|

Daawo sawiro iyo warbixin: isbadal dhanka ganacsiga oo laga dareemayo Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waa magaalo leh marsad caalami ah oo ay kasoo dagaan shixnado ganacsi oo kala duwan, magaaladu waxay xudun u tahay ganacsiga gobollada Jubbaland, iyo qeybo ka tirsan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Kismaayo waxa ay caan ku tahay waxsoosaarka noocyadiisa kala duwan, sida wax soo saarka beeraha, badda iyo weliba ganacsiga noocyadiisa kala duwan ee laga keeno dalka dibadiisa.

Inkastoo dagaalladi sokeeye ee dalka ka dhacay ay saameyn ku yeesheen waxsoo saarkii dalka Soomaaliya, hadana waxaad moodaa in shacabku ay ku baraarugeen tacabka iyo in ay dib boorka isaga jafaan islamarkaana usoo jeestaan sidii ay dhulkooda waxa uga soo saaran lahaayeen.

Dakadda magaalada Kismaayo oo ay kasoo dagaan noocyada kala duwan ee ganacsiga, sida raashiinka, bagaashka, shidaalka, qalabka dhismaha iyo waxyaalo kale oo muhiim ah.

Shaafi Raabi Kaahin, gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland oo u waramay shabakadda Waamo News, ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay imika ka soconayaan howlo ganacsi oo baaxad leh, isagoo xusay in rugta ganacsigu ay heshiisyo la gashay shirkado ganacsi oo ka jira dalka Dubai, kuwaasoo shixnadaha ganacsi xilli waliba keeni kara Kismaayo, halka markii hore ay magaaladu caan ku ahayd badxiran oo ah xilliga ay dabeyluhu ka kacaan badda oo ay istaagi jireen dhaqdhaqaaqyadii dhanka ganacsiga ee dekedda Kismaayo.

Mar aan kaamarada la dhexmarnay suuqyada waaweyn ee ganacsi ee magaalada Kismaayo ayaa waxaan kusoo aragnay dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo baaxad leh oo ka soconaya, iyadoo marka aad suuqa gasho aad dareemeeyso in Kismaayo ay cagta saartay wadadii horumarka.

Waxyaalaha aadka kuu soo jiidanayo marka aad booqato suuqyada ganacsiga Kismaayo waxaa kamid ah, wax soo saarka ay caanka ku yihiin gobollada Jubooyinka sida qudaarta iyo Kalluunka oo aad arkeeyso iyaga oo aad usoo galaya suuqyada Kismaayo.

Akhristeyaasha sharafta leh ee shabakadda Waamo waxaan usoo gudbineeynaa sawirro ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee ka socda Kismaayo, waxaana idinka ballan qaadeeynaa in muuqaallada xiisaha leh ee ku saabsan Kismaayo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka J/hoose in aan idiin soo gudbin doonnno.

DSCF5234 - Copy DSCF5234 DSCF5235 - Copy DSCF5235 DSCF5236 - Copy DSCF5236 DSCF5237 - Copy DSCF5237 DSCF5238 - Copy DSCF5239 - Copy DSCF5239 DSCF5240 - Copy DSCF5240 DSCF5241 - Copy DSCF5241 DSCF5243 DSCF5244 DSCF5245 DSCF5246 DSCF5247 DSCF5248 DSCF5249 DSCF5250 DSCF5251 DSCF5252 DSCF5253 DSCF5254 DSCF5255 DSCF5256 DSCF5257 DSCF5258 DSCF5270 DSCF5272 DSCF5273 DSCF5281 DSCF5282 DSCF5283 DSCF5285 DSCF5286 DSCF5287 DSCF5288 DSCF5289 DSCF5292 DSCF5295 DSCF5297 DSCF5298 DSCF5304 DSCF5306 DSCF5307 DSCF5308 DSCF5311 DSCF5313 DSCF5315 DSCF5330 DSCF5331 DSCF5332 DSCF5333 DSCF5334 DSCF5335 DSCF5336 DSCF5338 DSCF5339 DSCF5342 DSCF5343 DSCF5354 DSCF5355 DSCF5357 DSCF5358 DSCF5359 DSCF5363 DSCF5365 DSCF5457 DSCF5458 DSCF5459 DSCF5460 DSCF5461 DSCF5463 DSCF5466 DSCF5467 DSCF5468 DSCF5470 DSCF5472 DSCF5473 DSCF5475 DSCF5476 DSCF5480 P1150927 P1150933 P1150935 P1150936 P1150937 P1150940

Ismaaciil Cali Cabdi, Waamo News
Ismaaciil84@gmail.com
Kismaayo-Soomaaliya.

1 Response for “Daawo sawiro iyo warbixin: isbadal dhanka ganacsiga oo laga dareemayo Kismaayo”

  1. Waxaan u hambalyeeynaa Waamonews.com , waxaan leeyahay jir oo joog sidaad kheerka noogu bishaareysay Ilaahow adna kuu bishaaree kheer badan. Wallahi aad baan ugu faraxnay quruxda ka muuqato aswaaqda Kismaayo.Ilaahow sidaas noogu wad noona siyaadi, wixii nabadda carqaladeeyana oo quruxdaas noo diidana Allow naga qabo adigaa awood leh.

Leave a Reply