|

Sadiq Khan oo khudbad Taariikhi ah Jeediyay kadib Guushii uu ka Gaaray doorashada duqa Magaalada London

Sadiq Khan ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee Muslim ah oo ku guuleysta duqa Magaalada London. Shacab weynaha reer London ayaa aad u soo dhaweeyay uguna farxay Guusha Sadiq Khan iyo Xisbigiisa Labour ka inay dib usoo celiyaan kursiga duqa magaalada London .

Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan London iyo guud ahaan hay’adaha waxbarashada iyo Caafimaadka ayaa iyaguna dhankooda farxadaasi si kal iyo laaba u soo dhaweeyay maadaama xisbigi horey lagu eedeeyay in ay Magaalada London oo ah muraayada UK ay adkeeyeen waxyaabo badan oo dhanka nolosha aas aasiga ahaa.

Sida laga soo xigtay hay’adaha doorashooyinka, wax kale iska daayee, Taksiilayaasha Black cab ka ayaa lagu soo waramayaa in 25 kun oo kamid ah ay u codeeyeen Xisbiga Labour -ka ee Sadiq Khan, maadaama shaqo yari baahsan ay soo food saartay intuu xisbiga┬áconservative maamulayay London.

Sadiq Khaan waxuu dhashay 1970,da’diisu waa 45 jir, waxuuna ka soo jeedaa dalka Pakistan, waa garyaqaan ka baxay kuuliyada Sharciyada , waxuuna ka tirsan yahay xisbiga shaqaalaha ee Labour party.

Reer┬áLondon ayaa aad uga dhursugayaa in Sadiq Khan uu dib u saxo dhamaan waxyaabahii laga tabanayay xisbigii horey uga talinayay London oo ka kow yihiin hay’adaha waxbarashada sida Iskoolada iyo Jaamacadaha iyo waliba Caafimaadka.

Ugu dambeyn hambalyo ayaan leenahay xisbiga Labour ka iyo Mudane Sadiq Khan.

Waamonews.com

 

 

 

3 Responses for “Sadiq Khan oo khudbad Taariikhi ah Jeediyay kadib Guushii uu ka Gaaray doorashada duqa Magaalada London”

  1. Ali Zubeer says:

    Ali Zubeer says:
    May 7, 2016 at 7:17 am

    Step forward

    However, building 80k cheap housing unit and making traveling cost more affordable, I doubt he can offer anything new.

    But amid Islamophobia environment in west might help a lot of weary British/western citizens to read Islam carefully with open minded.

    Viva Somaliwayn
    Down all Somali traitors

  2. hassan hussein says:

    ali zubeer jubaland anaa iska le

  3. Ali Zubeer says:

    Hassan Hussein

    kkkkkkk…….haddaad leedahay Jubbaland sidayda oo kale badheedhahaada u caddayso

Leave a Reply