|

Dhobley: Tuulada Guraa Arbaa oo laga soo Sheegayo Abaaro ba’an iyo Macluul ,Qaaylo dhaan ku socoto Hay’adaha Samafalka iyo Maamulka Dhoobley.

gurTuulada Guraa Arbaa oo kamida Tuulooyinka Hoos yimaado Degmada Dhoobley ayaa waxaa laga soo sheegayaa Abaaro ba’an iyo Macaluul aad u daran oo soo foodsaartay dadka ku dhaqan Tuulada Guraa Arbaa.Dadka ku dhaqan Tuuladaasi, ma haystaan dhamaan waxyaabahii Nolosha Aasaaska u ahaa, Sida, Biyaha ,Cunada iyo Caafimaadka intuba. Waxaa gabi’haanba abaarahii ay la leefeen neefafkii xoolaha ahaa ee ay ku maareeynayeen noloshooda.

Ma jirto wax Samafal ah ama garaar bini’aadanimo oo la gaarsiiyay Tuuladaasi . Dadka deegaanka ayaa waxaay baaq u dirayaan Hay’adaha Gargaarka ee Fadhigoodu yahay Degmada Dhoobley iyo Maamulka degmadaasi gaar ahaan Gudoomiyaha Dhoobley iyo Madaxa Hay’adaha gargaarka ee Dhoobley in ay gurmad deg deg ah ay la gaaraan degadka Macaluusha ugu dhamaanaya Tuulada Guraa Arbaa.

Waxaa Xusid mudan in deegaanka uu yahay mid Amaan ah oo ina wax ka hor taagan uusan jirin tegitaanka Tuuladaasi Hay’adaha Samafalka, maxaa yeelay waxay tagaan Tuulooyin ka fog fog Guraa Arbaa sida ay sheegeen dadka Deegaanka.

Isku soo duuboo Hay’adaha tirada badan ee ku sugan Degmada Dhoobley waxaa loogu baaqayaa in ay Gargaar u fidiyaan dadka Masaakiinta ah ee ¬†Macaluusha la dhamaanaya. Inta badan Hay’adaha waxay noqdeen kuwa dana qaasa u adeega oo inta meel banaan Teendha laga suro Lagu musuq maasuqo Gargaarka loogu talo galay dadka Tabaaleysan.

Maamulka Jubaland mas’uuliyad ayaa ka saaran Umadaaasi Macaluusha la dhamaaneysa, waana in talaabo laga qaadaa Musuq Maasuqa hay’adaha Samafalka ka wadaan deegaanka ama sida qaldan loo Adeegsanayo. Umada hadaay dhibaato la soo deristo halka ay ma ciinsaneyso Ilaah mooyee waa dadka Maamulka u hayo ee Masuulka ka ah. Ogaada in maalinta yoomal qiyaamo ilaaheey la xisaab tami doono cid kasta oo Masuuliyad umadeed qaada hadana, aan u Cadaalad falin, ama ka soo bixin Masuuliyadeeda. Cadaalada waa furaha liibaanta aduun iyo Aqiraba.

Waxaan ilaaheey u weydiineynaa dhamaan umada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in uu dhibaatada ka dulqaado oo naxariistiisa ugu deeqo.

Waamonews.com

1 Response for “Dhobley: Tuulada Guraa Arbaa oo laga soo Sheegayo Abaaro ba’an iyo Macluul ,Qaaylo dhaan ku socoto Hay’adaha Samafalka iyo Maamulka Dhoobley.”

  1. Ali Zubeer says:

    Waa yaab. Daabiyaddan iyo meelaha la mid ah inay sidaa u baaba
    aan waxaa ka masuul ah

    * Maamul uu hadheeyay musuqmaasuq iyo dabamaryo

    * Maamulka degmada oo shaqa ka dhigtay dareen yari iyo daba orod hayadaha.

    * Iyo cid waar ka daaya yidhaa oo aanan jirin.

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

Leave a Reply