|

Dhoobley waa Nabad Gelyo Balaayana kama jirto(Dagaal Haawina Ka dhacay)

Magaalada Dhoobley waa nabad iyo Barwaaqo wax dhib ah oo ka jiro ama ka dhacay malaha Sida ay faafiyeen warbaahinta Qaarkeed.Gudoomiyaha degmada Dhoobley Siyaad Maxamed Xasan Uleex  ayaa waamonews u xaqiijiyay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka Saxaafada faafisay ee sheegaya in Maagaalada Alshabaab weerareen oo dagaal ka socdo gudaha Magaalada.

Alshabaab waxay maanta dhexda u galeen Ciidamo kuwa AMISOM iyo Jubaland ah oo koloonyo ahaa, iyagoo maraya deegaanka Haawina. Dagaaal ayaa halkaasi ka dhacay , walina lagama waryaho Khasaaraha ka dhashay.

Magaalada Dhoobley ayaa kamid ah Goobaha ugu amaanka Badan Guud ahaan Dalka Somaliya, iyadoo amaanka Magaalada uu yahay 100%. Warbaahinta qaar ayaa mararka qaar faafiya warar ku tiro ku teen ah oo Colaad u badan.

Isku soo duuboo Dhoobley waa nabad dagaal ka dhacay malaha ilaaheey ha ugu wado nabada, intaan haysanina alaha siiyo .

1 Response for “Dhoobley waa Nabad Gelyo Balaayana kama jirto(Dagaal Haawina Ka dhacay)”

  1. Ali Zubeer says:

    Waar Midkani garannay dee muxuu ahaa kii shalay ka dhex dhacay ciidamada Jubbaland ee Dhobley.

    Allow Alle

    Jubbaland anigaa iska leh

Leave a Reply