|

Heesaha Naarta Jahannama ayaa lagu galaa, Fanaaniintuna waa Ciidanka Shaydhaanka(Daawo oo ka har heesaha intaad nooshahay)

Walaalaha Soomaaliyeed heesaha waa halis weyn oo lagu galo Naarta Jahannama, Waa howlaha Shaydhaanka farax geliya Ilaaheeyna ka Careeysiiya. Qofka heesaha qaada, ka dhageysta iyo kan sii faafiya waxay kamid yahiin Ciidanka Shaydhaanka, Waxay Adeecayaan Shaydhaan, Waxayna ka Careysiinayaan ALLAH RABUL CIZA.

Hadaba Fanaaniinta waa Shayaadhiin inta ay hayaan howlaha Shaydhaanka ay ku raali gelinayaan, Ruuxii dhageysta iyo kii sii faafiya ee facebook,website ama youtube ka geliyana waa lamid oo fidnadii ayay sii faafiyeen. Shaydhaan iyo waxii raacana hooy-gooda waa Naarta Jahanama Allaha naga koriyo inaga iyo intii islaamba.

Hadaba walaalayaal Heesaha aan iska dayno oo aan ilaahey u soo noqono, Bulshada Soomaaliyeed maanta Waxaa rogay heesaha oo meeshii laba qof isugu imaataba lagu heeso, Dhibaatada dalkeena haysata tan ugu weyn ayay kamid tahay, maxaa yeelay dal iyo dibad meel noo fiyoow malaha. Xafladaha maamulada Somaliya aynu ku taageerno dhamaantood heesa iyo fusuq ayaa lagu tumaa, dhamaan dadka ka soo qeyb galayana waa uu saameyni dambigaasi.

 

 

 

 

1 Response for “Heesaha Naarta Jahannama ayaa lagu galaa, Fanaaniintuna waa Ciidanka Shaydhaanka(Daawo oo ka har heesaha intaad nooshahay)”

  1. Somali says:

    masha alaah waamonews jazaakalahu kheyr halkaas kaga haya wanaaga oo dadka la faro wax ka fiican malaha ilahey ba towfiiqda idin waafajiyay masha alaah .

Leave a Reply