|

Socdaalkii London Illaa Mareerey Qaybtii 2aad(daawo)

03 May 2010 aroornimo ayaa waxaan socod ku gaalaa bixiyey marerey (Hargeysa yareey) guud ahaan xaafadaheeda.
Jawiga tuulada ayaa aad u qurux badnaa iyada oo roobabkii gu’a ka da’ayeen tuulada.
Waa xili uu dhulku aad u rooban yahay dhirtuna ay leedahay ubax gooni ah geed waliban uu cumaamtay ubaxiisi iyo midabadiisi kala jaadka ahaa xiligan oo ah xili barwaaqo ah dhirta caleemo qayan tahay.
Reer miyigu waxay ku jiraan xili barwaaqo ah oo ciirta ayey lulannayaan, inkastoo dhulka gosha ah uu leeyaha gandi cadow ku ah xoolaha.
Akhristoow waxaan u daa-dagayaa dulucda qoraalkayga oo aan doonayaa in aan sawir yar ka bixiyo tuuladda mareerey oo aheyd lafdhabarta dhaqaalaha dalka xilligii dowladi kacaanka , waxaana tuladani aad loo degay intii ka dambeeysay 1993 waxayna ku talaa meel aad u haboon.
Hargeeysa yareey (Mareerey) waa tuulo ka tirsan degmada jilib ee gobolka jubbadda dhexe qiyaastii waxay u jirtaa 8-10 km ciideeduna waa caramadow (dhoobeey) waxaana mara wabiga jubba oo kamid ah labada wabi ee soomaaliya.
Waxuuna ku daraa badweeynta hindiya, waxayna u dhow dahahay waqooyina ka xigtaa xariikha dunida laba u kala qaybiya (baarsanguuni), waxay u dhaxeeysaa afmadow iyo jilib.
Waxay isku xidhaa magaalooyinka Afmadow, jilib iyo kismaayo, marka dhanka afmadow laga yimaado waxaad soo maraysaa Diinleey (caano boodhe), iyo weel maarow.
Tuuladu waxay leedahay laydh (nal) , waxaana xaafadaha loo soo daayaa wixii ka dambeeya 4:30 Pm galabnimo ilaa laga gaadho xili dambe (saqde dhexe) 1:00 Am.
Meelaha ganacsiga qaarkood ayaa shita niska hore motoro (generators), waxaa kale oo ay tuulada leedahay talaajooyin biyaha qaboojiya (baraf).
Tuulada waxaa ka hirgashan ama ka hana qaaday Isgaarsiin casri adeegsiga mobile telfoon ah iyo quwad koronto oo shaqeysa sagaal saacadood iyo wax ka badan.
Sidoo kale tuulada waxaa laga isticmaalaa solar system, iyadoo laga faa’iideysto tamarta qoraxda, loona adeegsado inta badan mobile charges, iyo nalalka.

Xaafadaha tuulada qaarkood waxaa aqalada dushooda ama barxada u saran dish (satellite dishes).

Hotbird iyo arabnet ayey isticmaalaan iyagoo kala socda akhbaarta caalamka.
Suuqa iyo guud ahaan tuulada ayaan ku lugeeyay. Guryaha magalaada ka dhisan ee ugu badan waa carshaan.
Dirgado iyo aqallo, inkasta oo ay tuuladu leedahay hadana waxaa ku yaala guryo dhagax ah oo si casri ah loo dhisay, loona cabiray.

Xawaalado dhawr ah ayaa ka shaqeeya tuulada. Ugu yaraan 2 xawaaladood oo ay kaah ka midtahay ayaa magalaada xafiis ku leh.
Xawaaladaha ayaa qoysaska qaarkood xigtadooda dibada jirta lacag (biil) ugu soo diraan.
Qoysaska magaalada ugu ladan waa kuwa beerahooda ka shaqeeysta iyo kuwa biilka dibada looga soo diro. Waxaa ka jira nabadgalyo iyo deganaan (xasilooni buuxda).
Tuulada waxay ka koobantahay Shan(5) ilaa lix(6) xaafadood, waxaa ku yaala Lix(6) ilaa Todoba(7) masaajid.
Xaga biyaha waxaan ka fogeeyn wabiga, xaafadaha intooda badan iyo masaajidada waxay leeyiin ceel gacmeed.
Ceelsha biyahoodu way dhaw yihiin oo kama badna lix ilaa sagaal meter oo dherer (6-10 m).
Dadka deegaanka oo aan guurguurin, waxay aqoon u leeyihiin dhulka dalagyada ku haboon, waxay daris la yihiin danta iyo dabeecada jacelna shaqo watigoodana ku bixiya wax soo saar.
Burburkii ka hor tuulada waxay aheyd saldhiga kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka soomaaliya waxaana ku tiilay warshadii dalka ugu weeyneed ee sonkorta.
Warshada sonkorta ayaa ahayd mid bililiqadeeda ay bilaabantay burburkii dawladdii soomaaliyeed ee 1991-kii oo lagu riday dowladii Militariga uu hogaaminayey marxuum Maxamed Siyaad Barre.
Hadaba ilaa iyo waqtigaa ayeey bililiqadu socotay mana jirin maamuladii hogaamiye kooxeedyadii soo maray tuulada mareereey inay bad baadiyaan biraha culus ee ku haray warshada iyadoo aay horey u dhacday in baabuuro waawayn lagu rarto.
Ayaa haatan aynan ka soconin dhacii loo geeysan jireey waloow aysan ku harin wax muhiim ah balse ay ku wanaagsantahay in la badbaadiyo inta ka hadhay.
Dhinaca waxbarshada waxaa ku yaala dugsi hoose dhexe, oo ay dhigtaan Arday isugu jira wiilal iyo gabdho, iskoolkaas waxaa wax ku barta arday heerkoodu yahay fasaladda 1aa, 2aad iyo 3aad, 4aad, 5aad iyo sanadkan oo ay yeelan doonto fasalka 6aad.
Hadaba lafdhafarka dhaqaalaha gobolada jubbooyinka waa dalagga beeraha oo kaalin muhiim ah uga jira dakhliga soo gala qoysas badan oo si toos ah iyo si dadban ay noloshoodu ugu tiirsan tahay.
Iyadoo saddexda magaalo ee ugu waaweyn gobolka, kuwaasoo kala ah kismaayo, bu’aale iyo jilib uu maro webiga jubba.
Dalagyada ugu muhiimsan ee ka baxa gobolkana waxaa ugu badan Masaggo (hadhuudh), galleey (arabakhi), sisin, digir, basal, moos, babaay, cambe, liin, qare iyo qudaar kale oo badan.

Dalagyada ka soo baxa beeraha gobolka jubbooyinka waxaa loo suuq geeyaa magaalooyinka iyo gobollada deriska la ah iyo kuwa ka fog.
Hadaba tuulada mareerey dhaqaalaheedu wuxuu ku tiirsan yahay beeraha, waxaa ka baxa mooska, galeyda, qasabka, babaayga, linta, sisinta, cambaha iyo khudaarta.
Subaxnimaddii 06 may 2010 ayaan booqday dhulka beeraha ah ee quruxda badnaa iyo beertii uu lahaa aasaasihii mareerey (hargeysa yareey) axmed nuur khaliif ahna odey aad looga yaqaano tuulada.

Intii aan ku sii jeednay beerta waxaan sii dhex-qaadaynay beerihii oo soo baxay iyo kaliyo biyo ka buuxaan dhul wada doog cagaaran ah soona wada carfayo, oo barwaaqo ah, xareedu ka galac-leynayso, dhulka hoose, iyo meelaha godan.

Tamashleeyn, iyo damaashaad, markaad subax hore dhex qaado, cadarka iyo uduga, saxan-saxada aad sanka la raacayso, waxaa dhici kara inaad ka maarmi weeydo inaad xayd-xaydato, oo reeyska iyo dharabka kor uga hinjso, marada aad xidhan tahay.

Si aanu kaaga gaadhin dharabka, iyo resyka uu hoosta ku haysto cosobka, isku baxay ee aad cagta marinaysid.
Beertuna waxay ka koobneed galay iyo qudrado kala gadisan sida Banbanooni, bagal, Carrot, yaanyo, Bocor katiit, Bocor Hindi, iyo digir runtiina waxay aheyd beer aad u qurux badan.
Galabnimaddiina sidoo kale waxaan booqday beertii cabdi jaciir, oo kamid ah odayaasha aad looga tixgaliyo tuulada marna ka ahaa gudoomiye kuxigeenka hargeeyso yareey oo laga buufinayo cayayaan loona isticmaalayo Sunta loo yaqaano dhibta 4cc waxaa lagu darayaa hal caag oo 10 litre qaad biyo ah.
Duhurnimaddii 15 May 2010 waxaan booqday tuulada qalaanje halkaas oo laygu sheegay dhul iib ah.
Waxaan sii maray mareerey ooji oo sadex(3) Km u jirta hargeeysa yareey, waxayna u dhawdahay guduudeey, waxay saran tahay wabiga, malaha iskuul iyo ganacsi midna.
Waxaan u tagnay nin aan ku balansaneeyn inuu beerta na soo tuso, kadibna waxaan aadnay beertii iibka aheyd.
Tuulada waxay u jirtay ilaa iyo afar(4) kiilomitir, waxaan sii marnay beertii iidle magaanbow, beertu waxay saran tahay wabiga, waana dhul hawd ah oo aan la beeranin tan iyo burbrkii dawladii soomaaliya.
Kadibna waxaan uga sii gudubnay beertii agoonta oo ku fadhida dhul aad u baaxad weyn oo aan la qiyaasi Karin.
Qiyaastii intii ay ishaydu qabatay 10 hiktar waxaa ku beernaa muus, 10 hiktarna galey, waxaa ka shaqeeynayey shaqaalo fara badan nin masuul ka aha beerta iyo waardiyo habeenkii seexda.
Waxayna ii sheegeeyn inay abuureen 4 kun oo geed liin ah ayna gadhsiin doonaan ilaa 8000 kun oo geed liimeed ah.
waqtiyada roobabka ka da’aan deegaanada Jubooyinka iyo dhulka buuralayda ah ee Ethopia oo Wabigaasi uu ka soo bilowdo ayaa waxa ay dhaliyaan in fatahaad balaaran uu sameeyo.
Wabi jubba waxaana uu xiligan la mid yahay qasaaraha uu sababay sanadii 1997-kii oo dad badan ay ku dhamaadeen fatahaada wabiga.
Sidoo kale sanadkan ayuu qasaaro badan keenay kuwaasi oo isugu jira dhimasho iyo dad badan oo ku hanti belay.
Dadka ku geeriyooda waxaa ka mid ahaa wiil yar oo ay ilma adeer yihiin reer siraad.

Dhibaatadana fatahaada oo ah mid marwalba soo noq noqota ayaan jirin wax ka hortag ah ama caawin ah dadkan danyarta ah hay;adaha iyo maamulada ka jira.
Hadaba iyada oo arintaasi jirto ayey dadku wali waxay hayaan niyad oo aynan marwalba ka daalin beer abuurashada.
Beeraleyda oo ay la soo daristay xaalada cuno yaraan baahsan oo ka dhalatay, waxyeelada fatahaada.
Biyhii ayaa waxay soo galeen xaafada koowaad oo iyadu xigta dhinaca wabiga, waxaa la sameeyey moos tuulada lagu ilaalinayo.
Wadooyinkii soo gali jiray way go’een, dadku waxay isticmaalayeen buushash waxaa kala xidhmay tuulada iyo isbitaalka, jilib, makayooni, mareerey ooji.
Waxaa furnayd oo kaliya wadadii afmadow, mana laha wadooyin fiican fatahaadan biyaha waxay noqdeen masiibo qasaaro gaarsiiyay dadkii ku noolaa gosha.
Hadana ay jiraan dhibaatooyin kale oo ay beeruhu ku hayaan xaywaanada doofaarka, danyeerka iyo cayayaanada kaleba.
Xagga caafifaadka, gobaladda jubbooyinka aad ayeey u liitaan wixii ka dambeeyay burbukii Somaliya marka laga reebo mareerey hospital, jamaame hospital, iyo dhobley hospital oo ku soo biiray.
Adeegyada iyo qalabka caafimaad ee gobolka yaalla waa kuwo aad u liita oo aan sinaba u kaafin karin baahida caafimaad ee bulshada.
Taas oo ay ugu wacan tahay isbitaalka weyn ee magaalada kismaayo oo aan si habsami ah u shaqeynin iyo isbitaalkii magaalada jilib oo aan wax shaqo ah ka socon.
Subaxnimaddii 18 may 2010 waxaan gaadhay isbitaalka ugu weeyn jubbooyinka ee ku yaala mareerey ee MSF.
Hargeysa yareey iyo isbitaalkana waxaa loo kala socdaa wax ka yar 10 daqiiqo qiyaastiina waa sadex kiiloomitir (3Km).
Waxayna leedahay gagi diyaaradeed oo ay isticmaalaan MSF shaqaalahooda.
Cusbitaalka Mareerey, waxa ay shaqaalaha MSF ku bixiyaan adeegyo bukaan-socod oo dadka waaweyn iyo carruurtaba la siiyo iyo daryeeel bukaan-jiif oo ay helaan carruurta.
xaaladaha caafimaadka guud ee umusha , kuwa uurka leh, quudinta, u adeegida bukaan jiifka iyo ka hortaga qaaxada iyo daweeyntooda.
Isbitaalku wuxuu ka koobanayahay qayabahan hoose
• Qaybta TB

• Qaliinka
• Haweenka iyo Caruurta
• Logistic
• Pharmacy
• Lab
• Ragistration
isbitaalka wuxuu u adeegaa dhamaan dadka ku nool jubbooyinka, gaar ahaan kansuuma, buulo gaduud, yoonteey, baarsanguun, mugaamboow, fagaan, jilib, qalaanje, Axmed kaamatiireey, Harboole cusbooleey, Sheek nuur, Keeytooy , Haraabe, faroguroow, Makayooni, Buulo shiiqoow, Bilisaa, Hargeeysa yareey, Guduudeey, Weel maarow, Cawrmale, Aamineey, iyo Kamandaada.

Hadaba waxaan wada ognahay in nolosha bulsho weeynta soomaaliyeed ay inteeda badani ku tiirsan tahay, laba arimood oo kala ah, beeraha iyo xoolaha nool.
Beeraha iyo dhaqashada xoolaha noolina waxay ugu horeyn iyo ugu danbeynba u baahdaan waa in la helo roobka ama biyo kale oo keyd ah oo haqabtira.
Wadanka qabow iyo xasilooni ayaa laga dareemaa marka barwaaqada lagu jiro oo beeruhu si fiican u soo go’aan, xoolaha noolina ay helaan biyo ay cabaan iyo sarac ay daaqaan.
Waxaan filayaa in sanadkan goboladda jubbooyinka ay ka jirtay barwaaqo, marka la eego roobabkii laxaadka lahaa ee ka da’ay meelo badan oo gobolka ka tirsan.
Jubbooyinka gaar ahaan marerey (gosha) waxaa aad ooga baxa geedka loo yaqaan canbaha, waana khudrada loogu jacel yahay isticmaalkeeda, kaasi oo u kala qaybsama laba nooc oo kala ah canbaha lafta leh iyo midka loo yaqaan canbe babayga.
Inkastoo canbaha lafta leh, uu dacar badan keeno (lagu dacaroodo) haddii la badsado mararka qaar.
Halka canbe babayguna uu yahay mid ka qeyb qaata in qofka ka uu u furo cuntada, maxaa yeelay acida ku jirta canbahani ayaa hore u disha cuntada qofku qaato, si uu midkale ugu baahdo.
Geedka cambaha waxa uu ka mid yahay dhirta ka baxda dhulka biyuhu ku badan yihiin (hareeraha wabiyada).
Waxaana geedka cambaha ka baxa miro aad u macaan oo nafaqo badan, oo aad loogu manaafacaado.
Miraha Cambaha waxaa loo manaafacaadsan karaa siyaabo kala duwan.
Sida in sidooda lagu cuno marka ay bislaadaan, in la shiido marka lafta laga saaro, ama in la qasacadeeyo.
Babaaygu waa midho u samaysan sida kubada amaba ukunta sidiisa, wuxuu gaadhaa dhererkiisu ilaa 4ocm, laakiin intiisa badani wuxuu legyahay qiyaasta midhaha shamaamka (sugarmelon),
Babaayga waxaa laga helaa maadada kiimikal ah ee loo yaqaan papain.
Hadaba maadada kimikal ee papain ayaa ah enzymes oo iyadu furfurta ama awood u leh shaqada ay ku dhameeystirayso.
Miraha bisil ee babayga oo ay ku jirto papain waxa ugu muhiimsan ee ay qabato, kolka ay soo gaadho caloosha iyo xiidmaha ayaa waxay ku kacdaa ka qayb qaadashada dajinta, raqdinta borotiinkii aan cunay, siiba hilibka iwm.
Paptain laga helo babayga waxaa lagu daraa xanjada, si loo isticmaalo cuntada dabadeed.
Hadaba ugu dambeeyntii gosha meelihii safarka aan ku soo maray waxaa kamid ah mareerey ooji, Gandooble, buulo shidaal, Makayooni, Buulo sheekhey, cawrmale, Aaminaay, Guduudey, Kaamka, Qalanje iyo Bilisaa.
Isku sooduuboo safarkeygii Gosha wuxuu ahaa mid aad u xasuus badan
Qaybaha hoose waxaan ku soo qaadan doonaa, sharaxaad guudna kaga bixinayaa kheeyraadka beeraha gobollada jubooyinka iyo sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen dadka ku nool.
Juboyinka aya ah meelaha ugu kheyraadka badan gobolada dalka somaliya uu ka kooban yahay.
Sida la wada ogyahay jubbooyinka waxay caan ku yahiin kheyraadka bada iyo barigaba, haday noqon laheyd dhinaca beeraha daaqsinta xoolaha , kaluumeysiga iyo waliba Deked iyo Airport caalimi ah.

Beeraha Jubbooyinka

Soomaalida beeraha waxay u yaqaanaan dhulka dalagyada lagu beero looguna tala galay in laga dhigto cunto, laakiin waxaa soo galaaya dhaqashada xoolaha.

Cilmiga barashada beeraha waxaa loola jeedaa barashada dhirta la beerto iyo xoolaha labadaba.
Wax-soosaarka beeraha dhulka ugu badani waxaa mara labada wabi ee jubba iyo shabeele.
Inkastoo aan si weyn loo beerin dhulka ku haboon beerista, hadana beeruhu waxay ka mid yihiin hal-bawlaha dhaqaalaha ee waddanka.

Waxyaabaha kasoo baxa beeraha, qayb waxaa lagu isticmaalaa waddanka gudiisa, qaybta kalena waa ladhoofiyaa, halkaas oo laga helo lacag adag.

Hadaba sidii loo Horumarin lahaa beeraha loona yareen lahaa saboolnimadda ka jirta dhaqaalaha ku salaysan miyiga, meel badan oo ka mid ah jubooyinka, loona joogteynta lahaa isku-filnaanshaha cuntada.

Qoraalkan oon kaga faaloonayo muhiimada ay leedahay sidii loo kobcin lahaa loona xoojiyo wax-soo-saarka beeraleyda jubbooyinka.

35% wax yaalaha jubooyinka dibadda laga keeno waa cunto.
Cuntooyinkaas oo intooda badani laga soo saari karo gobolka, waxayna gaarsiin karaan isku filnaasho xaga cuntadda ah, taasina lacagta culus ee yar ee ganacsatadu heysto waxay u duwi kartaa horumarinta gobolka.

Dalagyada aad loo beerto guud ahaan waxaa ka mid ah: moos, liin, cambe, galay, babaay, qare, basal, sisin, digir, bocor, barbarooni, dabacaseeye, baradho, toon, saytuun iyo midho kale.

Dhamaantood waxay leeyihiin suuq fiican waxa ay soo hoyin karaan qayb libaaxna ka qaadan karaa lacagta culus ee gobolka soo gasha.
Measagada (hadhuudhka) iyo galeyda waxay ku baxaan mudo sadex bilood ah (90 beri), halka liinta iyo cambaha, ay ku baxaan sida qaalibka ah dhowr sano.
Dhulka wabiyada maraan ee ku haboon wax soosaarka si looga faa’iidaysto , aqoonta beeraleyda korna loogu qaado lana tababaro laguna dhiiri galiyo sidii ay u baran lahaayeen.• Habka ugu wanaagsan ee dhulka loo islaaxiyo inta aanan la beerin.
• Xulashada abuurka caafimaadka qaba.
• Daweeynta abuurka beeraha inta aan la beerin.
• ka hortaga iyo la dagaalanka cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya beeraha.
• Kala badelka beerista dalagyada kala duwan, si loo joogteeyo nafaqada dhulka ku jirta loona yareeyo cudurada iyo cayayaanka beeraha.
• Habka ugu wanaagsan beerista dalagyada kala duwan.
• ka faa’iideysiga iyo isticmaalka bacrinta beeraha.
• Habku ugu wanagsan ee waraabka beeraha.
• Isku dhaqida xoolaha iyo beeraha sida Lo’da digaaga iyo shinida.
• Habka keydinta (Bakaar).
• Barida isticmaalka dibidda oo baajinaysa lacagta faraha badan ee makiinadu u baahan tahay.
Hadaba saad ula socotaan marka aad rabto inaad beer sameeysatid waxaa kuu taala hawl badan, waxaa loo baahan yahay inaad marto qaybahan hoose.

• Qardeeyn, baneeney qashinka.• Caro Rogid.
• Abuur.
• Fal.
• Dhalid.
• Jafid.
• Tiirin.
• Fiiqid (sabuulka).
• Dhilid (AMA TUMID).
• Cabeeyn (dhay) jawaan.
• Suuq geeyn.
• Galeyda (Arabakhida) marka la abuuro waxay mareeysaa dhowrkan marxaladood.
• Miici (soo bixid).
• Laba baal ( hal far beey la eg tahay).
• Sadax baal.
• Afar baal.
• Dheeli.
• Uur (sabuul).
• Baal dhoor.

Tacabka Massagada yar-yar (Hadhuudhka) iyo Galeyda (Arabakhi).
Massago yaryareyda (hadhuudhka) iyo galeyda (arabakhi) waxay ka mid yihiin dalagyada ugu badan ee dadku beertaan.
Geedka mesagad (hadhuudhka) iyo Galeyda (arabakhi) waxay u qaybsamaan afar qaybood oo kala ah, Xiddid, Jirid, Caleen iyo midho.

Waxaynu u qaybin karnaa laba qaybood , qaybta dhulka ka saraysa iyo qaybta dhulka ku jirta. Qaybta dhulka ku jirta waa xididka , qaybta dhulka ka sarraysaana waa jirrida, caleemaha iyo ubaxa.

Xiddidka geedka ayuu dhulka ku dhidbaa, waxaa uu ka soo nuugaa cusbada macdanta ah iyo biyaha wuxuuna jirida u sii mariyaa biyaha iyo nafaqada ku jirta carrada.

Jirida waxay tiirrisaa kuna yaala caleemaha, midhaha iyo ubaxyada waa marinka ay sii maraan biyaha iyo macdanta ay xiddadu soo nuugaan una socdo caleemaha.

Caleenta waa xubinta u soo saarta geedka cuntada waa halka uu geedka ka neefsado waxayna geedka uga soo saarta nafaqada uu uga bahan yahay hawada iyo qoraxda.

Caleentu waa goobta uu ka dhaco footoosintasiska.
Footoosintasiska waa falgal kiimikeed oo uu geedku ka sameeysto cuntada, waxaana loo yaqaan sonkor (gulukoos).
Falgalkaasi wuxuu dhex maraa kaarboon lab-oksaydh iyo biyah.

Midhaha waxay ka sameeysmaan ubaxa oo ah xubinta uu geedku ka tarmo ama uu ka dhalo.

Hadaba waxaan u guda galeeynaa qaybaha aan kor ku soo sheegnay.

Ciida meelaha ku haboon beerista

Dhulka Soomaaliya wuxuu leeyahay ciid kala duwan oo mid waliba ay leedahay astaamo u gaar ah.

Ciida ugu wanaagsan ee galaydu ka baxdo waa ciida carro madowga ah ee aan dhoobada adag laheyn ee meeldhaxaadka ah.

Dhoobay ama carro madow laga helo webiga hareerihiisa, waxaana ku soo butaaca biyaha webiyada goorta ay buux dhaafaan. Waxaana ka baxa dhir jiq ah oo ay ka dhalato qaniinka sida dhuugga, gendiga iyo kaneecada oo dad iyo xoolaba si ba´an u ridata.
Wuxuu aad ugu habboon yahay beeraha, waana dhul intiisa badan dihan, waana inta badan ee dalka wax laga beerto, una badan dhul kaymo ah oo dhinaca ku haya webiyada.
Carro-rogis
Beerat marka la caro-ragayo, dhulka waa in laysku simaa, oo aan laga tagin meel taag ah iyo meel godan, si ay biyuhu beerta u wada gaadhaan, dhulkana lagu simaa cagaf, dibi iyo iwm.

Ciida waa in la jilciyaa, dhulkana lagu qodo dibi, cagaf, iwm si uu u hagaago bixitaanka iyo korrida geedka, si waraabka ama biyaha roobka dhulka hoos ugu galaan, ciida la jilciyeyna ku dhaafaan rays ay ku noolaato massagada iyo galeyda waqtidheer.

Xiddidka massegadda ama galeyda waa in uu helo dhul jilcsan oo uu ku fido.

Cayayaanada iyo cudurada dhirta dhulka ku jira ha ku haraadeen.

Nafaqada ciidu leedahay ee dhulka ku jira in la furto
Geedka messagada iyo galeyda oo dhalo midho taye leh
In ay fududaato bacriminta shinidu oo ay markaaba qaraxdo.

Falka

Marka cawska beerta ka soo baxo ayaa laga guraa wax yaabaha xanibay koritaanka mesagada (hadhuudhka)iyo galayd (arabakhi) sababta falka ayaa ah dhir hoosaadka iyo caws si aysan nafaqada ula qaybsamin iyo raaskii ay ku bixi laheyd.

Dhir hoosaadka iyo cawska kale in aynan u keenin cayayaan iyo cuduro mesagada (hadhuudhka).

Caws iyo qashin kale oo mesagada (hadhuudhka) iyo galayda (arabakhi) ka dhex baxa, kuwaasoo cayayaanka iyo cudurada ugu soo dhex dhuuntaan.

Beerta oo Dalagyada Loo kala Bedalo
Xili roobaad kasta hadii dhul isku mid ah lagu beero hal nooc oo dalagyada ka mid ah.
Waxaa hubaal ah inuu cudur ku dhacayo mesagadaas (hadhuudhka), si looga hortago cudurada ragaadinayo mesagada (hadhuudhka) waa in saraca beerta loo kala duwaa.

Dhulkii lagu beeray mesagada (hadhuudh) ama galayd (arabakhi) waa in lagu badelaa, laws, xabxab (qare), iyo digir.
Dalagyada qaarkood carrada lagu beero nafaqada ayey koriyaan, mesagada (hadhuudhka) waa dalagyada ugu badan wadankeena wuxuu si weeyn carada ugala baxaa nafaqad.

Neydarojiin (Nitrogen) waa nafaqada dhirta kordhiso, la’aanteedna aysan bixin.

Dhirtaas nafaqada kordhiyaa waxaa ka mid ah Digirta, Salbukada, lawska, sisinta,iwm. Si kastaba ha ahaatee hadii beerta cudur lagu arko (3%) boqolkii geedka waa in laga daweeyaa inta aanu ku faafin dalaga intiisa kale.
Cayayaanka

Daweeynta abuurka beeraha inta aan la beerin, ka hortaga iyo la dagaalanka cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya beeraha
Cayayaan badan ayaa cadaw u ah mesagada (hadhuudhka) iyo galayda (arabakhi) kuwaas oo dhaawac u geeysta taranka iyo tayada geedka, ragadiyana miraynta iyo koritanka geedka, cayayaankaas waxaa ka mid ah.
Dhuunqabadka oo balka mesegadda ka gala dhuuxa, dirxi midhoodka mesegada iyo galayda ka gala Madaxa, marka midhuhu yihiin caano gelista, malabiso taas oo dhibaato weyn u gaysata mesegada iyo galayda.
Waxaa jiro xayawaano badan oo kale oo cadaw u ah dalaga oo ay kamid yihiin, doofaarka, daanyeerka, kashiidada iyo qaar kaloo badan.

Sagaaro Firdig waxay cadow ku tahay Digirta, Bocorka, Yaanyadda.

Dhool (Goodir yar) wuxuu cadow ku yahay Digirta
Ka hortaga.
Messagada cayayaanka dhibaatada ku keena waxaa looga hortagi karaa:
1. Caro- gedinta beerta (beerta oo la caro-rogo)
2. Beerta oo laga guro qashinka balka si wanaagsana cawaska looga falo had iyo jeerna nadiif laga dhigo inta messagadu beerta ku taalo.
3. Dalagyada beerta oo la kala bedelo, digirta iyo messagada oo laysku bedalo, haddii beertu cayayaan yeelato waa in si dhaqso ah looga buufiyo.

Qalabka loo adeegsanaayo gurida Mesegada
Waxaa loo adeegsadaa goynta geedka messagada xiliga uu bislaado, bir qoolaabsan oo leh gacan qabsi wanaagsan, kadibna dhowr meelood ayaa balka messagada lagu tuulaa in mudo ah si sabuulka midhaha ku yaal u engagaan, midhaha ku dhex keydsan sabuulka ayaa laga saaraa’
Qalabyadda loo adeegsado miidaynta sabuulka Mesegada
Qalabyada miideeynta iyo sifeeynta sabuulka messagada loo adeegsado, waxaa ka mid ah ulo dhaadheer oo lagu garaaco sabuulka messagada inta la isugu keeno meel banaan oo la xaadhay loona goglo baco ama wax yaalo kale si midhaha iyo ciidu isugu milmin, mooye iyo kal.

Kadibna saf ayaa loo istaagaa oo dadku si wada jir ah isula jaanqaadi kara, oo sabuuladii kolba qayb miideeya, qof walba intuu labada gacmood ka buuxsado u shiisa kolba inta uu kor isaga jaro dusha uga garaacayaa sabuulkii goobta ku urursanaa.
Waxaana markaa la qaadaa hees hawleedyo dhaantooyin.
Dadka qaarna waxay adeegsadaan cagafta beerta lagu qodo, oo si wareeg ah inta sabuulada loo dhigo ayaa waxaa dusha ka mara shaagaga cagafta si ay u kala saarto sabuulka iyo midhaha, qashinka soo hadha midaynta ka dib waxaa loo yaqaanaa Waago.

Waxaa kale oo jira qalabyo ka oo loo adeegsado madaynta mesagad (hadhuudhka).

Dhamaan qalabkan waxay la xidhiidhaan dhaqankeena, waxaa loo baahan yahay fikirkii lagu badeli lahaa makiinado sahla sifeeynta mesagada (hadhuudhka) iyo galayda (arabakhi).
Waxaa sidoo kale tayeen iyo horumarin u baahan digirta, sisinta, hadhuudhka, galayda iyo dhamaan midhaha kale ee firileyda ah.

Dalagyadani waxay ka baxaan cimilo isku mid ah, una baahan tacab badan in la galiyo, si ay tayo u yeeshaan midhaha ka soo go’a.

Waxaa kale oo horumar u baahan Khudaarta oo ay ka mid yihiin, basasha, baradhada, tamaandhada, dabacasaha, kaabashka, saladhka, banbanooniga, Bocor, iyo khudradaha loo adeegsado cabitaanka sida Cambaha, musska, saytuunka, xabxabka, liinta, canabka iyo qaar badan oo kale.

Ugu dambeeyntii soo saaridda miraha warshadeysma ama la warshadeyn karaa waxay badeli karaan kuwa dibadda laga keeno, waxay kordhin karaan dakhliga uu gobolka ka helo wax yaalaha dibada loo dhoofiyo, wax soo saarka warshadaha gobolka iyo shaqo siinta dadkiisa.
Olole lagu qaado beeraha cambaha, galeeyda, hadhuudhka, buuriga iyo qasabka, faa’iidooyin ayey u leeyihiin jubbooyinka.

Tiradda iyo tayadda cuntada gobolaka jubbooyika laga beero oo la kordhiyo, aad bayna intii loo baahnaa uga yartahay, sababahana waxaa ka mid ah khasaaraha ay cayayaanka iyo cuduradda kala duwan ay u geeystaan beeraha iyo miraha la beero ama la keydiyo.
Hadaba waxaa loo baahan yahay sidii lo cirib tiri lahaa cayayaanka, lana qaban qaabiyo isku daba ridka olole lagu yareeynayo khasaaraha iyada oo u jeedadeedu tahay, in alaale iyo intii suurta gasha,
xasharaadka, suntooda iyo shimbiraha khasaaraha aan la koobi Karin u geeysta beeraha iyo miraha ka soo baxa.
Waxa aan ku raja weeynahay aadna u quud dareeynayaa in uu qoraalkan ka sheekeynaya beeraha iyo cayayaanka wax weeyn u taro dhamaan dadka ka shaqeeynaya badbaadada midhaha beeraha.

Wax aan muran ku jirin in, marka ay taasi hirgasho, ay dhaqaalaha dalka iyo nolosha dadkiisaba kor u kici doonaan, gaadhina doonaan heerka ay tiigsanayaan.
Ujeedadu waxaa weeye in dadka ku hawlan beeridda iyo badbaadinta midhaha, fidinta, cilmi baadhista iyo tababarkuba siiyo aqoon ay ku kala soocaan beeraha iyo cayayaanka wax yeela ee muhiinka ah.

Hadaba akhristayaasha dhamaantood waxaa looga baahan yahay in ay ka jawaabaan su’aalahan hoose.
Cidii markaas daneenaysa ama ka danqanaysa waxqabadka, iyo hagaajinta hanaanka waxsoosaarka ee goballada jubbooyinka.

Sidee loo hormarin karaa wax-soosaarka beeraha?

yaase hormarinaya beeraha la beeranayo?

Maamul mise shacab? Habkee ugu haboon oo sare loogu qaadi karaa?

Yaa looga fadhiyaa inuu sare u qaado?

Side dhulka loo tabcan karaa?

Ma waxaa tacabka laga sugayaa dadka danleyda ah?
Mise ganacsatada shaqo ka dhigatay xaalufinta dhirta (dhuxusha) iyo soo dajinta dalagyo laga keenay wadamo shisheye?
Sisinta iyo Beerideeda

• Abuurid. • Fal.
• Fal dambe.
• Goyn ama Siibid.
• Ambuul.
• Shubo.
• Haadin (shaandheyn).
• Qoraxeeyn.
• Miisid.
• Jawaan ku gurud.
• Xir-Xirid.
• Suuq-geyn.
Hoos waxaa ku qoran maahmaahyo iyo gabayo ku saabsan beeraha.

Gabaygan waxaa tiriyey rooda afjano oo dhaliishan qurba joogta reer ogaadeenia, balse hada qudheedu waxay ku nooshahay wadamada reer galbeedka.

Maraacaato oo roob ku da’ay, mayayga maasheeyey, masagadda ka bixi waxaa laga raraa kuman maraakiib ah, saw magan alaay iyo baryada uma macaanaanin. Haday maqalka naga caawiyaan, hadalka waa maale, murankaba marbuu kuu noqdaa, mire rasaaseede, saw mareeykan joog iyo hurdada uma macaanaanin.

Maahmaaho

• Todaba fac baahi ku daba socotay waxaa kaa reeba dhul baa laga helaa
• Nimaan dhul u dhalin ma dhargin

• Todaba fac rag dhaqaalo kaaga horeeyey, wax ku gaadhsiiya dhulbaa la hayaa

• Sadex bilood xoolo xalaal ah oo lagu taajiro beer baa leh
• Meeshii Miiga gaadhaa yaanbo ma fado
Wabi ama waa lagu libdhaa ama waa laga libdhaa
Macnaheedu waxaa weeye wabiga hadaad dul degto kaneeco Wad is deeyseen oo waxay ka cararta hawada wabiga ee ku soo neefsanaya, hadaad ka fogaatayna Wad ka nabad gashey.

Habaka Cabirka beeraha

Jubbooyinka waxaa laga isticmaalaa

Halka boosto waa toban talaabo
Halak darabna waa lix boost (Qoodi)
Halkii hiktar waa 4 darab (Sariir)

Ogadenia waxaa laga isticmaalaa

Tacab (tacab goos) = toban ulood oo dherer ah lagu dhuftay 5 ulood oo gudub ah

Halkii ul waa shan dhudhun
Qoodi waa hal darab

Sariir (hikter) waa afar darab

Hal koobo waxaad ka helaysaa 10 jawaan
1 hiktor 10 ilaa 15 kiintaan,

Doongad = Irmaansi = sacaaga oo la maalayo

Bakaar

Beeraleeyda soomaaliyeed dalaga beeraha ka soo go’a waxay ku keydsadaan bakaar, nirahaas iyaga oo aan isbadelin mudo dheerna ku jira bakaarta ayaa waxaa dib loo isticmaalaa xiliga abaarah, hawsha bakaartana waa sidan hoos ku qoran.

• God qodis god
• Tirtiris ciida

• Ku shubid massagadda
• Waago ku shubid

• Ciid ku daboolid

Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magacyada dalagyada iyo inta ay ku bislaadaan:
Magacayada dalagyada iyo inta ay ku bislaadaan
• Galayda (Arabakhi) 90 beri.

• Masagada (Hadhuudh) 90beri.
• Sisinta 90beri.
• Muuska 180beri.

• Digirta 80beri.

• Yaanyada 80beri.

• Babayga 90beri.

• Bataatiga 180.

• Lowska 120.

• Canbaha 6sano .

Beeraha Jubbooyinka
Soomaalida beeraha waxay u yaqaanaan dhulka dalagyada lagu beero looguna tala galay in laga dhigto cunto, laakiin waxaa soo galaaya dhaqashada xoolaha.
Cilmiga barashada beeraha waxaa loola jeedaa barashada dhirta la beerto iyo xoolaha labadaba.
Wax-soosaarka beeraha dhulka ugu badani waxaa mara labada wabi ee jubba iyo shabeele.
Inkastoo aan si weyn loo beerin dhulka ku haboon beerista, hadana beeruhu waxay ka mid yihiin hal-bawlaha dhaqaalaha ee waddanka.
Waxyaabaha kasoo baxa beeraha, qayb waxaa lagu isticmaalaa waddanka gudiisa, qaybta kalena waa ladhoofiyaa, halkaas oo laga helo lacag adag.
Hadaba sidii loo Horumarin lahaa beeraha loona yareen lahaa saboolnimadda ka jirta dhaqaalaha ku salaysan miyiga, meel badan oo ka mid ah jubooyinka, loona joogteynta lahaa isku-filnaanshaha cuntada.
Qoraalkan oon kaga faaloonayo muhiimada ay leedahay sidii loo kobcin lahaa loona xoojiyo wax-soo-saarka beeraleyda jubbooyinka.
35% wax yaalaha jubooyinka dibadda laga keeno waa cunto.
Cuntooyinkaas oo intooda badani laga soo saari karo gobolka, waxayna gaarsiin karaan isku filnaasho xaga cuntadda ah, taasina lacagta culus ee yar ee ganacsatadu heysto waxay u duwi kartaa horumarinta gobolka.
Dalagyada aad loo beerto guud ahaan waxaa ka mid ah: moos, liin, cambe, galay, babaay, qare, basal, sisin, digir, bocor, barbarooni, dabacaseeye, baradho, toon, saytuun iyo midho kale.
Dhamaantood waxay leeyihiin suuq fiican waxa ay soo hoyin karaan qayb libaaxna ka qaadan karaa lacagta culus ee gobolka soo gasha.
Measagada (hadhuudhka) iyo galeyda waxay ku baxaan mudo sadex bilood ah (90 beri), halka liinta iyo cambaha, ay ku baxaan sida qaalibka ah dhowr sano.
Dhulka wabiyada maraan ee ku haboon wax soosaarka si looga faa’iidaysto , aqoonta beeraleyda korna loogu qaado lana tababaro laguna dhiiri galiyo sidii ay u baran lahaayeen.
• Habka ugu wanaagsan ee dhulka loo islaaxiyo inta aanan la beerin.
• Xulashada abuurka caafimaadka qaba.
• Daweeynta abuurka beeraha inta aan la beerin.
• ka hortaga iyo la dagaalanka cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya beeraha.
• Kala badelka beerista dalagyada kala duwan, si loo joogteeyo nafaqada dhulka ku jirta loona yareeyo cudurada iyo cayayaanka beeraha.
• Habka ugu wanaagsan beerista dalagyada kala duwan.
• ka faa’iideysiga iyo isticmaalka bacrinta beeraha.
• Habku ugu wanagsan ee waraabka beeraha.
• Isku dhaqida xoolaha iyo beeraha sida Lo’da digaaga iyo shinida.
• Habka keydinta (Bakaar).
• Barida isticmaalka dibidda oo baajinaysa lacagta faraha badan ee makiinadu u baahan tahay.
Hadaba saad ula socotaan marka aad rabto inaad beer sameeysatid waxaa kuu taala hawl badan, waxaa loo baahan yahay inaad marto qaybahan hoose.
Qardeeyn, baneeney qashinka
Caro Rogid
Abuur
Fal
Dhalid
Jafid
Tiirin
Fiiqid (sabuulka)
Dhilid (AMA TUMID)
Cabeeyn (dhay) jawaan
Suuq geeyn
Galeyda (Arabakhida) marka la abuuro waxay mareeysaa dhowrkan marxaladood
Miici (soo bixid)
Laba baal ( hal far beey la eg tahay)
Sadax baal
Afar baal
Dheeli,
Uur (sabuul)
Baal dhoor
Tacabka Massagada yar-yar (Hadhuudhka) iyo Galeyda (Arabakhi)
Massago yaryareyda (hadhuudhka) iyo galeyda (arabakhi) waxay ka mid yihiin dalagyada ugu badan ee dadku beertaan.
Geedka mesagad (hadhuudhka) iyo Galeyda (arabakhi) waxay u qaybsamaan afar qaybood oo kala ah, Xiddid, Jirid, Caleen iyo midho.
Waxaynu u qaybin karnaa laba qaybood , qaybta dhulka ka saraysa iyo qaybta dhulka ku jirta. Qaybta dhulka ku jirta waa xididka , qaybta dhulka ka sarraysaana waa jirrida, caleemaha iyo ubaxa.
Xiddidka geedka ayuu dhulka ku dhidbaa, waxaa uu ka soo nuugaa cusbada macdanta ah iyo biyaha wuxuuna jirida u sii mariyaa biyaha iyo nafaqada ku jirta carrada.
Jirida waxay tiirrisaa kuna yaala caleemaha, midhaha iyo ubaxyada waa marinka ay sii maraan biyaha iyo macdanta ay xiddadu soo nuugaan una socdo caleemaha.
Caleenta waa xubinta u soo saarta geedka cuntada waa halka uu geedka ka neefsado waxayna geedka uga soo saarta nafaqada uu uga bahan yahay hawada iyo qoraxda.
Caleentu waa goobta uu ka dhaco footoosintasiska. Footoosintasiska waa falgal kiimikeed oo uu geedku ka sameeysto cuntada, waxaana loo yaqaan sonkor (gulukoos).
Falgalkaasi wuxuu dhex maraa kaarboon lab-oksaydh iyo biyah.
Midhaha waxay ka sameeysmaan ubaxa oo ah xubinta uu geedku ka tarmo ama uu ka dhalo.
Hadaba waxaan u guda galeeynaa qaybaha aan kor ku soo sheegnay.
Ciida meelaha ku haboon beerista
Ciida ugu wanaagsan ee galaydu ka baxdo waa ciida carro madowga ah ee aan dhoobada adag laheyn ee meeldhaxaadka ah
Carro-rogis
Beerat marka la caro-ragayo, dhulka waa in laysku simaa, oo aan laga tagin meel taag ah iyo meel godan, si ay biyuhu beerta u wada gaadhaan, dhulkana lagu simaa cagaf, dibi iyo iwm.
Ciida waa in la jilciyaa, dhulkana lagu qodo dibi, cagaf, iwm si uu u hagaago bixitaanka iyo korrida geedka, si waraabka ama biyaha roobka dhulka hoos ugu galaan, ciida la jilciyeyna ku dhaafaan rays ay ku noolaato massagada iyo galeyda waqtidheer.
Xiddidka massegadda ama galeyda waa in uu helo dhul jilcsan oo uu ku fido.
Cayayaanada iyo cudurada dhirta dhulka ku jira ha ku haraadeen
Nafaqada ciidu leedahay ee dhulka ku jira in la furto
Geedka messagada iyo galeyda oo dhalo midho taye leh
In ay fududaato bacriminta shinidu oo ay markaaba qaraxdo
Falka
Marka cawska beerta ka soo baxo ayaa laga guraa wax yaabaha xanibay koritaanka mesagada (hadhuudhka)iyo galayd (arabakhi)
Sababta falka ayaa ah
Dhir hoosaadka iyo caws si aysan nafaqada ula qaybsamin iyo raaskii ay ku bixi laheyd
Dhir hoosaadka iyo cawska kale in aynan u keenin cayayaan iyo cuduro mesagada (hadhuudhka).
Caws iyo qashin kale oo mesagada (hadhuudhka) iyo galayda (arabakhi) ka dhex baxa, kuwaasoo cayayaanka iyo cudurada ugu soo dhex dhuuntaan.
Beerta oo Dalagyada Loo kala Bedalo
Xili roobaad kasta hadii dhul isku mid ah lagu beero hal nooc oo dalagyada ka mid ah. Waxaa hubaal ah inuu cudur ku dhacayo mesagadaas (hadhuudhka), si looga hortago cudurada ragaadinayo mesagada (hadhuudhka) waa in saraca beerta loo kala duwaa.
Dhulkii lagu beeray mesagada (hadhuudh) ama galayd (arabakhi) waa in lagu badelaa, laws, xabxab (qare), iyo digir.
Dalagyada qaarkood carrada lagu beero nafaqada ayey koriyaan, mesagada (hadhuudhka) waa dalagyada ugu badan wadankeena wuxuu si weeyn carada ugala baxaa nafaqad.
Neydarojiin (Nitrogen) waa nafaqada dhirta kordhiso, la’aanteedna aysan bixin
Dhirtaas nafaqada kordhiyaa waxaa ka mid ah Digirta, Salbukada, lawska, sisinta,iwm. Si kastaba ha ahaatee hadii beerta cudur lagu arko (3%) boqolkii geedka waa in laga daweeyaa inta aanu ku faafin dalaga intiisa kale.
Cayayaanka
Daweeynta abuurka beeraha inta aan la beerin, ka hortaga iyo la dagaalanka cudurada iyo cayayaanka waxyeeleeya beeraha
Cayayaan badan ayaa cadaw u ah mesagada (hadhuudhka) iyo galayda (arabakhi) kuwaas oo dhaawac u geeysta taranka iyo tayada geedka, ragadiyana miraynta iyo koritanka geedka, cayayaankaas waxaa ka mid ah.
Dhuunqabadka oo balka mesegadda ka gala dhuuxa, dirxi midhoodka mesegada iyo galayda ka gala Madaxa, marka midhuhu yihiin caano gelista, malabiso taas oo dhibaato weyn u gaysata mesegada iyo galayda.
Waxaa jiro xayawaano badan oo kale oo cadaw u ah dalaga oo ay kamid yihiin, doofaarka, daanyeerka, kashiidada iyo qaar kaloo badan.
Sagaaro Firdig waxay cadow ku tahay Digirta, Bocorka, Yaanyadda
Dhool (Goodir yar) wuxuu cadow ku yahay Digirta
Ka hortaga

Messagada cayayaanka dhibaatada ku keena waxaa looga hortagi karaa:
1. Caro- gedinta beerta (beerta oo la caro-rogo)

2. Beerta oo laga guro qashinka balka si wanaagsana cawaska looga falo had iyo jeerna nadiif laga dhigo inta messagadu beerta ku taalo.

3. Dalagyada beerta oo la kala bedelo, digirta iyo messagada oo laysku bedalo, haddii beertu cayayaan yeelato waa in si dhaqso ah looga buufiyo.
Qalabka loo adeegsanaayo gurida Mesegada
Waxaa loo adeegsadaa goynta geedka messagada xiliga uu bislaado, bir qoolaabsan oo leh gacan qabsi wanaagsan, kadibna dhowr meelood ayaa balka messagada lagu tuulaa in mudo ah si sabuulka midhaha ku yaal u engagaan, midhaha ku dhex keydsan sabuulka ayaa laga saaraa
Qalabyadda loo adeegsado miidaynta sabuulka Mesegada
Qalabyada miideeynta iyo sifeeynta sabuulka messagada loo adeegsado, waxaa ka mid ah ulo dhaadheer oo lagu garaaco sabuulka messagada inta la isugu keeno meel banaan oo la xaadhay loona goglo baco ama wax yaalo kale si midhaha iyo ciidu isugu milmin, mooye iyo kal
Kadibna saf ayaa loo istaagaa oo dadku si wada jir ah isula jaanqaadi kara, oo sabuuladii kolba qayb miideeya, qof walba intuu labada gacmood ka buuxsado u shiisa kolba inta uu kor isaga jaro dusha uga garaacayaa sabuulkii goobta ku urursanaa. Waxaana markaa la qaadaa hees hawleedyo dhaantooyin.
Dadka qaarna waxay adeegsadaan cagafta beerta lagu qodo, oo si wareeg ah inta sabuulada loo dhigo ayaa waxaa dusha ka mara shaagaga cagafta si ay u kala saarto sabuulka iyo midhaha, qashinka soo hadha midaynta ka dib waxaa loo yaqaanaa Waago.
Waxaa kale oo jira qalabyo ka oo loo adeegsado madaynta mesagad (hadhuudhka).
Dhamaan qalabkan waxay la xidhiidhaan dhaqankeena, waxaa loo baahan yahay fikirkii lagu badeli lahaa makiinado sahla sifeeynta mesagada (hadhuudhka) iyo galayda (arabakhi).
Waxaa sidoo kale tayeen iyo horumarin u baahan digirta, sisinta, hadhuudhka, galayda iyo dhamaan midhaha kale ee firileyda ah.
Dalagyadani waxay ka baxaan cimilo isku mid ah, una baahan tacab badan in la galiyo, si ay tayo u yeeshaan midhaha ka soo go’a.
Waxaa kale oo horumar u baahan Khudaarta oo ay ka mid yihiin, basasha, baradhada, tamaandhada, dabacasaha, kaabashka, saladhka, banbanooniga, Bocor, iyo khudradaha loo adeegsado cabitaanka sida Cambaha, musska, saytuunka, xabxabka, liinta, canabka iyo qaar badan oo kale.
Ugu dambeeyntii soo saaridda miraha warshadeysma ama la warshadeyn karaa waxay badeli karaan kuwa dibadda laga keeno, waxay kordhin karaan dakhliga uu gobolka ka helo wax yaalaha dibada loo dhoofiyo, wax soo saarka warshadaha gobolka iyo shaqo siinta dadkiisa.
Olole lagu qaado beeraha cambaha, galeeyda, hadhuudhka, buuriga iyo qasabka, faa’iidooyin ayey u leeyihiin jubbooyinka.
Tiradda iyo tayadda cuntada gobolaka jubbooyika laga beero oo la kordhiyo, aad bayna intii loo baahnaa uga yartahay, sababahana waxaa ka mid ah khasaaraha ay cayayaanka iyo cuduradda kala duwan ay u geeystaan beeraha iyo miraha la beero ama la keydiyo.
Hadaba waxaa loo baahan yahay sidii lo cirib tiri lahaa cayayaanka, lana qaban qaabiyo isku daba ridka olole lagu yareeynayo khasaaraha iyada oo u jeedadeedu tahay, in alaale iyo intii suurta gasha,
xasharaadka, suntooda iyo shimbiraha khasaaraha aan la koobi Karin u geeysta beeraha iyo miraha ka soo baxa.
Waxa aan ku raja weeynahay aadna u quud dareeynayaa in uu qoraalkan ka sheekeynaya beeraha iyo cayayaanka wax weeyn u taro dhamaan dadka ka shaqeeynaya badbaadada midhaha beeraha.
Wax aan muran ku jirin in, marka ay taasi hirgasho, ay dhaqaalaha dalka iyo nolosha dadkiisaba kor u kici doonaan, gaadhina doonaan heerka ay tiigsanayaan.
Ujeedadu waxaa weeye in dadka ku hawlan beeridda iyo badbaadinta midhaha, fidinta, cilmi baadhista iyo tababarkuba siiyo aqoon ay ku kala soocaan beeraha iyo cayayaanka wax yeela ee muhiinka ah.
Hadaba akhristayaasha dhamaantood waxaa looga baahan yahay in ay ka jawaabaan su’aalahan hoose. Cidii markaas daneenaysa ama ka danqanaysa waxqabadka, iyo hagaajinta hanaanka waxsoosaarka ee goballada jubbooyinka.
Sidee loo hormarin karaa wax-soosaarka beeraha?
yaase hormarinaya beeraha la beeranayo?
Maamul mise shacab?
Habkee ugu haboon oo sare loogu qaadi karaa?
Yaa looga fadhiyaa inuu sare u qaado?
Side dhulka loo tabcan karaa?
Ma waxaa tacabka laga sugayaa dadka danleyda ah?
Mise ganacsatada shaqo ka dhigatay xaalufinta dhirta (dhuxusha) iyo soo dajinta dalagyo laga keenay wadamo shisheye?
Sisinta iyo Beerideeda
• Abuurid.
• Fal.
• Fal dambe.
• Goyn ama Siibid.
• Ambuul.
• Shubo.
• Haadin (shaandheyn).
• Qoraxeeyn.
• Miisid.
• Jawaan ku gurud.
• Xir-Xirid.
• Suuq-geyn.
Hoos waxaa ku qoran maahmaahyo iyo gabayo ku saabsan beeraha
Gabaygan waxaa tiriyey rooda afjano oo dhaliishan qurba joogta reer ogaadeenia, balse hada qudheedu waxay ku nooshahay wadamada reer galbeedka.
Maraacaato oo roob ku da’ay, mayayga maasheeyey, masagadda ka bixi waxaa laga raraa kuman maraakiib ah, saw magan alaay iyo baryada uma macaanaanin. Haday maqalka naga caawiyaan, hadalka waa maale, murankaba marbuu kuu noqdaa, mire rasaaseede, saw mareeykan joog iyo hurdada uma macaanaanin
Maahmaaho
• Todaba fac baahi ku daba socotay waxaa kaa reeba dhul baa laga helaa
• Nimaan dhul u dhalin ma dhargin
• Todaba fac rag dhaqaalo kaaga horeeyey, wax ku gaadhsiiya dhulbaa la hayaa
• Sadex bilood xoolo xalaal ah oo lagu taajiro beer baa leh
• Meeshii Miiga gaadhaa yaanbo ma fado
Wabi ama waa lagu libdhaa ama waa laga libdhaa
Macnaheedu waxaa weeye wabiga hadaad dul degto kaneeco Wad is deeyseen oo waxay ka cararta hawada wabiga ee ku soo neefsanaya, hadaad ka fogaatayna Wad ka nabad gashey.
Habaka Cabirka beeraha
Jubbooyinka waxaa laga isticmaalaa
Halka boosto waa toban talaabo
Halak darabna waa lix boost (Qoodi)
Halkii hiktar waa 4 darab (Sariir)
Ogadenia waxaa laga isticmaalaa
Tacab (tacab goos) = toban ulood oo dherer ah lagu dhuftay 5 ulood oo gudub ah
Halkii ul waa shan dhudhun
Qoodi waa hal darab
Sariir (hikter) waa afar darab
Hal koobo waxaad ka helaysaa 10 jawaan
1 hiktor 10 ilaa 15 kiintaan,
Doongad = Irmaansi = sacaaga oo la maalayo
Bakaar
Beeraleeyda soomaaliyeed dalaga beeraha ka soo go’a waxay ku keydsadaan bakaar, nirahaas iyaga oo aan isbadelin mudo dheerna ku jira bakaarta ayaa waxaa dib loo isticmaalaa xiliga abaarah, hawsha bakaartana waa sidan hoos ku qoran
• God qodis god
• Tirtiris ciida
• Ku shubid massagadda
• Waago ku shubid
• Ciid ku daboolid
Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magacyada dalagyada iyo inta ay ku bislaadaan:
Magacayada dalagyada iyo inta ay ku bislaadaan
• Galayda (Arabakhi) 90 beri.
• Masagada (Hadhuudh) 90beri.
• Sisinta 90beri.
• Muuska 180beri.
• Digirta 80beri.
• Yaanyada 80beri.
• Babayga 90beri.
• Bataatiga 180.
• Lowska 120.
• Canbaha 6sano .

Injineer Mohamed Barkhadle (Tiyeklow)

Waamonews.com

Leave a Reply