo iyo baa’ba.

Soomaalida waxaa la dhahaa been waay sheegtaa, Laakiinse been ma maahmaahdo. Waxaa jirta Maahmaah Soomaaliyeed oo oraneysa ” Carab Intaay ku nabto ayay  hadana Nabgiga Kaaga hormartaa ”SCW. Macnaha intay ku masabido ayay hadana kaga hormareysa Saliga Nabigeena Nabad gelyo iyo Naxiis Korkiisa ha ahaatee ( SCW).

Hadaba aan u soo laabto Somalida Maanta qiiro beenaadka AFKA baarkiisa ah Meelaha la taagan ee iska dhigaya dad ka dhiidhinaya dhibka haysta Somalida , Sida haatan kuwa dhiikarka isku ridaya ee meelaha ka dha dhawaaqaya, iyagoo leh Somalida ayaa Kenya dhib loogu geystay. Dadkan Guryahoodii iyo dalkoodii adigaaba ka qaxiyee, Sideed uga hadli kartaa dhibaato dal kale u geystay.

Su’aasha Sweydiinta mudan ee xaqiiqda ku qotonta waxaa weye.

Soomaaliya Yaa Nabada u diidan ?????

Somaliya yaa baa’biye ,Xasuuqay, Dalka ka barakiciyay, qaxootinimo baday,Dhulkoodii, Guryahoodi dhacay, Beerahoodi Dhacay, Gobaladoodi ku soo duulay, Alshabab Taageera u fidiyana si dalka nabad uga dhicin , Federaalka Diidan, Ilaa iyo haatana wali dalka u diidan inay nabad ka dhalato????????.

Jawaabtu oo Gaaban : Waa isla kooxaha maanta iska dhigayo inay wadaniyiin yihiin ee doonaya inay ku qaraabtaan magaca Somalinimo iyo wadaninimo.

Su’aal?:  Maxaa ku kalifay inay waxaasi Sameeyaan.

Jawaabta oo gaaban, Waa istusnimo aan qalbiga ka jirin, Waxay ka xun yihiin welwel iyo walbahaarna ku haya, Soomaalida meelaha lagu dhibaateynayo inay dalka Dib ugu soo laabtaan.  Ileen hadii Umadani dalka Dib ugu soo laabato, Nin waliba gurigiisa ayuu abaari, Gobalkiis ayuu ku noqoni, beertiisi ayuu dul istaagi.

Hadaba kii dantiisa ka dhex jirtay Inuu deganaado Guri dad oo uu xoog ku haystay, Xarun ama xera Ciidan oo uu sharci darro ku deganaa amaba Guryo ka dhistay, Kii Beer Islaameed haystay, Kii deegaankiisa ka soo duulay ee dhul islaameed dulmi ka waday. Kii Mansab dowladnimo iyo Jago ku helayay Shacabka Somaliyeed inay Qaxooti ahaado, Dhamaantood Marna raali kama noqonayaan in Somalida Dalka ku soo laabato.

Banaanbaxyadan, Tv-yada iyo Idaacadaha ay ka dhawaaqayaan waa waxba kama jiraan, dhamaantood waa wada uurmariid doonayo dadka iyo dalka inay baaba’aan , iyaguna ay halkaasi ka sii dhuuqaan faleebadii Xaaraanta aheyd ee ku rakibneyd.

Dadka Noocan ah dal kale ma eedeeyn karaan sida hada Kenya.

Jawaabtu waa Maya Maya .maya, Maya.

Maxaa Yeelay Adigoo Soomaali ah Shacabka aad dalkooda ka Qaxisay haatana aad Nabada u diidantahay, Sidee baad dal Dad kale leeyahay oo intaasi Magan gelinayay hadii ay iska soo tarxiileen ugu eedeyn kartaa. Damiirka adiga aad qaxootaga kaga dhigtay ee hadana aad dal kale ku eedeeyni xaguu ka yimid.

Yaan Wadani Aheyn.

Ninka Dalka nabada u diidan wadaninimo iyo Somalinimo Shuqul kumalaha.

Ninka Gobalkiisa intuu ka soo duulay Gobal kakale dulmi kawado Somalinimo iyo wadaninimo Shuqul kuma laha.

Ninka Xarun dowladeed ama Xero Ciidan Sharci darro ku degan waa lamid.

Ninka Gurya Islaameed,Beera Islaameed iyo Dhul Islaameed Baadil ku haysto, inuu Somalinimo ka hadlo iyo Islaamnimo toona waa qalad.

Ninka intuu Shacabki dalka ka qaxiyay hadana uga daba tagay dalalkii ay u qaxeen ee dabka ku sii daaray Somali maha.

Yaa Wadani Somali Dhab ah:

Somaliga Wadaniga waa ruuxa aan ku sifoobin dhamaan qodobada kor ku xusan.

Somaliga dhabta ah waa ka doonayo Nabad Gelyada iyo Xasiloonida dalka.

Waa kan doonaya in Shacabka Soomaaliyeed ee daafaha Caalamka ku bahdilan inay dalka dib ugu soo laabtaan oo ay Camiraan dalkooda hooyo horumarna gaarsiiyaan.

Umada Somaliyeed Meel kasta oo ay Aduunka ka joogto waay ku Bahdilantahay, waxaana ehel u ah nin kasta oo ku dadaalayo Xasiloonida dalka iyo sidii ay dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen.

Ninka doonayo Somaliya inay dalka ku soo laabanin waa Cadow ku sifoobay Calaamadaha kor ku xusan.

Isku soo duuboo Waxaan ku soo gabo gabeynayaa dadka Idaacadaha ka dhawaaqaya hadii Somalinimo daacad idinka tahay , ubaneeya Guryahooda qaxootiga Kenya ku dhibaateysan haku soo laabtaane, Ama Afkiina laba liira Saara .

FG: Durbaankii  ahaa Kenya haka baxdo Jubboyinka kooxahii Tumi jiray, ha isku deyina inaad iska dhigtaan wadaniyiin Somali u doodaya , oohinta Orgiga ka weyn.

Somalida Qaxootaga way soo noqoni kuwa dhawaaqayoow u diyaar garooba inaad deegaanadiina ku laabataan.

Isku soo duuboo Umada Soomaaliyeed ee Meel kasta ku bahdilan ALLAHA u Gargaaro, waxaana kula dardaarmayaa inay ku soo laabtaan dalkooda hooya ,hal dhana uga soo wada jeestaan Cadowga Diirka Somaliga ka ah ee doonayo inuu dalka u afduubnaado. Dalkeena hooyo waa Barwaaqo mana jirto Meel aan ku doorsaneyno isagaana ku leenahay Sharaf iyo Karaamo. Sharafta iyo Karaamada Somali waxay ku jirtaa Dalkeena oon nabadeysano, hadii kale waligeen Baayhoofkaas uun ban ku jireynaa.

Cali Yare

Waamonews.com

 

 

Leave a Reply