|

Daawo: Ugaadhii Jubaland ka qaxday 1991-ki oo ka soo laabaneysa Kenya

Duurjoogti ka xaqday dalka Somaliya gaar ahaan deegaanada Waamo ee hodanka ku ahaa Duurjoogta , kadib markii 1991-kii uu Somaliya ka bilowday dagaalkii Sokeeye ayaa haatan bilowday inay dib ugu soo laabtaan deegaanka Jubada hoose oo horey ay uga qaxeen.

25-ka sano ee dagaalka Sokeeye socday ayay Ugaadha Jubaland ka gudbeysay Xuduuda Kenya, iyagoo raadsanayay meel xasiloon oo ay kaga badbaadaan Rabshadaha ka socday deegaanka.

Hadaba qaar kamid ah Duurjoogta ayaa bilowday inay dalka Dib ugu soo laabato ,iyadoo degmada Badhaadhe lagu arkay Maroodi iwm . Soo noqoshada duurjoogta ayaa sabab u ah Xasiloonida ka dhalatay deegaanada dowlada Jubaland ay gacanta ku hayso ee Alshabaab laga xoreeyay.

Leave a Reply