|

Maqaal: Dalkeena Soomaaliya in loo soo haajiro ayay aheyd ma aheyn in laga haajiro (Daawo Barwaaqada Somaliya)

barwaaqo-somaliyaSoomaalidu ilaaheey waxuu siiyay nimcada aduunka tii ugu sareeysay ee uu
adoomadiisa ku maneysto. Dalka Soomaaliya waa dal hodan dhan kasta ka
ah, Waa dal ugu xeebta dheer Afrika, Raaskaambooni, Raas caaseyr ilaa
Lowya Cade. Waadal bada ku daraf ilaa daraf bada isgaarsiisantahay,
dhanka kalena ilaahey ku maneystay Barri Barwaaqo sooran ah oo macdanta
dhex ceegaagi.

 

Dalka Somaliya waxaa mara laba wabi ,Juba iyo Shabeele iyo waliba wabiga
dawo ee daraf ka mara. Dalka Soomaaliya waxuu leehayay hawa macaan oo
dabiici ah ,kuleyl iyo qaboob midna aheyn inta badan. Sidoo kale Soomaalida
nimcooyinka uu Allah ugu deeqay waxaa kamid ah in ay yihiin dad isku dad
iyo Af ah isla Markaasina isku diin ah ,100% Soomaalida waa muslimiin
sunniyiin ah, Inkastoo haatan fidnada ay badatay oo wax kasta la filan karo.

wabi-2

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ugu xoolaha badan ee sida weyn
looga dhaqto duunyada noocay doontaba ha ahaatee, Geela, Looda iyo Ariga
intuba. Dalka Soomaaliya tin iyo cirif waa wada dhul beereed haba kala
biyo badnaadee. Waa dal ay nimcadu is dulsaarantahay macdantuna ay dhex
ceegaagi.

Nimcada intaasi la eg meeshii lagu shugrini lahaa ayay Soomaali ilaahey
ku caasiday, kadibna waxaa ka dhashay Halaaga dhacay.

Dhulka Barwaaqada intaasi la eg leh ayaa hadana dadkiisa yahiin qaxooti
aduunka meel kasta oo ay ka joogaanba ku dulman isla Markaasina aan wax
sharaf iyo karaamo toona laheyn. Dhalinti Soomaaliyeed waxay noqdeen
mid Tahriib ku dhintay iyo mid ku jiro Xabsiyada Aduunka oo dhan 5
qaaradood.

Bal dad nimacadaasi haysto miyay u baahan yihiin inay Tahriibaan oo ay
tuugsadaan dalal shisheeye?

Dadka qurbaha u Haajiray, Tusaale ,sida Amerika iyo yurub waxay noqdeen,
kuwa nolosha ka dhacay, kuwa nolosha ka jaha wareertay, kuwa dhaqanki
iyo diinti la luntay, Kuwa gaaloobay, kuwa xabsiyada ku jira, Kuwa
murugo ku nool oo caruurtoodii gacantooda ka baxday iyo kuwa isku buuqsan.

Kheyraadka Bada soomaaliya keliya ayaa ku filnaan laheyd in qoys kasta
oo soomaali ah uu ku noolaado dabaqada ugu sareyso nolosha Aduunka hadii
laga faa’iideysan lahaa. Barigana kaba sii daran. Isma laha, baaxada

dhulka Ilaahey na siiyay iyo tirade Bulshada Soomaaliyeed een koreynin
inay sii baabado mooyee.

Ma jirto cidd ka faa’iideysaneysa kheyraadka dhulka Soomaaliyeed ilaahey
ku maneystay bad iyo beriba. Taas bedalkeeda Soomaali waxay door bideen
Tahriib , Gaajo iyo Baa’ba. Hawa fireesh ah, Qudaar fireesh ah, Hiilib
iyo Caano fireesh ah, guri iyo dhul waasac ah oo uu qofka ku raaxeysto
,Ilaahiisana ku caabudo waxay taalaa dalka Soomaaliya. Qurbahana dadka
waxay ku cadiban yihiin qol laba mitir ah , wax kasta oo ay cunaana waa
cunno bacrimin ah oo kiimiko ka buuxdo, dhaqan iyo diin fara uguma
jiraan, caafimaad daro u sii dheertahay oo jawigaas qaboow xanuuno ayay
ka qaadeen ileen waxay ka yimaadeen wadamo kulule.

Soomaaliyeey sidan isku dhaama oo dhulkiina barwaaqo ahe ku soo laabta.
qof kasta dalkiisa iyo gurigiisa ayuu sharaf iyo karaamo ku leeyahay.
Ruux kasta oo Soomaaliya waxuu awoodaa inn uu sameysto guri iyo beer iyo
waliba xoola nool oo u daaqo .

geela1LOOD11A..1A (1)

Ugu dambeyn Nimcada dalka Somaliya ma in laga haajiraa mise waa in loo
soo haajiro.

Cali Yare

Waamonews.com

Leave a Reply