|

Socdaalkii London Illaa Mareerey qaybtii 5

Galabnimo 08 Jun 2010 ayaa ii suurta gashay inaan  socdaal ku aado jaziiradaha gobolka jubbada hoose, iyo dhulka jooray loo yaqaan, gaar ahaan bus-busle, iyo sadex-lugood oo hoos-taga degmada badhaadhe.

 

Sida aad wada og-tihiin qayraadka dabiiciga ah waxay u kala baxaan laba qaybood.

 

Qaybta hore waxa la isugu geeyaa khayraadka asalkooda ka soo jeedo waxa nool, sida xayawaanka iyo dhirta.

 

Qaybta labaadna waxay u taagan tahay khayraadka aan wax nool ka soo jeedin sida, dhulka, biyaha iyo macdanta.

 

Ujeedadii aan u tagey jaziiradaha waxay aheyd sahan iyo u kuurgal xaaladaha dhabta ah ee ka jira.

 

Hadaba marka kismaayo la joogo oo aad doonaysid in aad aado bus-busle iyo sadex-lugood, waxaad mari kartaa dhowr wado.

 

·        waxaad magaalada kismaayo ka raaci kartaa dooni.

 

·        Waxaad mari kartaa dhanka dhulka waa xiliga aysan jirin roobab oo wadadu aysan ku soo rogmanin laagag biyo wado.

 

 

Somaaliya waxay ka mid tahay dalalka aduunka ugu xeebta dheer, waxaana dhererka xeebta soomaaliya lagu qiyaasayaa 3300 oo Km marka aan lagu darin jasiiradaha.

 

Xaga kheyraadka bada iyo jaziirada ka tirsan gobalada jubbooyinka ayaan ku eegayaa qaybaha soo socda.

 

Waxaan sawir-yar ka bixinayaa dal, Bad iyo Berri dihin oo aan cidi lahayn.

 

Jaziiradahan ayaa la deganaa in ka badan shan qarni waxayna ka mid yihiin meelaha ay ka soo baxday xadaaradaha aduunka.

 

Waxaad ku arkaysaa masaajido qadiim ah, oo la dhisay waqti hore.

Jaziirada waxa ay leeyihiin xeebo aad u fiican oo ay dadka ku nool jaziiradaha u dabaal tagaan.

 

Masaafada ay isu jiraan (Km) kismaayo iyo koyama 40 , koyama iyo Ngumi waa labaatan (20), ngumi iyo chula 20, chula iyo buri kavo waxay isu jiraan 25.

 

Qiyaasaha jaziiradaha dhul ahaan inta ay la egtahay koyama waa 7.5 sq.kms, Chovae 6.5, Chula 5, Ngumi 4.5.  

 

Koyama waa ilaa sadex xaafadood, waxaana ka dhisan dhowr boqol oo dhismo, waxaa ku nool ilaa 331 qoys, tirada guud dadka jaziiradan ku nool waxay dhan yihiin 1,705 qof .

 

Chove, waa ilaa labo xaafadood waxaa ka dhisan ilaa laba boqol oo dhismo.  waxaa ku nool ilaa 120 qoys, tirada guud dadka jaziiradan ku nool waxay dhan yihiin 600 qof .

Istanbuli waxaa ka dhisan ilaa lixdan dhismo, waxaa ku nool ilaa 70 qoys, tirada guud dadka jaziiradan ku nool waxay dhan yihiin 300 qof .  

mdova, waxaa ka dhisan ilaa dhowr boqol dhismo. waxaa ku nool ilaa 1,000 qoys, tirada guud dadka jaziiradan ku nool waxay dhan yihiin 5,000 qof .

 

Kudai waxaa ka dhisan qiyaastii ilaa 200 oo dhismo. waxaa ku nool ilaa 390 qoys, tirada guud dadka jaziiradan ku nool waxay dhan yihiin 1,950 qof .

 

Galabnimo 08 Jun 2010 waxaan ka raacay magaalada kismaayo gaadhi caasi waxaan sii maray kooyaamo (Koyama), halkaas oo laga sameeyay tuulo waxaan uga sii gudubnay jaamac-caraale., qiyaastii kismaayo iyo jaamac caraale waa (65-70 km).

 

Habeenimo ayaan jaamac-caraale ka raacnay mooto iskaafo nooca Volvo ah, xili ay badu kacsan tahay, waxaan sii maray jawaay ama Javay (Chovaye), Istanbul.

 

Waxaan galnay khatar, naakhuudaha oo lagu macaabo ruush ahna ninka ugu xeeldheer bada deegaankaas wuxuu ii sheegay inta uu badan ka shaqeeynayey inuusan arag qatartan oo kale.

 

 Waxayna nagu kaliftay inaan habeenkii seexanay jasiirad bada ku taalo lana yiraahdo gambalyuu (Gabalyub), halkaas oo uu kulahaa masuul ka tirsanaan jiray dawladii soomaaliya ah meel aargoosatada lagu keydiyo.

 

Waxaan ka soo shiraacanay subaxnimadii waxaan sii maray, juulaay ama Jula, (Chula), iyo madhawo ama Madoe  (Ndoa).

Waxaanu kaga degnay kudhaa (Kudai) oo ah tuulo xeebta ku taala kana tirsan degmada badhaadhe.

 

Marka aad joogto kudhaa waxaa afartan kilometer (40km) kuu jirtaa sedex lugood iyo busbusle waa halka quuriga baddu soo galo.

 

Meesha uu khuurigaas ku egyahay waxaad uga sii gudbeeysaa dhulka loo yaqaano hoolaa wajeer ama badmadow.

 

Hadaadse doonida kaga degto buurgaabo, waa halka uu khuuriga baddu ka soo bilaabmo, halka khuuriga ku dhamaado iyo badhaadhe, ma hubo laakiin qiyaastii waxay isu jiraan ilaa 40 km ama wax ka yar.

 

Waana dhulka soomaaliya ugu wanaagsan xaga beeraha, xiligii dawladii siyaad bare kaalinta kowaad ayey ka gashey degmada badhaadhe soomaaliya.

 

Hadaba akhristoow socdaalkeeyga wuxuu ku jihaaysnaa sadex-lugood iyo bus-busle oo hoos yimaada  buurgaabo ilaa raaskaaanbooni inkastoo aan tagin labada meelood, waxaan ka soo noqday kudhaa sababo jiray awgeed.

 

Labada meelood ee aan kor ku xusay waxaa la ii sheegay in soomaali badan oo ka soo hayaamay gobolada shabeelooyinka  iyo baajuun ka timid Kenya ay isku fidiyeen dhulka bariga ah iyagoo ka sameeystay beero.

 

Tusaale ahaan buurgaabo waxaa ka soo dhambalma khuuri (gacan) kaas oo bariga soo galo, labada deg ee khuuriga ayaa laga sameeystay beeraha.

 

Hadaba degtan soke ee khuuriga waxaa ku yaala tuulada sadex-lugood iyo busbusle, waana marka la soo aado dhanka badhaadhe.

 

Degta kale ee khuuriga waa marka loo socdo raaskaambooni, laga soo bilaabo buurgaabo waxaa beero ka sameeystay dad ka soo jeeda shabeelooyinka iyo baajuuntaas.

 

Tuulooyinkaas aan kor ku soo xusay waxaa laga jaraa dhirta dhuxusha laga shido.

 

Xaalka reer jubbooyinka waa (reer ba’ow yaa ku leh).

 

Waxaaba ka siidaran xaalufinta dhirta oo ka xanuun badan, waxa loo nabaad guurinayo oo ah wadamada carabta, oo dhirteenii u baaba’day in guryahooda, uunsi udgoon loogu shido.

 

Dadka reer waamo waxay ku balameen inay iska ugaarsadaan, haday helaan, goodir, ama lo’gisi iyo mid iska qada.

 

Jaziiradaha iyo xeebaha dhaadheer ee aan soo maray waxaa u badnaa oo deganaa dadka loo yaqaano baajuunta oo ah kaluumaysate.

 

Waa dad degaan ah oo aan guurguurin, jacel shaqadda, kuna mashquulsan wax soo saarka kheyraadka badda.

 

Ujeedadada aan u tagay  waxa ay ahayd in aan u kuurgal xaaladaha dhabta ah ee jaziiradahan iyo inaan ku dalxiiso xeebta aadka u fiican ee buurgaabo iyo quruxda quuriga sadex-lugood iyo bushbushle oo aheyd halka aan ku wajahnaa.

 

Halkaasi oo ay inta badan dadka ku nool jubbooyinka aysan ka faa’iideysan ama aysan u dabaal tagin waqtiyadada fasaxooda.

 

Xeebha ay jaziiradahan ku yaalaan oo ay ka dhacayso neecaw qabow oo uu jeclaysanaayo jidhkaagu, waana goob aad ugu fiican dalxiiska  iyo nasashada.

 

Waxa aad ilaabaysaa marka aad tagto xeebta  jaziiradahan dhamaan wixii wer-wer aduunyo ee kugu jiray oo dhan waxanad noqonaysaa qof dareemay in uu yimi deegaan kale.

 

Xeebahan  jaziiradaha waxay leeyihiin dhir badan oo aad hadhsan karto, oo aad ku sugi karto inta ay kala degayso mawjadaha badda.

 

Waxaan dhihi karaa mustaqbalka waa jaziiradaha aduunka ugu quruxda badan ee loo soo dalxistago, hadii loo helo maamul wanaagsan.

 

Sida aad ula socotaan badda waa hooyo oo laguma ag gaajoodo, waxaadse la yaabeeysaa dhaqanka baajuunta, qoka markuu todobaad shaqeeyo ee uu helo xoogaa kuus lacag ah, shaqada wuu joojinayaa ilaa uu ka dhameeynayo lacagtaas.

 

Lacagtaas waxaa uu faraha ka galinayaa haweeneyda ay wada joogaan (xaaskiisa) iyadana inta badan waxay ku soo gadeeysaa raashin.

 

Raashinkaasi muddo ayaa reerka iyo dadka dariska ah ee markaasi aan wax haysanin wada cunayaan.

 

Marka ay lacagtii dhamaato, ayuu hadana badii soo aadayaa oo shaqadii kaluunka dib u bilaabayaa.

 

Nolasha baajuunta waxay ku xiran tahay badda, waxay leeyihiin doomo yar-yar oo ay kaluunka ku jilaabtaan.

 

Ganacsigoodu wuxuu ku tiirsan yahay kheyraadka bada, sida kaluunka, libaax badeedka iyo aargoostada.

 

Waxay u iib geeyaan wadanka keenya, oo ay xaduud la leeyihiin, inta badan ganacsato reer keenya ah ayaa si sharci daro ah ugu soo talaabo jaziiradahan ka tirsan wadanka soomaaliya.

 

Iyagoo qiimo jaban kaga iibsada kaluunka dadka ku nool jaziiradaha.

Gobolka jubbada hoose wuxuu leeyahay jaziirado iyo xeebo aad u dhaadheer oo u baahan in laga faa’iidaysto kheyraadka ku jira badda.

 

Waxaa xeebtaas dhex ceegaaga khayraad badan ayna ka mid yihiin macdan kala duwan, sida aargoostada, libaax badeedka iyo kalluun aad u badan oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ka caagan yihiin waxtarkiisa.

 

Waxaad arkaysaa kaluunkii inta uu baddii ka batay xeebta cararaya wax haba yarate qorsha ahna looma sameyn waana dhaqaalaha aduunka ugu badan ee dawladkastaba ku xisaabtanto kheyraadka baddooda.

 

Inkasta oo maalmahan dambe ay duruuftu ku khasabtay in ay quutaan qaar ka mid khayraadka badda.

 

Waxaana ka faa´iidaysta dalal shisheeye oo dhac iyo boob ku haya isla markaasna ka ganacsada iyagoo aan wax ruqsad ah u heysan.

 

Waxaad ku arkaysaa jaziiradahaas, dooman yar-yar oo laga leeyahay, wadanka Kenya, oo ka kaluumaysanayo.

 

Dhinaca dalxiiska dhulka la siman ee xeebta ayaa isagu ah bannaano.

 

Waxaana si fiican ugu dhaqma xoolaha nugulka iyo geelaba , iyadoo xilligan ay barwaaqo ka jirto degaankaas ayaa waxa jaziiradaha soo gala caano iyo subag aad u fara badan.

 

Jaziiradaha waxay leeyihiin xeebo aad u qurux badan oo ku haboon in lagu raaxaysto xiliyada loo baxo fasax.

 

Ayada oo ay jiraan xeebo badan oo qurux badan oo ku kala yaal wadamo badan ayaa hadan waxaa la dhihi karaa kuwan in ay yihiin kuwa ugu quruxda badan.

 

Hadaba akhirstoow, siday soomaalidii hore u tiri nin aan dhul marin dhaayo la’ ayaa waxa jira meelo qurux badan oo ka mid ah dhulkeena oo aad u qurux badan.

 

Sida xeebaha jaziiradah jubbooyinka iyo meelo kale oo badan. Ee hadii aad fursad u heshid u dalxiis tag oo ha moogaan.

 

Labo cisho ka dib waxaan dib u soo raacay doon kuna soo noqday magaalada kismaayo.

La soco qeybta shanaad

Injineer Maxamed Cabdi Barkhadle (Tiyakloow)

 

 

Waamonews.com

 

 

 

Leave a Reply