Baro Ducooyinka Subaxdi iyo Galabti lagu duceysto
Ducooyinka aadka u wanaagsan ee la doonayo in la akhristo oo lagu duceysto subaxdi iyo Galabti.
Koow Akhri Aayatul Kursi, Sura Al-Ikhlas, Sura An-Nas, Sura Al–Falaq.
أَصْـبَحْنا وَأَصْـبَحَ المُـلْكُ لله وَالحَمدُ لله ، لا إلهَ إلاّ اللّهُ وَحدَهُ لا شَريكَ لهُ، لهُ المُـلكُ ولهُ الحَمْـد، وهُوَ على كلّ شَيءٍ قدير ، رَبِّ أسْـأَلُـكَ خَـيرَ ما في هـذا اليوم وَخَـيرَ ما بَعْـدَه ، وَأَعـوذُ بِكَ مِنْ شَـرِّ هـذا اليوم وَشَرِّ ما بَعْـدَه، رَبِّ أَعـوذُبِكَ مِنَ الْكَسَـلِ وَسـوءِ الْكِـبَر ، رَبِّ أَعـوذُبِكَ مِنْ عَـذابٍ في النّـارِ وَعَـذابٍ في القَـبْر.
“Waan waabariisanay, boqornimaduna wey waabariisatay iyadoo usugan ilaahay, mahad ilaahay ayaa leh, ilaah xaq lagu caabudaana majiro ilaahay mooyee kaligii, cid wax lawadaagtana malaha, wuxuu leeyahaya boqornimada, wuxuuna leeyahayna mahadda, shay kastana wuu karaa, rabbiyow waxaan ku weydiisanayaa (inaad i siiso) khayrka maalintan iyo khayrka kadambeeya, waxaan kaa magangalayaa sharka maalintan iyo sharka kadambeeya, rabbiyow waxaan kaa magangalayaa caajiska, waxaana kaa magan galayaa gabow-xumi, rabbiyow waxaan kaa magan galayaa cadaab naarta dhexdeeda ah iyo cadaab qabriga dhexdiisa ah”
اللّهُـمَّ بِكَ أَصْـبَحْنا وَبِكَ أَمْسَـينا ، وَبِكَ نَحْـيا وَبِكَ نَمُـوتُ وَإِلَـيْكَ النُّـشُور
“Allow sababtaada ayaan ku waabariisanay, sababtaadaana ku galabaysanay, sababtaadaana ku noolnahay sababtaadaana ku dhimanaynaa, xagaaguuna ahaaday soobixitaanku”
اللّهـمَّ أَنْتَ رَبِّـي لا إلهَ إلاّ أَنْتَ ، خَلَقْتَنـي وَأَنا عَبْـدُك ، وَأَنا عَلـى عَهْـدِكَ وَوَعْـدِكَ ما اسْتَـطَعْـت ، أَعـوذُبِكَ مِنْ شَـرِّ ما صَنَـعْت ، أَبـوءُ لَـكَ بِنِعْـمَتِـكَ عَلَـيَّ وَأَبـوءُ بِذَنْـبي فَاغْفـِرْ لي فَإِنَّـهُ لا يَغْـفِرُ الذُّنـوبَ إِلاّ أَنْتَ
«Allow adigu waxaa tahay rabbigay, ilaah majiro adiga mooyee, adigaa i abuuray, aniguna waxaan ahay adoonkaaga, waxaana ku suganahay balankaagii iyo yaboohaagii intaan awooday, waxaan kaa magangalayaa sharka aan sameeyay,waan kuu qirayaa nicmada aad ii nicmaysay,waana qirayaa danbigayga,ee ii dambi dhaaf, ma dhaafo dambiyada adiga mooyee». ducadan waa duco aad u weyn, qofka yiraahdana isagoo yaqiinsan kadibna dhinta isla habeenkiisaas, janno unbuu horay ka gali..
اللّهُـمَّ إِنِّـي أَصْبَـحْتُ أَشْـهِدُك ، وَأُشْـهِدُ حَمَلَـةَ عَـرْشِـك ، وَمَلائِكَتِك ، وَجَمـيعَ خَلْـقِك ، أَنَّـكَ أَنْـتَ اللهُ لا إلهَ إلاّ أَنْـتَ وَحْـدَكَ لا شَريكَ لَـك ، وَأَنَّ ُ مُحَمّـداً عَبْـدُكَ وَرَسـولُـك .(أربع مرات )
“Allow aniga waagaa iibaryey anigoo ku marag galinaya, makhraatigalinayana xambaarayaasha carshigaaga, iyo malaa-igtaada iyo dhamaan uunkaaga inaad tahay adigu ilaahay. ilaah majiro adiga mooyee kaligaa, malihid wadaage, nabi muxammadna waa adoonkaagii iyo ergaygaagii”
اللّهُـمَّ ما أَصْبَـَحَ بي مِـنْ نِعْـمَةٍ أَو بِأَحَـدٍ مِـنْ خَلْـقِك ، فَمِـنْكَ وَحْـدَكَ لا شريكَ لَـك ، فَلَـكَ الْحَمْـدُ وَلَـكَ الشُّكْـر
“Allow waxa aan ku waabariistay oo nimco ah, ama uu ku waa bariistay qof kale oo uunkaaga kamid ah, adiga xagaaga ayuu kasugnaaday kaligaa, cid wax kula wadaagtana ma lihid, allow waxaa kuu sugnaaday mahad iyo shukri”.
اللّهُـمَّ عافِـني في بَدَنـي ، اللّهُـمَّ عافِـني في سَمْـعي ، اللّهُـمَّ عافِـني في بَصَـري ، لا إلهَ إلاّ أَنْـتَ . (ثلاثاً)
اللّهُـمَّ إِنّـي أَعـوذُبِكَ مِنَ الْكُـفر ، وَالفَـقْر ، وَأَعـوذُبِكَ مِنْ عَذابِ القَـبْر ، لا إلهَ إلاّ أَنْـتَ . (ثلاثاً)
”Allow ii caafi jidhkayga, allow ii caafi maqalkayga, allow ii caafi aragayga, ilaah majiro adiga mooyee, allow anigu waxaan kaa magan galayaa gaalnimo, waxaana kaa magan galayaa saboolnimo, waxaana kaa magan galayaa cadaabka qabriga, ilaah majiro xaq lagu caabudaa adiga mooyee ,,.
حَسْبِـيَ اللّهُ لا إلهَ إلاّ هُوَ عَلَـيهِ تَوَكَّـلتُ وَهُوَ رَبُّ العَرْشِ العَظـيم . ( سبع مَرّات حينَ يصْبِح وَيمسي) [أبو داود موقوفاً
Qofka dhaha totoba jeer ducadan,subaxdii iyo galabkii, ilaahay ayaa ka kaafinaya wax kasta oo murugo galiya aduun iyo aakharaba.
“waxaa igu filan ilaahay, ilaah majiro xaq lagu caabudo isaga mooyee, isagaana tala saartay, isaguna waa rabbiga carshiga weyn…
اللّهُـمَّ إِنِّـي أسْـأَلُـكَ العَـفْوَ وَالعـافِـيةَ في الدُّنْـيا وَالآخِـرَة ، اللّهُـمَّ إِنِّـي أسْـأَلُـكَ العَـفْوَ وَالعـافِـيةَ في ديني وَدُنْـيايَ وَأهْـلي وَمالـي ، اللّهُـمَّ اسْتُـرْ عـوْراتي وَآمِـنْ رَوْعاتـي ، اللّهُـمَّ احْفَظْـني مِن بَـينِ يَدَيَّ وَمِن خَلْفـي وَعَن يَمـيني وَعَن شِمـالي ، وَمِن فَوْقـي ، وَأَعـوذُ بِعَظَمَـتِكَ أَن أُغْـتالَ مِن تَحْتـي
“Allow waxaan ku weydiisanayaa cafis, iyo caafimaadqab, aakhiro iyo aduunba, allow waxaan ku weydiisanayaa cafis iyo caafimaad diintayda dhexdeeda iyo aduuyadayda iyo ehelkayga iyo maalkaygaba, allow astur cawrooyinkayga, cabsiyadaydana iigu amaan, allow iga ilaali hortayda iyo gadaashayda iyo midigtayda iyo bidixdayda, iyo korkayga, allow weynaantaada ayaan u magan galayaa in hoostaydana la iga shirqoolo”
اللّهُـمَّ عالِـمَ الغَـيْبِ وَالشّـهادَةِ فاطِـرَ السّماواتِ وَالأرْضِ رَبَّ كـلِّ شَـيءٍ وَمَليـكَه ، أَشْهَـدُ أَنْ لا إِلـهَ إِلاّ أَنْت ، أَعـوذُ بِكَ مِن شَـرِّ نَفْسـي وَمِن شَـرِّ الشَّيْـطانِ وَشِـرْكِه ، وَأَنْ أَقْتَـرِفَ عَلـى نَفْسـي سوءاً أَوْ أَجُـرَّهُ إِلـى مُسْـلِم.
“Allow allihii waxa maqan iyo waxa joogaba(la arko) ogaayow, cirka iyo dhulkana rabbigii abuurayow, rabbigii shaykasta lahaayow, waxaan qirayaa in uusan jirin ilaah xaq lagu caabudo adiga mooyee, waxaan kaaga magan galayaa sharka naftayda, iyo sharka shaydaanka iyo shirkigiisa ama dabinkiisa, waxaan kaloo kaa magan galayaa in aan naftayda xumaan u soo jiido, ama qof muslin ah u soo jiido xumaan”..
بِسـمِ اللهِ الذي لا يَضُـرُّ مَعَ اسمِـهِ شَيءٌ في الأرْضِ وَلا في السّمـاءِ وَهـوَ السّمـيعُ العَلـيم . (ثلاثاً)
“Magaca ilaahay ayaan ku billaabayaa, magacaasoo uusan dhibin lajirkiisa wax ku sugan dhulka iyo cirka, allena waa maqal badane cilmi badane ah”.
رَضيـتُ بِاللهِ رَبَّـاً وَبِالإسْلامِ ديـناً وَبِمُحَـمَّدٍ صلى الله عليه وسلم نَبِيّـاً . (ثلاثاً)
“waxaan raali uga ahay ilaahay rabbinimo, islaamkana diinimo,muxammadna s.c.w nabinimo”.
يا حَـيُّ يا قَيّـومُ بِـرَحْمَـتِكِ أَسْتَـغـيث ، أَصْلِـحْ لي شَـأْنـي كُلَّـه ، وَلا تَكِلـني إِلى نَفْـسي طَـرْفَةَ عَـين
“Allihii noolaayow, allihii qayyuumka ahaayow(allihii qabanayay dhamaan arimaha koonka), naxariistaada darteeda ayaan gurmad ku dalbayaa,wanaaji arinkayga dhamaantiis, hana igu dhawrin naftayda ilbiriqsi”.
أَصْبَـحْـنا وَأَصْبَـحْ المُـلكُ للهِ رَبِّ العـالَمـين ، اللّهُـمَّ إِنِّـي أسْـأَلُـكَ خَـيْرَ هـذا الـيَوْم ، فَـتْحَهُ ، وَنَصْـرَهُ ، وَنـورَهُ وَبَـرَكَتَـهُ ، وَهُـداهُ ، وَأَعـوذُ بِـكَ مِـنْ شَـرِّ ما فـيهِ وَشَـرِّ ما بَعْـدَه .
“Waan waa bariisanay, boqornimaduna wey waa bariisatay iyadoo u usugan ilaahaygii caalamiinta rabigooda ahaa, allow waxaan ku weydiisanayaa khayrka maalintan,fatxigeeda( furashadeeda), iyo gargaarkeeda, iyo nuurkeeda iyo barakadeeda iyo hanuunkeeda, waxaana kaa magan galayaa sharka ku sugan dhexdeeda iyo sharka ka dambeeyaba”.
أصبحنا على فطرة الإسلام وعلى كلمة الإخلاص وعلى دين نبينا محمد وعلى ملة أبينا إبراهيم حنيفاً مسلماً وما كان من المشركين.
Asbaxnaa calaa fidratil islaami, wa calaa kalimatil ikhlaasi wa calaa diini nabiyinaa muxamadin s.c.w wa calaa millati abiinaa ibraahiima xaniifan musliman wa maa kaana minal-mushrikiin).
“waxaan ku waa bariisanay fidrada(diinta) islaamka, iyo kalmada runta ah, iyo diinta nabigeena muxammad s.c.w iyo diinta aabaheen ibraahiim ee ahaa mid ka iishay diimaha(gaalada) oo dhan, muslimna ahaa, kamana mid ahayn mushrikiinta(gaalada)”.
سُبْحـانَ اللهِ وَبِحَمْـدِهِ . (مائة مرة
Subxaanallaahi wa bixamdihi) 100 jeer
لا إلهَ إلاّ اللّهُ وحْـدَهُ لا شَـريكَ لهُ، لهُ المُـلْكُ ولهُ الحَمْـد، وهُوَ على كُلّ شَيءٍ قَدير . (مائة مرة)
< ilaah majiro xaq lagu caabudo alle mooyee kaligii, ma laha cid wax la wadaagtaa, wuxuu leeyahay boqornimo, wuxuuna leeyahay mahadda, wax walbana wuu awoodaa >.
سُبْحـانَ اللهِ وَبِحَمْـدِهِ عَدَدَ خَلْـقِه ، وَرِضـا نَفْسِـه ، وَزِنَـةَ عَـرْشِـه ، وَمِـدادَ كَلِمـاتِـه . (ثلاثاً)
“Waxaa xumaan ka hufan oo mahad leh ilaahay, inta aytahay tirada uunkiisa, iyo raalinimada naftiisa, iyo miisaanka(culayska) carshigiisa, iyo anqaasta ama khadka erayadiisa”.
اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ عِلْمًا نَافِعًا وَرِزْقًا طَيِّبًا وَعَمَلا مُتَقَبَّلا
“Allow waxaan ku weydiisanayaa cilmi wax anfaca, iyo irsiq wanaagsan oo xalaal ah, iyo camal suuban oo la aqbalo,” (waxaa la dhahaa subaxdii).
“أستغفر الله وأتوب إليه ” (مائة مرة في اليوم
“ilaahay ayaan dambi dhaaf weydiisanayaa ,una toobad keenayaa”
(boqol jeer maalinta dhexdeeda)
Maa shaaAllah, Illaaahay ha Kaa abaal mariyo. Halkaa kasiiwad.