|

Socdaalkii London ilaa Mareereey Qaybtii 3aad (degmada Jilib)Daawo

Barqanamadii 30 may 2010 ayaan Mareerey, ka dhaqaaqay waxaana 2 saac ka dib gaadhay jilib oo ku taal meel istiraatiji ah oo ay ku kulmaan wadooyin badan oo ka kala yimaado kismaayo, muqdisho, afmadow bu’aale ahna degmo qadiim ah waxayna ka mid tahay degmooynka gobolka jubbada dhexe.
Waxaan ku degay hotel danwaa oo ah midka ugu weeyn sadexda hotel ee jilib, kuna yaala badhtama magalada waxaana hortiisa marta wadada laamiga.
Xaga waxbarshada malaha dugsiyadii caadiga ahaa, sida dugsiga hoose, dhexe, iyo sare. Marka laga reebo dhismo ka kooban laba qol oo yar-yar oo si gaar ahaaneed u leeyhay wiil aan dhameysanin dugsi sare oo ka yimid magaalada muqdisho.
Wax soo saarka degmada marka loo eego xiliyadii dowladii dhexe iyo hada wax soo saarkeed hoos ayuu u dhacay.
Dadka ku dhaqan jilib waa beeraleey, waxaan mara wabiga juba, ciideedu waa dhoobeey ku fiican wax beerida.Hadaba dadka ku dhaqan malaha horumar ay wax-soo-saarkooda kor ugu qaadaan, ugamana faa’iideystaan sidii la rabey biyaha wabiga.Mana jiraan hay’addo iyo maamul ka saacida bulshada ku dhaqan jilib, tayenta beeraha iyo wax-soosaark.

Xaga caafimaadka degmada malaha isbitaal guud iyo goobo si gaar ahaaneed loo leeyahay, midkoodna.Marka laga reebo pharmishiyayaal dhowr ah oo aan aqoon fiican laheyn, ayaa ah kuwa keliya ee ka jira degmada.Kuwaas oo aanay dadka badankiisu awoodin inay iska bixiyaan kharashka daawada iyo baarista.

Waxaa ka shaqeeya isgaarsiin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin olymbic, nation, iyo hormuud.Inta badan xawaaladaha ayaa xafiis ku leh magaalada, sida dahabshiil, Qaran, Kaah Express iwm. Xawaaladaha ayaa qoysaska qaarkood xigtadooda dibada jirta lacag (biil) ugu soo diraan. Kaalmada dibadda waxaa kale oo door muhiim ah uga jira dhaqaalaha degmada.

Degmada jilib malaha dhaqdhaqaaq ganacsi, dhuxusha mooyee, oo aad looga isticmaalo ka ganacsigeeda dhamaan gobalada jubooyinka, dadka deegaanku waxay u badan yihiin beeraley. Goboladda jubbooyinka waxaa si xawli ah uga socda xaalufinta dhirta laga shido dhuxusha loona dhoofiyo wadamadda carabta. Maamulka alshabaab ayaan wax talaabo ah ka qaadin jarista dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, lagana dhoofiyo dekadda kismaayo. Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda gobaladda jubbooyinka ayaa qayladhaan ka muujiyey xaalufinta ba’an ee lagu hayo dhulka ay xooluhu daaqaan.

Ganacsatada ku hawlan jarista dhuxusha ayaa degaanadda ay dhirta ka jarayaan ka shaqaaliista dhalinyaro laga kala keenay bay, bakool, shabeelda dhaxe, hoose iyo waliba gobalka banaadir oo shaqo la’aantu dishay. Halka odayaasha dhaqameeyada degaanka la siiyo lacag yar iyadoo ganacsatada jarista iyo dhoofinta dhuxusha ka shaqeeysta ay ka yimaadeen gobollada dhaxe ee Soomaaliya, kuwaas dibada iyo gudahaba isku xidhan.

Gosha oo dhul beereed ah, waamo iyo waliba deegaanka Joore oo ah meesha ugu daran ee dhirtii laga dhameeynayo. Gumaadidda dhirta lagu hayo, si loogu daboollo baahidda dhuxusha iyo xaabadda ee jirta ayaa ah mid sii kordhineysa xaalufka, isla markaana khatar galineysa nolosha xoolaha, iyo dadkii ku noolaaba. Waxaa taas ka sii daran in dad yar oo ganacsato ahi, ay dibedda u dhoofiyaan dhuxusha taas oo haddii aan wax laga qaban khatar weyn ku ah guud ahaan nolosha dadka Soomaaliyeed.

Geedaha dhuxusha laga jaraa waxay kala yihiin Gisi reeb, Hareeri, galool iyo qurac (abaq). Geedka galoolka, ayaa ah geedka ugu badan ee dhuxusha laga sameeyo, dadkuna jecel yihiin, maadaama tayada dhuxusha laga sameeyo ay tahay mid aad u sareeysa. Geedkani waa geed aad u qiimo badan, caleentiisa waxay baad u tahay dadka iyo duunyada, wuxuu kordhiyaa nafaqadda ciida, waxaa laga hadhsadaa kulka qorraxda, qorigga geedkani waxaa dadku u isticmaalaa dhismaha guryaha iyo qaar kale oo badan.

Dadka reer guuraaga waxay ka sameeystaan mayraxdiisa kabdaha aqal soomaaliga.Geedka hareeriga qoriggiisa waxaa loo isticmaalaa dhismaha guryaha, sidoo kale geedka quraca (abaq) wuxuu lee yahay fa’iido badan mirihiisana waxaa cuna xoolaha. Faa’iidooyinka dhirtu u leedahay nolosha bini’aadamku, gaar ahaan dadka ku nool wadamada soo koroya ma aha mid la soo koobi karo. Waxaana ka mid ah daaq, hadh (hoos), dhuxusha/xaabadda, qoryaha guryaha lagu dhisto, daawooyin, iyo qaar kale oo fara badan. Hadii aynu xaalufino dhulka kulelaha ah, ee gobalada jubbooyinka uuna maro dhul-badhaha (baarsanguuni), waxay saamayn ku yeelanaysa qof kasta oo inaga mid ah. Sida badan waxa hoos-u-dhac ku imanayaa carasanka, biyaha iyo hawada ka-dibna waqtiba-waqtiga ka sii dambeeya, waxaa sii yaraanaya mugga uu qaadi karo deegaanku. Sabtoo ah, in badan oo ka mid ayaa isu bedelaysa lama-degaan noolah u daran. Waxaana soo dadajiya burburka deegaanka sida soo saaridda dhuxusha, jarista dhirta iyo ururinta xaabada.

Qoraalkan hoose waxaan ku sharaxayaa faa’iidadu dhirta inoo leedahay.

Dhirta Iyo Munaafacaadkooda
Waxaan fursad u helay inaan la kulmo cabdirashiid muxumad cabdisalaan oo ka mid ah ganacsatada jubbooyinka aadna u kala yaqaana dhirta oon wax ka weeydiiyey dabargooynta lagu hayo dhirta gobalada jubbooyinka waxatarka ay u leeyihiin bulshada iyo xoolaha ku nool. Noolaha waxaa uu u qaybsamaa labo qaybood oo waaweeyn oo kala ah dhirta (Plants) iyo xayawaanka (Animals).

Waxaa kale oo jira fungi caarycaaryada ku samaysata markii cunto la dhigo, fungigu waa wax aan xayawaankana ka mid ahayn dhirtana ka mid ahayn oo keligood gaar u taagan, wuxuu u eg yahay sida caaryada. Cunto haddii meel la dhigo waxaa dusha kaga samaysma caaryo. caaryadaasi waa fungi. Fungigu waxa uu rabo inuu cuno wuu nuugaa taasna xayawaanka ayuu kaga duwan yahay. Dhirtana wuxuu kaga duwan yahay fungigu ma laha kaloorofiil oo ileyska qoraxda ugama faaiidaysan karo sida ay dhirtu uga faaiidaysato. Qiyaastii fungigu waa ilaa 72.000 oo nooc iyo in ka sii badan.

Waxaan wada ognahay noolaha inay jiraan qaar badan oo ilmo aragto ah (weeynayso kaliya lagu arko). Inta badan noolaha (dhirta) boqolkiiba 95% wuxuu ka sameeysan yahay, afar shey oo kala ah Carbon, Hydrogen, Oxygen, iyo Nitrogen. Oksajiintu waa neefta labaad ee ugu badan hawada inagu xeeran, waxaanay samaysaa 21% gibilka hawada ah ee innagu xeeran.Oksajiintu waa neefta kaliya ee taageerta gubashada walxaha, mana jiro dab baxaya neefta oksajiin la’aanteed, sidoo kale oksajiintu waa neefta taageerta nolosha noolayaasha ku nool adduunka guudkiis.

Nitrogen oo ah neefta samaysa inta u badan ee hawada inagu xeeran ahna 78% hawada, kaarboon laba ogsaaydhka oo ku badan dhulalka ay hawadoodu dikhowdo.Neefaha wahsada ama qaniga ah “noble or inert gases” sida Argon, Helium.Neefaaha hawada wasakheeya sida kaarboon mono ogsaaydh, Haydarajiin Salfaaydh iyo neefo badan oo kale.Dhirtu waxay ka mid yihiin noolaayaasha . Dhirta waxa loo qaybin karaa kuwa bixiya ubax iyo kuwa aan bixin ubax. Dhirtu waxa ay leedahay ubaxyo u qaabilsan taranka. Ubaxyada dhirtuna waxa ay leeyihiin qaybo lab “male flower parts” iyo qaybo dhadig (female flower parts). Geedka uu ubaxiisu leeyahay qayb lab iyo qayb dhadig labadaba waxaa lagu kala magacaabaa (bisexual plant) ama (haermophradite) Qaybta lab ee dhirta waxa loo yaqaanaa (Stamen),waxaanay ka kooban tahay faxalka (Pollen) iyo Miiqa (Anther) oo sare u haya faxalka. Q aybta dhadig ee ubaxana waxa loo yaqaanaa (Carpels) ama (Pistil), waxaanay ka kooban tahay fur ubbo (stigma), dhuun ubbo( style), iyo ubbo ubax (ovary), oo uu beedku ku jiro.

Dhirtu waa aas aaska nolosha dhir la’aani waa nolol la’aan. Dadkii aan dhirtoodda xejisan, waxaa hubaal ah in ay dhakhso ugu noolaan donaan deegaan aan xejindoonin dad, xoolo iyo xasharaad toona. Faa’iidooyinka dhirtu u leedahay nolosha lama soo koobi karo, tusaale ahaan ma jirto cid aan si toos ah ama si dadban ugu tiirsanayn dhirta xitaa noolaha ilma aragtada ah sida bakteeriyada, fangas iwm.

Waxa jira xiriiro u dhexeeya kheyraadka nool, degaanka, iyo degeneyaashiisa oo ay ka mid yihiin dadka, xayawaanka, geedaha, kaluunka, shimbiraha, noole aan la arki Karin, biyaha, iyo carada. Dhirtu kolka ay dheef-samaysiga ku jirto, waxay siiddeysaa hawada loo yaqaan Oxygen (O2) ee dadku qaato, la’aanteedna aanu noolaan karin. Waxay iyana (dhirtu) dib u qaadataa neefta dadku sii daayo ee loo yaqaan Carbon dioxide (CO2).
Sidaasi darteed, dhirta iyana la’aanteen may jirteen.

Sida ay dhirtu cunada u sameysato waxaa laga dhexlay sameynta Borotiin laga quudiyo xoolaha nool, iyadoo la adeegsanaayo hab kiimikeed ah oo la mid ah, kan ay dhirtu cunadeedu ku sameysato. Sidaas awgeed waxaa dhirtu caalamka u aqoonsaday in ay tahay warshada cunada adduunka.
Cunto samaysigu waa habka noole cuntada u samaysto.

Noolayaashu laba hab midkood ayey cuntada u samaystaan habka kali samaysasho iyo mid ku tiirsani. Cuntada la samaystaa waa waxyaabaha nooluhu u baahanyahay sida fitamiino, borotiino, kaarboohaydrate, baruur, biyo iwm.
Hadaan dib u jaleecno noocyada samaysiga cuntada.

dhirtu waxa ay cuntadeeda ka samaysaa biyo (H2o), oksajiin (oxygen) iyo hawada kaarboon dhaayoksaydh (Co2), iyada oo kaashanaysaa tamarta cadceeda (qoraxda). Dhirtu waa isha koowaad ee laga helo tamarta amase qaybiyaha guud ee tamarta.Qaybaha cunatada ee jirkeenu u baahan yahay waxaa ka mid ah Kaarboohaydataytka (carbohydrates), borootiinka (proteins), baruurta (fats), fitamiinada (vitamins), macdanta (ninearls), iyo waxyaabo kale oo soo raaca. Kuwaas oo dhamaantood laga maarmaan ah, si looga helo tamarta, ama quwada aynu ku socono iyo koritaanku qofku korayo.

Sadexda ugu horeeya waxaa loo yaqaanaa nafaqo (nutrients).

Halaka qaybaha kale ee vitamiinada, macdanaha, iyo biyaha, iyaguna waa muhiin, waxayna jidhka qofka kacaawiyaan inuu si habsami ah u shaqeeyo.
Haydariij-kaarboon(Hydrocarbon)
Waa isku dhafka curiyayaasha kala ah carbon (C) iyo Hydrogen (H), iwm.
Kuwaas oo ah curiyaasha ubucda u ah samaysanka saliida ceeydhiin iyo gaaska dabiiciga ah oo ah khayradka dabiiciga ah ee ku jira dhulka hoostiisa.
Isku dhafka labadaas curiye waxaa looga qiyaas qaataa tayada iyo baaxada inta shiidaal ama gaas ah ee dhulka hoostiisa ku jira.
Carbohydratesku waa waxyaabaha jidhkeennu ka helo kulka iyo
tamarta aynuna ku soconayno.

Qaybtani waxay ka kooban tahay laba qaybood oo kale ah sonkor iyo starch (Simple and Complex).
Qaybta Sonkorta (Simple) waxa laga helaa khudrada, keegga iyo cuntooyinka macmacaan waxayna si dhakhso ah jidka u siiyaan tamar iyo kulayl.
- biscuits, cakes and pastries
- chocolate
- honey and jams
- jellies
- brown and white cane sugar
- pizzas
- prepared foods and sauces
- soft drinks
- sweets and snack bars.
Qaybta kale ee starchka (Complex) waxa laga helaa, furinka, baastada, baradhada iyo bariiska.
- bananas
- barley
- beans
- brown rice
- chickpeas
- lentils
- nuts
- oats
- parsnips
- potatoes
- root vegetables
- sweet corn
- wholegrain cereals
- wholemeal breads
- wholemeal cereals
- wholemeal flour
- wholemeal pasta
- yams.
Waxayna jidhka siiyaan tamarta uu waqtiga, dheer u baahan yahay kuna sii shaqeeyo ee keenta inaan hore loo baahan ama gaajoon.
Marka jidhku dheefshiido cuntada kaarbohydrateka ah waxa loo kala jejebiyaa, qaybo yar yar sonkor fudud ah sida glucoseta taas oo jidhkeennu u isticmaalo shidaal si uu tamarta ama quwad u helo.
Qaar ka mid ah sonkortaas waxa jidhku ku keydiyaa beerka amaba waxa loo bedelaa baruur taas oo lagu keydiyo maqaarka (skin) qofka.
Protein-ku wuxuu u sameeysan yahay sidii silsilada taxane ah (polymer), polymer waa erey gariig ah macnihiisuna yahay “Poly” wax badan (many) iyo “mer” waa shey kaliya (unit).

Waxayna ka sameeysmaan monomers, “mono” waa hal kaliye., sida monomers (Amino Acid).
Boratiinkiiba wuxuu ka kooban yahay, carbon, hydrogen, oxygen, nitrogen iyo waliba sida qaalibka ah sulfur (CHONS).
Protein-ku waxaynu odhan karaa waa aasaaska Jidhka waxaana looga baahdaa meel kasta oo unug kadhalanayo ama kadhambalmayo hanoqoto muruqyada neerfayaasha iwm.

Waa gaadiidka xambaara ogsegiinta gaadhsiiyana qaybaha kala duwan ee Jidhka.
- Waxay Jidhka u kaydiyaan Macdanta Birta (fe).
- Waxay suurtageliyaan dhaq-dhaqaaqa Muruqyada.
- Waxay xoojiyaan dhamaan xubnaha kala jiidma sida: seedaha (ligament), Tendons, muruqyada (muscles), mergiyada, maqaarka, timaha, cidiyaha iwm.
- Waxay kaloo Xoojiyaan difaaca Jidhka.
Lipids waa saliida iyo subaga sidoo kale waa silsilad taxane ah (polymer) oo laga sameeyo (monomers), inta badan sida caadiga monormer noocan waa triglycerides.
Lipids Carboonhaydarayt kiiba waxaa uu ka kooban yahay carbon, hydrogen, iyo oxygen (CHO).
Lipid baruurta (Fats) baruurtu waxa looga baahan yahay si jidhku u helo tamar iyo diirimaad ama kulayl si jidhku ugu shaqeeyo isu dheelitirnaan.
Baruuraha aan la isticmaalin waxa lagu kaydiyaa qaybo badan oo jidhka ka mid ah sida maqaarka (skin) hoostiisa.
Baruurtu waa laba qaybood oo kala ah ta laga helo hilibka xoolaha ama waxa xoolaha ka soo baxa sida subagga (ka hilibka iyo caanahaba) iyo hilibka baruurta leh taas oo loo yaqaan baruurta buuxda (saturated fats).
Waxaana ku badan waxa loo yaqaan cholestaroolka.
Nooca labaadna waa ta aan buuxin (unsaturatedfats) waxaana laga helaa wixii aan xoolaha ahayn sida khudradda iyo waxyaabaha beeraha ka soo baxa sida saliidda cuntada iyo waxyaabaha lamid ka ah.
Cunitaanka baruurta badan ee ah nooca buuxa iyo cholestroolku waxay keenaan wadno xanuunka.

Fitamiinadu waxay aad muhiim ugu yihiin jidhka, waxaanay ka qeyb qaataan falgalo badan oo ka dhaca jidhka taas oo fududeysa in uu dheefshiidku si fiican u shaqeeyo.
Fitamiinada waxa loo qeybiyaa laba qeybood oo kala ah, qeyb ku milanta dufanka iyo qeyb ku milanta biyaha.
Kuwa ku milma dufanka waxay kala yihiin A, D, E iyo K, fiitamiinadani si uu jidhku u qaato waa in ay cuntada aad cunaysaa ku jirtaa dufan.
Fiitamiinadani waa lagu sumoobaa hadii ay jidhku ku bataan sababtoo ah waxay ku keydsamaan oo ku ururaan jidhka, jidhkuna iskama soori karo.
Fiitamiinadani waxa laga helaa cuntooyinka ay ka mid yihiin saliidda, khudaarta wax lagu karsado, hilibka, beerka, subaga, kaluunka iyo beedka intiisa huruuda ah.
Fiitamiinada ku milma biyaha waxay kala yihiin sideed nooc oo B fitamiino ah (B1, B2, B3, B5, B6, B12, Biotin iyo Folic acid) iyo fitamiin C.
Fiitamiinadani jidhku wuu iska saari karaa oo waxay soo raacaan kaadida hadii ay ku bataan jidhka sidaas darteed laguma sumoobo kuwan.
Fiitamiinadani waxa laga helaa cuntooyinka ay ka mid yihiin khudaarta sideeda loo cuno iyo khudaarta wax lagu karsado, hilibka iyo caanaha.
Dhirta roobkana waa laga jirsadaa, qorraxda waa laga hadhsadaa, Midhaha iyo caleentoodana dad iyo duunyaba waa la cunaa oo waa lagu noolyahay.
Waxtarka dhirtu innoo leedahay ma’aha waxaan halkan ku soo koobi karno waxa kaloo ka mid ah.
Qoryaha guryaha lagu dhiso, gaadiid, doonyaha iyo kuwa laga dhisaba ayagaa laga jaraa.
Alaabta guryaha iyo qalabka xafiisyada sida, Kuraasta, miisaska, iyo sariirahana waa laga qoraa.
Warqaadaha wax lagu qoro iyo kuwa aan wax lagu qorinba ayakaa laga sameeyaa.
Weelka wixii qabo ah dhirta ayaa laga sameeyaa, wixii qoriyana iyadaa laga quraaraa.
Waxaa kaloo dhirtu ay saameyn weyn ku yeelataa jawiga, cimilada iyo guud ahaan deegaanka waxtar gaar ahna ay u leedahay.

Meelba meeshay ka dhir badan tahay way ka roob badan tahay oo weey soo jiitaan.
Biyahana dhulka ayey u qabataan, dhul aan biyo lahayn, dhir iyo baadtoona kama baxo, oo waa lama degaan, dad iyo duunyana cidi kuma noolaan karto.
Dhirtu waxay u sii cimri-dheeraysas rayska, ama qoyaanka (moisture).
Had iyo jeer caleemaha dhirtu waxay hawada ku sii dayaan qoyaan uumi ah (evaporation) ka-dibna uumi-baxan joogtada ah waxaa u qaboojiya dhammaan hawada ku xeeran dhulka dushiisa.
Geedaha ku yaal dhulka iyo biya-dhaca buuraha waxay joojiyaan cara-guurka (soil erosion).
Dhulka Soomaaliya waxaa 14% daboola keymo, inkastoo 4% oo kaliya ay tahay keymo jiq ah.
Dhulku intiisa badan waa dhulka loo yaqaanno savanna oo geed gaabka ah.
Dhulka Soomaalida ee daaqa ku habboon waa 45% guud ahaan dhulka dalka uu ku fadhiyo, 13% waa dhul ku habboon beerashada.
Soomaaliya waxaa mara xariiqda loo yaqaanno dhul-baraha
Qoraal kooban, waxaan ku soo qaadanayaa geedaha qaar ka mid ah dhirta ay reer guuraaga sida aadka ah uga faa’iideystaan ee aan ka qoray cabdirashiid muxumad cabdisalaan.

Waxaana dhirtaasi ka mid ah:
Geedaha loo isticmaalo Dhismaha Guriga iyo weelasha (Haamaha)
Haamaha iyo geedaha laga qoro oo runtii geedo aad u qiimo badan waqti dheerna ay soomaalidu aqoon u laheyd waxtarkood.
Sida adkaanshahooda, nuglaanshahood, difaaca, cimri dheeraantooda, jileeca, dilaaca, fudeeydka iyo difaaca qoraxda.
Geedahaas qaarkood oo ay ka mid yihiin yoocada iyo goosayga.
Farshaxanada haamaha qora marka ay dhameeystiran qorida haamaha way aslaan (Asal).
Yoocada waa geed jilcsan, oo fudud qoridana ku fiican, waxaana loogu xishay, afka iyo salkuba in si sahlan loo toli karo.
Marka la daloolinayo aan yeelaneyn wax dilaac ah, biyahana way qaboojisaa, waxayna ka baxdaa dhulka buuraleyda ah (Qari).
Goosayga wuu ka haamo waaweyn yahay yoocadda, wuxuuna ka baxaa dhulka ciida ah.
Qabada geedkan waxaa laga sameeyaa weelasha, sida haanta biyaha, hanta caanaha lagu lulo, iyo dhiilaha kala nooca ah ee aan qoriga aheyn.

Hadaba noocyada kale ee maacuunta qoriga laga sameeyo, sida hadhuubka geela, waxaa laga toshaa ama laga tidcaa geedka qabada.
Qabada waa la radhiyaa, dabadeedna inta la dubo ayaa la feedhaa ama la falkiyaa lagana tolaa hadba nooca weelka la sameeynayo.
Weelka qabada ah, sida haanta qabada ah ee biyaha, haanta caanaha lagu lulo, dhiilasha iyo dhiilaha kala duwan ee aan qoriga ahayn.
Haamaha yar yar ee caanaha waxaa laga sameeyaa yoocadda, Malmalka, Hadiga, iyo Kaboow.
Dhidin waa geed qaali ah caleentiisuna xooluhu daaqaan xabagtiisuna tahay malmalka.
Xoday waa geed dhego nugul caleentiisana xooluhu daaqaan anfacaad kalena leh sida ooda guriga lagu wareejiyo waayo qotomka dhulka ayuu qaabku leeyahay reerkuna ku jecelyahay.
Asal waxaa lagu aslaa haamaha, waxay oodaa duleelada wayna biyo macaaneeysaa, midabeeysaa (guduud).
Haanta marka la aslayo waa biyaha ha celiso.
Qadhoon waxaa laga guraa fooxa iyo asalka xooluhuna way jecelyihiin.
Dhirta midabka leh qadhoon wuxuu la bahyahay (geed quwaaxa) waa geed jilacsan asasha ayaana laga sameeyaa, midabkiisuna waa kafee.
Dacarta waxaa lagu dhex kariyaa xargihii, iyada oo loo isticmaalayo midabka madow.
Dacartu waa geed-abaareed gaaban oo dhego waaweyn oo dheecaan qadhaadh leh. Dheecaankaas dawo ahaan baa loo isticmaalaa.
Sooaamlidii hore dheecaanka geedkan ayey leefi jireen si ay ooga hortagaan cudurka duumada oo ay keento qaniinyada kaneecada.
Xiliga uu qalalo amaba uu engago waxa lagu madoobeeyaa badhooqda, xadhkaha, dufka iyo maydhaxda kebdaha iyo hararkaba lagu sameeyo.
Geedkan wuxuu bixiyaa baal-dacar waqtiga barwaaqada, kaas oo uu kusameysmo dhabaq macaan.
Dacarta dhacaankeeda waxaa laga sameeyaa daawooyinka sida dawada dadku isku da’ yareeyaan, waxyaalaha laysku qurxiyo (Cosmatics), Kiriimyada, saabuunta jidhka, shaambooyinka timaha, iyo waxyaalaha guriga lagu nadiifiyo, kaarbadyada, sibidhka, bustayaasha, musqulaha, dharka, muraayada guriga iyo tan gaadiidka iwm.
Areeg waa geed gaaban waxaa ka mid ah faa’iidooyinka uu leeyahay, waa geed midabkiisu madow yahay, waa geed ula dhuudhuuban leh, waxaa kale oo u leeyahay qodxo godgodan oo adadag.
Geedkan wuxuu ka baxaa inta badan meel dhagax leh, geedkan waxaa aad ujecel xoolaha.
Geedkan xididkiisu oo aad u qiimo badan qaalina ku ah adeegsiga bulshada soomaaliyeed haddana waxaa kale oo jecel oo qotaa waraabaha kuna geeda goosta.
Geedkan oo leh xidido farabadan oo jiljilicsan waxaa laaga helaa faa’iidooyin dowr ah oo ay ka mid yihiin. waxaa laga toshaa weelasha caanaha iyo biyaha reer miyiga, waxaana lagu tolaa weelasha qoriga ah ee dillaaca.

Geedkan wuxuu ka mid yahay geedaha lagu daweeyo qaniinyada sunta halaqa gaar ahaan, halaqyaada waaweyn ee kala ah, jilbiska, maska iyo abeesada. Mombeer (koley, Qandi) wuxuu ka sameeysan yahay xargo laysku sameeyay, weel ahaan ayaa loo isticmaali jiray, waxaa lagu ridan jiray wixii tuul ah, maxaadhka, mudaca, iyo gudumada yar yar oo lagu quraarto (wax lagu qoro). Gabro (gabro xaradh) waxaa laga sameeyaa dhigaha iyo Udbaha, waxaa loogu xishay adeyg, xarka oon galin iyo cimri dheeri. Geedkan waa geed aad u qiimo badan waxaana laga sameeyaa tiirarka shubka ah guryaha saqafkooda kore sida kuwa dabaqyada ah.
Waxaana loo isticmaali jiray dhismayaashii hore ee dabaqyada muqdisho sida xaafadaha xamarweeyne iyo shangaani, sidoo kale marka iyo baraawe.
Cadaad waa geed xabag leh caleen badan.
Hareeri – (Terminalia prunioides) waa geed aan qodax lahayn qurux badan oo qaar dheer, waana geed adag waxaana laga sameeyaa tiirarka guryaha lagu dhisto.
Wuxuuna ka mid yahay geedaha dhuxusha laga shido waana geedka labaad ee soomaalidu ugu jaceshahay oo ay isticmaalaan dad dhuxuleeyda ah.
Geedka hareeriga la yiraahdo qadowga ka baxaa wuxuu leeyahay magac u gaar ah, waxaana la yiraahdaa (qaji), waxaana laga diirtaa maydhax.
Hareeriga waana geed aad u dheer isla markaana leh caleemaha qaadka oo kale.
Dhererka geedka sida caadiga aha 7-15m tree ama 2-4m.
Waxaa kale oo geedkani ka baxaa wadamada afrika, sida Angola, Botswana, Kenya, Mozambique, Namibia, South Africa, Tanzania, Zambia, Zimbabwe.
Qoolaati waa geed aad u qiimo badan waxuuna ku badan yahay dhulka howdka ah ee jubbooyinka gaar ahaan dhinaca jooray waxaan laga sameeyaa alwaaxa waana geed adag oo cimri dheer.
Shawri – (Casuarina equisetifolia) waa geed aad u qiimo badan wuxuuna ku badan yahay dhulka hawdka ah ee loo yaqaano jooray wuxuuna ka mid yahay geedaha laga sameeyo alwaax.
Wadamada kale ee uu geedkan ka baxo Australia and Pacific Islands to India. Coastal zones.
Xili-roobeedka, ayaa geedkani wuxuu gaadhayaa 750-2500 (Slow growth possible at 200-300) mm/year muddadaa dheer ee abaaraha.
Heerkulka (°C) geedkan wuxuu gaadhayaa (10)18-25 (35) Frost sensitive caleenta inta badan geedka way qoyantahay.
Cabirka (mm) dhulka marka xaga sare ama sareeya marka badda laga cabbiro, iyo dhulka hooseeya ama yara godan (meelhoose ku yaala) wuxuu gadhayaa 0-1,400 (Grows in Nairobi, Kenya).
Looxa geedkan wuu adag yahay laakiin malaha cimri dheer, waxaa loo isticmaalaa dhismaha. Xaabada geedkan (cv. 19,580-20,560 KJ/kg). Haddii aad ka goys hal meter oo dherer ah waxaa laga sameeyaa bowd ama teed qurux badan oo soo jiidasho leh.
Dhererka geedka wuxuu gaadhayaa 20m,
Qandal waa geed ka baxa jubbada hoose waana geedaha guryaha laga dhisto.
Alool waxaa laga sameeyaa duur iyo maryo laysku soohay.
Duurka iyo mararka qaar dhuyaca iyo dhanfaruurta waxaa laga sameeyaa loolka.
Sidoo kale waxaa loo adeegsadaa suuman dhuudhuuban oo loo yaqaan Jil, lagana sameeyo harag ama saanta geela, lo’da ama adhiga oo la hoodhiyey iwm.
Geedka dhuyaca, madheedhka laamahooda ama xididka qansaxa waxaa laga sameeyaa saabka.

Hadaba saabka qeybihiisa waxaa isku haya gadow iyo jilkii ama gedaanta u sameeysan sida garaangarta oo afka saabka ku wareegsan, lagu maray xadhig margiga geela laga sameeyay iwm.
Hararka waa sadex nooc oo caws ah ayaa laga sameeyaa.
Wuxuuna ka kooban yahay maadh, dhurbo, dixi waxaana waheliya xadhko yar yar lagana sameeyey maydhax iyo dun lagu qurxiyey (midabeeyey).
Dhurbo, Maadh, iyo Dixi waxaa waheliya xargo yar yar iyo dun lagu qurxiyo.
Dhurbo iyo Dixi waxay ka baxaan dhulka buuraleyda ah, halka maadhu ka baxdo dhulka dixda ah.
Kabdaha waxaa laga sameeyaa mayrax iyo xargo.
Maydhaxda waa la jilcinayaa lana feedhitaanaayo (feedhitaan).
Xariga iyo maydhaxdana waa laysku tolayaa, xargahana waa la midabeeynayaa.
Gob – (Ziziphus mauritiana) geedkan ayaa somalída qiimo weeyn u leh, waxaa caleentiisa laga sameeyaa (qasil).
Xili-roobeedka, ayaa geedkani wuxuu gaadhayaa 150-500mm/year muddadaa dheer ee abaaraha.
Cabirka (mm) dhulka marka xaga sare ama sareeya marka badda laga cabbiro, iyo dhulka hooseeya ama yara godan (meelhoose ku yaala) wuxuu gadhayaa 0-600.
Dhererka geedka 3-8(-16)m.
Habalah reer miyiga xiliyadii hore, ee aaynaan reer magaalka noqon timaha ku maydhan jireen.
Sidoo kale qasarka diifka loo yaqaan ee wajiga haweenku marsadaan.
Xiliga wax walba xumaadaan ayuu miraha hoobaanta la yiraahdo dhulka soo goglaa (dhigaa) oo jilaalka looga baxaa, meesha aad gob ku aragto biyo ayaa ka dhow, had iyo goor biyuu salka ku hayaa.
Lama garaacaan ayaa la yiraahdaa,wuu hadh qaboowyahay, mira wanaagsan, waana geed qurxoon, udubka laga gooyo xar ma galo.
Geedkan gobka qofku markuu meydka yahayna lagu meydhi jiray, jidhkiisa si loogu nadiifiyo meydka hadhkiisa la dhigo ma qudhmo.
Soomaalida waxay tiraahdaa reerku waa gob, halkaas waxaad ka garan kartaa qiimaha geedku leeyahay. Caleenta gobka waxaa laga sameyn karaa (shampoo) loo isticmaalo nadaafada timaha iyo wixii la mid ah.

Geedka Yicibta waa cunto diyaarsan oo leh sonkor iyo dux, midhaha yicibta waxaa laga miiri karaa saliid loo isticmaalo farsameynta sabuunta iyo midabeynta dharka.
Koorta
Koorta iyo geedaha laga sameeyo oo ah runtii geedo aad u qiimo badan mudo dheerna ay soomaalidu aqoon u laheyd waxtarkood sida adkaanshahooda, nuglaanshahood difaaca, dilaaca, fududeydka iyo cimri dheeraantooda.
Waxaana ka mid ah geedahaas yucub iyo Labi.
Yucub waa geed aan qodax laheyn oo dheer labigana u eg, geedkan waxaa laga sameeyaa koorta afqalacda, labo carab ayey leedahay, weeyna fududahay, mana dilaacdo wayna dhawaaq dheer tahay.
Labiga way ka jabi ogtahay, adkaansho iyo difaac malaha (ma cimri dheera).
Labiga waa Geed dheer oo si mudha oo toosan u baxa, bixiyana ubax yar yar oo quraux badan, udgoona badan , ubixiisana sakaarada lagu dabto.
Geedkan waxaa laga sameeyaa koorta rogaalka ama darmad iyo boodaanka waa geed adag oo difaac leh, cimri dheer.
Rogaalkana wuxuu leeyahay labo carab afqalacna wuu yeeshaa ama aleen. Aleen wuu ka yaryahay afqalacda iskusina waa loo sameeyaa.
Boodaanka waa boqorka koorta wuuna cod dheer yahay, wuxuuna leeyahay hal carab.

Gabaygii afdurdur
Darmad Labi ah boodaan duryami oo bir lagu duugay, daaraan Aleen aan lahayn iyo dilaac dheer, dal ka yeedha koortii waxaan daawo u adkeeyey.
Lebiyar geedkani wuxuu ka mid yahay geed nagaadhka, wuxuuna u baxaa saddex nooc oo kala duwan haddana laysku yidhaahdo lebi yar.
Nooc waa mid cad oo dhaadheer, waxaana laga yaabaa in uu dad iyo duunyaba qariyo, wuxuuna ka baxaa biyo mareenada iyo carro madowda.
Noocyada kale way gaagaaban yihiin, kuwaas oo uu ugu sii gaabanyahaynoocakabaxa,carroguduuda.

Geedkani waa geed aan lahayn gun dheeraata iyo laamo waaweyn midnaba, wuxuuna bixiyaa ulo dhuudhuuban oo kor isu raaca.
Wuxuu yeeshaa hal xidid oo dhulka ku fogaada, haddana aan la rujin karin.
Geedkan waxaa laga ilaaliyaa inuu ka dhex baxo beeraha, gaar ahaan hadhuudhka, sababtoo ah biyaha ayuu ka nuugayaa, sudaa darteedba hadhuudhkii ayaa sidaa ku dhimanaya.
Geedkan xoolaha ayaa aad u jecel, sababtoo ah aad ayuu u buunbuuniyaa xagga cadka iyo caanaha iyo koritaanka lafaha. Geedkani wuxuuleeyahay xajiin lagu caaroodo.
Waadhi (fulaay) waa geed aad ugu badan dhulka loo yaqaqano waamo oo gobolka jubbada hoose wuxuuna leeyahay xabag la cuno oo caloosha socodsiisa.
Maraaq (Tuweer) waa geed aad u qiimo badan aadna ugu badan goboladda jubbooyinka waana geed ay xooluhu jacel yihiin abqadda iyo caleentiisa waxaa cuna adhiga iyo geela.
Goomoow waa geed gaaban oo aad uga badan gobolada jubbooyinka.
Qurac – (Acacia tortilis) waxaa uu ka mid yahay dhirta qodaxda leh ee ka baxa dhula saxaraha ama saxara xigeenka.
Geedkan waxaa kaloo uu ka baxaa bariga dhexe (Saudi arabi, yeman iyo Israel), wadamada afrika (masar, south Africa, Senegal, iyo Kenya).
Ecology (noolaha iyo beey’ada degaanka). Dhulka kulul ee oomanah ah.
Habitat: Wuxuu aad ugu baahsan yahay dhulka ogaden, iyo wadamada jaarka la ah, keymaha qalalan, aan cawsleeyda aheyn, iyo meelha lama degaanada u ek, ee aan cowska ka bixin ee qalalan, iyo dhir cufan oo gaagaaban (600m-1500m).
Wuxuu adkeeysi u leeyahay, abaarta raagta, xaliga roobabku da’aan ee kala duwan wuxuu ku baxaa 200-900mm dhulka uu roobka ku yar yahay.
Cimilada uu ka baxo, gedkan oo ah mid qalalan aadna u kulul waana geed-abaareed.

Roobka waxaa lagu cabiraa halbeegga loo yaqaanno milimitir ee marka la soo gaabiyo loo qoro mm.
Hal milimitir oo roob ah haddii uu ku da’o dhul baaxaddiisu dhan tahay hal kilomitir oo isku wareeg ah, waxaa ka soo baxaaya biyo la eg hal milyan oo liitar ( 1000 m3).
Xili-roobeedka, roobka ku da’a geedkani qiyaastii wuxuu gaadhayaa 100-800 mm/year muddadaa dheer ee abaaraha.
Temperature: Heerkulka geedkan wuxuu ka baxaa dhul aad u kulul una adkeeysta heerkul aad u sareeya, ugu yaraan 20 t0 25 0C, ugu badnaan, 50 0C.
Heerkulka (°C) dhulka uu geedkan ka baxo wuxuu gaadhayaa (2-) 20-28 (45) waxay taasi sahashaa inuu had iyo jeer qoyanaado.
Environment (deegaanka, beey’ada)
Erosion control (nabaad guur) : Xiliyada aya jiraan aabraha daran, ayaa geedkan laga faa’iideystaa, waxaa kale oo uu celiya ama joojiya carrada guur-guureysa ee tamuuxa sida saxaraha.
Latitude: (fogaanta meel u jirta dhul baraha cirifka waqooyi, ama koonfureed) marka laga yimaado wuxuu dhacayaa 0 to 1 500.
Joqoraafi ahaan, dalka Soomaaliya waa dal dhinaca koonfurta iyo galbeedka illaa laga soo gaaro webiga shabeelle dhulku wuu siman yahay, wuxuuna u dhexeeyaa 200 illaa 500 m.
Gobolada u dhexeeya labada webi (jubba iyo shabeelle) waa dhul hoose oo dhul beeraley ah, dhinaca kale koonfur galbeed illaa laga soo gaaro xuduudda kiinya waa dhul daaq leh.
Cabirka (mm) dhulka marka laga eega xaga sare ama marka badda laga cabbiro, dhulka-hooseedka ama meelaha godan (meelhoose ku yaala) wuxuu gadhayaa 0-1000.
Water: waa geed abaareed, kana badbaada jilaalka dheer, adkeysina u leh isbad-badelida cimilada, wax ka yar qiyaas roobka sanadkii 100 mm.
Wuxuu ka hortagaa waqtiyada (xili macduun ah dhaca) ay dhacaan fatahaada, oo uu biyahaa ka dhergo ceshadana.
Deegaanka iyo dhuka uu geedka ku fiican yahay roobka waa inuu gaadhaa wixii ka badan 500mm sandkiiba, ugu yaraan 100mm, ugu badnaaan 1000mm biyaha aad buu u cabaa.
Qaabka uu geedkan u baxo marka uu yar yahay wuxuu yeeshaa caleemo yar-yar oo qaab wareeg ah, kadibna caleenta iyo laamaha yar-yar waxay isu badelaan qaab u samaysan sida dalada.
Dhererka geedka 1.5 ilaa 18m, dhumucda jirrida waa labaatan (20cm) iyo wax ka badan.
Stems (jirid): waa grey ama dark brown, wuxuu noqdaaa marka uu weeynaado wax qaleeyf ah oon sulub aheyn, geedku inta badan kor uma baxo, salka marka uu ka soo baxayo.
Nin jogiis ama ka gaaban marka uu kor u baxo ayuu laamah kala bixiyaa oo kala saarsaaraa.
Qolofta geedkan marka uu weeynaado ama duqoobo waxay ka dil-dilaacdaa salka hoose ee jirida waxaana loo yaqaanaa jilif (qolf waaweeyn), xoolaha, wiyish, iyo maroodiguba ayaa ku xoqda (rigta) oo waxay isga reebaan shilinta iyo cayayaanada kale iwm.
Jilif wey adagtahay, midabkeeda waa jokaleyt, weey dildilaacdaa, kor kor ayey u dilaacadaa oo weey af fiiqan tahay, qalafta labaad oo adag, tu kale ayaa ku xigta.
Jilifta iyo qoriga qudhaca xasharaadka ku dhuumaaleeysta ayaa shimbiro badan iyaguna ugaarsada afkooda ku dafa ama kula soo baxa.
Waa lagu oon baxaa ruugida iyo calalsiga jilifta hoose ee jirida geedka
Laamaha qudhaca ee qalalay waxaa ku nool xasharaad tiro badan. Oo

waxay ka dhigtaan gabaad ama inay ka dhex-qaraabtaan.
Laamaha waaweeyn ee geedkan waxaa jecel hadhkooda oo dul seexda haramacadka iyo shabeelka, marmarka qaarkoodna waxay ku gaadaan xoolaha, waxaa kale oo hadhsiga geedkan jecel xayawaanka loo yaqaan madaxtaag.
Lamahaas qodaxada leh waxaa lagu oodaa xerooyinka xoolaha, qodaxda afkeeda hore, iyo jilifta hoose ee maydhaxda waxaa loo isticmaalaa xargaha.
Laamaha waxay leeyihiin labo (2) nooc oo qodxa ah, midgaaban oo leh midabka kafeega iyo mid dheer oo leh midabka cadaanka ah.
Qodaxa geedkan labada nooc cabirkooda mid gaaban oo afka ka qaloocsan iyo mid dheer oo fidsan qiyaasta waa (Up to 5mm) and (1.2-8 (-10) cm).
Geedka quraca waxyaabaha laga manaafacaadsan karo waxaa ka mid ah qodaxda, jilifta, calemaha, abaqda, iniinyaha iyo xididka.
Geedka quraca waxaa laga goostaa ulo, sida bakoorad, garuun, hangool, iyo daabka mingaafka, daabka godinta, iwm.
Geedka waa geed xooluhu daaqaan xaabana laga dhigto asal iyo dhigona leh iyo caleen, geedkan dhulka waamo aad ayuu ugu badan yahay waxaa ku intifaaca miriihiisa xoolaha oo cuna.
Geedkan waxaa ku dhalo oo ka sameeysta ama ka dhista buul cantalaaga (qumbulaa), midka lab ayaa ilaaliya ilmaha mida dhedigna weey u soo qadhabtaa, oo cuntada ayeey u raadisaa.
Sidoo kale laamaha qudhaca waxaa buulashaooda ka dhista shimbiraha iyo dabangaalaha.
Xayawaanada ay ka mid yihiin shimbirta quudanquudata, ayaa afka ku duleelisa kuna ilmo dhasho, qalajista.

Geedkan marka uu weeynaado oo laamaha uu kala bixiyo, waxaa ka sii hoos baxa laamo yar-yar, oo haduu maska soo fuulo uu ka dhacayo.
Shimbiraha ayaa ka sameeysta buul caws waxayna u soo laalaadiyaan xaga dhulka, si ay masaska uga bad-baadaan, siiba quracda yar-yar ee laamaha dhuudhuban leh dabeeyshana kolba dhinac u wado.
Dil-dilaaca jilifta qudhaca, xasharaadka naftooda iyo ugxaantooda ayey ku qariyaan.
Waxay sidoo kale ay dhigtaan ugxaanta jilifta, ka-dibna mudada hore ee cayayaanku yar-yaryahay waxay afkoodda ku calashadaan qoryaha.
Laamaha ama jilifta qudhaca waxaa iska soo laad-laadisa ama seexda fiid-meerta qaarkeed.
Xiliyadda roobku da’o dadka iyo duunyadaba roobka ayeey ka jirsadaan.
Geedkan waxaa kaloo laga harsadaa qoraxda, waxaana laga sameeyaa laamihiisa dhismaha daashashka xoolaha inkastoo uu leeyahay qodxo.
Roots: Xididada gedkan, qaabka ama hanaanka uu u baxo hoos ayuu u dheeraadaa una furamaa ciida gudaheeda, wuxuu isku fidiyaa ama balaadhiyaa una dheeraadaa dhinac walba.
Guntiisana way dhow dahay, marka uu duqoowo xididadiisu waxaa dhici kara inuu muuqdo marka ay dusha ka afuufto dabaysha xoogan.
Xididka qaabkiisu waa kala jaad, dhanwalaba ayuu fidaa, qaar hoose ayey u dheeraadaan, qaarna, way isfidiyaan oo u faran ciid, waqtiyadaa dabeylaha xooga jiraan waxay afuufaan oo xidadka ka qadaan ciida sare.
Xididka geedkani xiliyada abaarta wuxuu keydsadaa biyaha wuxuuna dib u soo daayaa xiliyada roobka soo dhow yahay caleemo yay yar iyo ubaxyo ayuu soo bixiyaa waxaana loo yaqaan magool.
Geedkan ayaa waxaa duleeliya quudan-quutada oo ka sameeysata godad ay ilmaha ku dhasho, sidoo kale masaska iwm.
Shinida, shimbiraha iyo mulacyada waxay ku noolyihiin daldaloolada qudhaca.
Reer miyiga ayaa inta ay gudun u qaataan surta ka soo jabsada, sidoo kale xoodhka ayaa surta jecel oo cuna, qiyaasta cabirka ubaxa Balls: 0.5-1. 1cm.d. (Colour:) White-yellow-cream
Xiliga roobku da’o, xasharaad badan ayaa u soo baxaya in ay cunaan ubaxa quraca, sida shinida malaka sameeysa. Waxaa sidoo kale iyana cunaya shimpiro yay-yar.

Abqadu weey fudud tahay, waana la qaadi karaa, waxay kaydsami kartaa ilaa dhowrsano iyo wixii kabadan.
Sanadan dambe dadka danyarta ah ayaa ka ganacsada, waxay u iib geeyaan suuqtyada magaalooyinka waaweeyn.
Services: geedkan wuxuu aad ugu fiicanyahay, inay ku noolaadaan xoolaha la dhaqdo sida kuwa maxjarada, ugaadha iyo xoolaha reer miyiga dhqadaan.
Ciida (carro) qudhaca uu ka baxo waxaa loo yaqaan dooy ama carro guduud (casaan), waa carro aad u jilicsan oo aad ugu habboon in ay ka baxdo dhirta waaweyn sida galoolka.
Dhulka cidda ah, barinka ee ciid jilcsan oo tamuuxa meelaha ogadenia ku badan waxaa ka mid ah qudhac madoow.
Flowers: Ubaxiisa waa cadaan, ama waqtiyada qaar waa midab aan dhalaaleyn oo barax, madaxa ubaxa waa sida kubada oo leh midab jaale ah.
Ubaxa wuxuu ka bixiyaa labada laamood dhexdooda meesha ay ku kala baxaan.
Abqada geedkan marka ay soo baxayso waxay dhalisaa ubax waxaana cuna cayayaan yar-yar oo dhaliya ama sameeya waxa loo yaqaano surta (malab).
Abqada waxay soo baxdaa xiliga roobka, cagaar ayey noqotaa aad qurux badan caleenta geedkan waxay daadataa waqtiga roobka ka dib.
Qiyaasta cabirkeeda waa 8-10cm x 5-15mm (Colour:) Yellow-brown (cagaar waqtiga uu yar yahay)
Fruits (abqada): midhaha (abqada) waa kala nooc oo waxay isubadelaan grey-yellow to brown .
Inta badan abqada weey marmarooqsan tahay (galoolan) oo uu ku dhex jiro wareeg, u qaabeysan sida bil dhalad ah, abqada malaha gas, waxay u yar tahay, oo u dhuuban tahay balaca , qiyaas dhan 5 to 9 mm.
Seeds: Iniinta midhaha waa sulub iyo greenish grey, halkii kilo garam waa 10000-50000 iniinyood, marka la buunsha bixiyo waxay noqonaysaa nuskiilo.
Abqada marka ay bislaato waa la cunaa marka la calashado, ama la ruugo waxeey leedahay wax yar oo dhadhan macaan ah.
Waxaa dhinac ku haya abqada xabag la cuni karo, dheg-dheg ah oon tayo laheyn, waxaana dhici kara inaad ku margato.
Inkastoo dhecaankiisa (xabagta) aan la isticmaalin hadana waa la cuni karaa.
Abqo (da) quraca iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira gal dher-dheer oo laba qalbac oo kolkeey ingagaan furma).
Iniinyaha abqada ku dhex jira marka ay engagaan way adkaadaan, marka la rabo in la abuuro, ama loo isticmaalo dawo biyo ayaa lagu karfkariyaa si ay u jilcaadaan.
Qiyaasta cabirka iniinyaha waa 7 X 4.5-&mm (Colour:) Red-brown-light brown.
Xoolaha Abqada marka loo daadiyo ama marka ay bislaato waxay soo hogtaan geedka hoostiisa.
Abqada geedkan waxay ka adkeysi badan tahay ama ka culus tahay cawska .
Abqada waxeey leedahay borotiin aad u sareeya (15 to 20%), kaas oo ay xoolaha ku xareeysan maxjarad ama xoolaha ay dhaqdaan reer guuraaga ay jecel yihiin.
Midha abqada poretin-ka waa 19% markay u diyaarsamaan cunida.
Geedka abqada midhihiisa waxaa jecel adhiga, riyaha cuna inta badan weey mataaneeyaan.
Waa lagu oon baxaa ruugida iyo calalsiga jilifta hoose ee jirida geedka.
Leaves (caleemo): Midabkoodu waa bluish-grey-green, kana kooban labo, 2-10 lamaane ah, midkiiba culayskisa waxaa ku saa’id ah 6-22 lamaane aad u yaryar leaflet, cabirku waa 1-4 x 0.6-1 mm in zise
Caleemo yar-yar ee geedkan waa cagaar, doog iyo diraac calentiisu waa qoyan tahay, waa geed abaareed.
Caleenta geedkan intti la soo guro iyadoo yar-yar laguna tumo kal iyo mooye iyada oo qoyan, sida qabayarada loo tumo oo kale, waa geed kuleel.
Hulaha (boogta, ama nabarada) ayaa lagu shubaa, ruuxa wuu olalayaa, ma seexanayo habeenkaas oo dhan, waxay cunaysaa hilib xunkii boogata ama meshii dhaawaca aheyd.
Sidoo kale waxaa la mariyaa qofka marka, ay meeli bararto, sida gacanta iwm.
Caleentiisa waxaa cuna xoolaha, wuxuu ka mid yahay dhirta ku haboon ciida guduudan, sidoo kale waa dhirta surta (malabka) laga sameeyo.
caleenta geedkan waxaa kaloo cuna dirindiir tiro badan iyo xasharaad kale.
Dirindiirta iyo xasharaadka iyagana waxaa sii cuna shimbiro, ka-dibna waxay ku sii quudiyaan kuwooda yay-yar.
Dirindiirta ka badbaada waxay isu bedesha balanbaalis.
Abaqa marka ay xoolaha cunaan, meesha ay ku saxaroodaan ayuu dib uga soo baxaa, uma baahna in la abuuro.
Quraca kuma haboona inuu ka baxo dhulka beeraha, sababtoo ah wuxuu leeyahay xidido waaweeyn oo ku fida dhulka hoostiisa, oo gaadhay meel fog, kuwaas oo nafaqada la qaybsanaya dalaga ka soo baxayo beerta.
xididdadiisu way jilicsan yihiin waxaana loo isticmaali karaa in lagu xidh-xidho dhismayaasha guryaha iwm.
Geedkan waxaa loo isticmaali karaa tiirasha guryaha lagu dhiso, dawooyinka, daabka tuul gacmeedka iwm.
Xididka geedkan waxaa cuna maroodiga, sidoo kale maroodiga dadka uu dilo waxaa uu ku laalaa dusha sare ee geedka ama uu ku raaraa.
Reer guuraa soomaalida marka ay guurayaan, alaabta ay qaadi waayaan ayay ku raartaan (saartaan) gurada geedka oo ay kaga tagaan.
Marka geedkan duqoobo xiliyada qaarkood wuxuu kenaa dhecaan midabkiisu yahay madow ama (dark brown-grey-black redish) oo uu ka sii daayo badhtamaha jirrida meelaha laamaha ay ka kala baxaan.

IMPORTANT USES Food: Turkaanada Kenya waxay u isticmaalaan abqada marka laga saaro iniinyaha boodhash (shurbad, mushaari). Maasai waxay cunaan marka uun qaan gaadhin, oo ay curdanka tahay iniin yaha ku dhex jira abqada.
Fodder (raashinka xoolaha cunaan) : Geedkan wuxuu bixiyaa, caleemo, iniinyo, iyo ubax oo aad muhiin ugu ah xoolaha nool gaar ahaan lo’da.
Fuel (xaabada la shito): xaabada geedkan soosaar marka da’diisu tahay inta u dhaxeeysa 8-18 sano, waxaa lagu qiyaasi karaa halkii geed 50kg.
Timber : Geedkan waxaa loo isticmaali karaa alwaaxyo (loox) dhaadheer, sanduuqyo, tiirar, loox qoyaanka celiya (playwood), qoriga iyo qalabka qoriga rifle, alaabada guriga iyo xafiiska la dhigto, dhismayaasha guryaha, iyo qalabka beeraha looga shaqeeyo.
Geedkan waxaa loo isticmaalaa xaabda lashito iyo ka ganacsiga dhuxusha oo suuq fiican ku leh soomaaliya.
Geedkan wuxuu soo saaraa xaabo iyo dhuxul tayo wanaagsan (4400 Kcal per Kg), si kastaba ha ahaatee geekan uma badna isticmaalka dhismaha guryaha, iyo looxda, sababtoo ah wuxuu yeeshaa dulduleelo
Keymaha geedka qudhaca cabirkooda dhan yahay 3 x 3 m, marka ay toban jirsadaan waxay dhali karaan halkii hectare 54 tonnes oo xaabo ah iyo 900 Kgs raashinka xooluhu cunaan per hectare sanadkii.

Waxaa aad u isticmaala dhuxuleeyda waana geeddaha dhuxusha laga sameeyo, wuxuuna ka mid ayahay geedaha cimriga dheer, wuxuu noolaan karaa 200-300 oo sano.
Dyes (asal, rinji) asaleyn, rinjiyeen): Jilifta geedkan wuxuu hodan ku yahay, ashaatida guduudan, ee loo adeegsado, hagaajinta hargaha, iyo sameeynta qada ama anqaasta.
Poison sun (sumeeyn): Geedkana wuxuu leeyahay sun, wadanka Sudan, abqada waxay u isticmaalaan,oo ay ku ku sumeeyaan xayawaanka dahaarka leh eek u dhex jira carooga, sida snail kala jaadka ah eek u nool meelaha biyaha fadhiistaan, ama wabiyada iyada oon wax yeelaynin kaluunka ku dhex jira biyaha.
Medicinal Uses: (dawooyinka): Budada jilifta engagan ee geedkan waxaa loo isticmaalaa oo ay jeermiska ka dishaa, meelaha boogta (dhaawaca) ama nabarada jidhka oo marka lagu shubo ama lagu dhayo bogsiisa.
Jirada geedka waxay kaloo dawo u tahay cudurka neefta.
Iniinyaha abqada waxaa loo qaataa oo ay dawo u yihiin, shubanka (fuuq baxa caloosha).
Waxayna ku badan tahay, ogadenia, gobollada waqooyi bari ee keenya, jubboouinka iyo inta u dhexeysa webiyada, waxayna aad ugu fiican tahay daaqsinta xoolaha sida ariga, geela iyo lo´da.
Geedkan marka uu toban jirsado wuxuu dhali karaa 4 ilaa 6 kg caleen qalalan ah iyo 10 ilaa 12 Kg oo abqa ah sanadkii.
Abqada iyo caleenta geedka waxaa hodan ku ah fatamiinada iyo nafaqada ay xooluhu u baahan yihiin.
Poratin-ka abqada waxay ka kooban tahay 18.8%, subaga 2.4%, carbohydrate 46.2, macdanta 5.1% iyo maydhaxda 20.1%.
Nutrient Nafaqada abqada ku jirta waxay ka koob tahay, guud ahaan N 14-18%; dheef-shiidista N 9.8-14%; P 0.20-0.28%, tamarta saafi ah 4.141-5.522 mega jules/kg qaleyl muhiim ah iyo dheef-shiidista N per forage unit, 118-160 g.
Nutrient Nafaqada abqada ku jirta waxay ka koob tahay, guud ahaan N 14-18%, dheef-shiidis N 11-12%, P 0.15-0.18% iyo tamarta saafi ah.
Gisi reeb geedkan aalaaba wuxuu ku badan yahay aaga busbusle ee dhulka jooray loo yaqaan, waxaana isticmaala dhuxuleeyda inkastoo dhuxushiisu laga fiican yahay oo way qar qarxdaa.
Balanbaal waxaa jira nooc cad oo caleen dhuuban geedkan wuxuu waxtar dadka oo waxaa la mariyaa marka uu qofku dhaawacmo ama nabar gaadho oo dhiig ka yimaado oo waa dhiig joojiye.
Dhiig daar waa geed qodxa badan waana geed aad u adag oo aan la gooyn Karin.
Hoolaa wajeer ama badmadow geed laga hello oo laf adag.
Cabdi rashiid wuxuu intaas ii raaciyey, odey caan ka ahaa qoraxeey oo la odhan jiray cabdullaahi xaashi hadal uu ka dhaxley, wuxuu yiri labada geed ee ugu fiican wadankeena oo lagu noolaan karo, waxay kala yihiin.
1. Galoolka => Caleenta iyo mayraxdiisa
2. Duurka (qowdhe) waa marka uu duurka yahay
3. Dareemada lama cuni karo, oo way ku gowracaysaa, waxay leedahay xajiin.
Galool – (Acacia bussei) waa geed aad u qiimo badan, kana mid ah dhirta dhaadheer, caleentiisa waxay baad u tahay dadka iyo duunyada.
Geedkan waxaa kaloo uu ka baxaa, wadamada afrika (Ethiopia, kenya, tanzania iyo Somalia).
Cimilada uu ka baxo, gedkan oo ah dhulka qalalan aadna u kulul oomanaha ah geedkani waa geed-abaareed.
Xili-roobeedka, ayaa geedkani wuxuu gaadhayaa 130-500 mm/year muddadaa dheer ee abaaraha.
Heerkulka (°C) geedkan waxay u furantahay, aqristayaasha inay buuxiyaan.
Cabirka (mm) dhulka marka xaga sare ama sareeya marka badda laga cabbiro, iyo dhulka hooseeya ama yara godan (meelhoose ku yaala) wuxuu gadhayaa 300-1800 (Higher altitudes of dry East Africa).
Dhererka geedkan wuxuu gaadhayaa ilaa 10m.
Wuxuu kordhiyaa nafaqadda ciida, waa geed hadh wanaagsan oo hadhac ah leh, qorigga geedkani waxaa dadku u isticmaalaa dhismaha guryaha iyo qaar kale oo badan.
Qodxihiisa qaar ka mid ah oo layidhaa cambuul waxa la cunaa xilliyada gu’gii kolka uu dhulku barwaaqada yahay.
Midhaha uu geedkaasi bixiyo oo layidhaa dhimbiil waxa cuna xoolaha.
Maydhaxdiisuna waa macaan waana la calashadaa, waxaana laga soohaa xadhkaha reer miyugu wax ku qabsadaan.
Dadka reer guuraaga waxay ka sameeystaan mayraxdiisa kabdaha aqal soomaaliga.
Wuxuuna leeyahay robog macaan oo la cuno.
Asalka dhiilaha iyo haamaha la geliyo, ama guud ahaan wixii qabo ah ee la layeynayaba, isaga ayaa laga saaraa.
Udbaha, hangoollada, daab gudimooyinka, iyo samayaha warmaha, hootooyinka iyo murjinnadaba isaga ayaa laga goostaa, madaamaa oo uu dhirta kale ka adag yahay.

Laamaha maydhaxda laga diirto ama jawdheer loo yaqaan weelka ayaa lugu cushaa kolka meygaag ama jiic la waayo.

Ninka dherer iyo dhuubni isku darsadana geedkan magaciisa ayaa loogu naanaysaa waxaana loo baxshaa galool.
Taasina waxay tilmaamaysaa inuu ninkaasi yahay nin dheer oo dhuuban una ad adag sida galoolka.
Hadaba waxaa haboon in la fahmo muhiimad intaa le’eg oo dhirtu u leedahay noolaha, layskuna taxlujiyo dhowrista, xanaaneynta, iyo abuuridda dhirta.
Waxaan ogsoonahay, xayawaanka iyo xasharaadka deegaankooda laga burburiyo, rug la’aan ayey noqonayaan, ka-dibna sida badan waa dhintaan, iyagoo isku-deyaya in ay la qabsadaan bey’adda ku cusub.
Sidaas, ayaa xayawaan badani khatar-ku-galaan ama ku sal-guuraan.

Haddii hal qayb oo ka mid ah bey’adda la dhaawaco ama la dabadar-goyo, waxay samayn ku yeelanaysa wax-walba oo kale.

Arintan si looga hortago waxna looga qabto xaalufinta ku soo food leh guud ahaan soomaaliya, gaar ahaan gobbalada jubbooyinka ood moodo inay soo wajahday xaalad qatar ah (nabaad guur).
Waxaa haboon in la tixgalin weyn la siiyo muhiimada ay leedahay dhirta.
Si loo badbaadiyo xaalufka dabiiciga ah ee dhul-daaqsimeedkii xoolaha iyo baabi’inta degaankii ay ku noolaayeen xawayaanka duur-joogta.
Sidoo kale si loo yareeyo jarista iyo gubidda naxariis-darrada ah ee lagu hayo dhirta iyo keymaha iyada oo laga shidaayo dhuxul loo dhoofiyo dibedda.
Falkaas oo ah mid lagu baabi’inaayo hantida gobollada jubbooyinka ee ay dadku wada leeyihiin, iyada oo aysan bulshadu wax faa’ido ah ka helin.
Haddaba waxba yaanan hadal kugu daalinin ee, dhaqanka Soomaaliyeed sida uuna reer guuraaga iyo miyiga uga maarmin ayuusan duurka iyo duurjoogtana uga maarmin.

Ugu dambayntii, dhibaatada degaanka lagu hayo waa midda ugu halista badan dhibaatooyinka soo wajahay umada Somaliyeed.
Si looga hotago aafadan muuqaalka xun leh, waxaan filayaa in ay aad muhiim u tahay in cid walba ogaato mas’uuliyada ka saaran ilaalinta deegaanka.
Oadayaasha wax garadka iyo qurbo joogta jubbooyinka waa inay dadaal sameeyaan lagu joojiyo gumaadka iyo nabaad guurka lagu hayo gobalada jubbooyinka.
Maamulada ka jira jubbooyinka iyo odayaasha waa inay xil weeyn iska saaraan, si gaar ahna isha loogu hayo lana yareeyo ka ganacsiga dhuxusha.
Maxaa xal ah?
Dhuxusha dhirta oo la sii wadaa ma tahay waddo furan?
Dhirta oo dhammaataa, amaba sii yaraataa maxaa laga dhaxli karaa?
In hadii maamulada iyo odayaashu isku raacaan mudo intee le’g ayaa lagu joojin karaa istcmaalka dhuxusha?
Maxaa xiga karo oo waji kale ah loo baahan yahay?
Dhamaan su’aalaha kore waxaan u deeynayaa qurbo joogta reer jubbooyinka.
Waxaan halakan ku dhiiri galinayaa iyaga oo mahadsan odayaasha, inay meesha ka sara joogsadaan oo guntiga dhiisha isga dhigaan. Ilaahayna haydin la garab qabto. Aamiin
Biyaha waxaa lagu cabbiraa halbeegga loo yaqaanno mitirkubo (cubic meter) oo loo qoro (m3) ama liitar.
Haddii mugga (volume) biyuhu ay aad u badan yihiin waxaa lagu cabirraa (km3).
m3 = hal mitir kubo. (hal liitar oo biyo ah wuxuu la egyahay hal kiilo oo biyo ah).

hal m3 wuxuu la egyahay kun liitar (one cubic meter = 1000 liters).

hal km3 = hal kiilo-mitir kubo (one cubic kilometers).
hal km3 wuxuu la egyahay hal bilyan oo mitir kubo. (1km3 =1×106 m3).
Akhristow nin aan kula kulmay safarkeyga, ayaanu ka doodnay dhirta iyo hab nololeedkooda.
wuxuu ku leeyahay waxaa jirta in dhirta noocyo ka mid ahi aanay u ogolaan in ay u soo dhowaadaan ama ay ka ag baxaan dhir kale iyagoo isticmaalaya awood dahsoon oo aan inoo muuqan.
Markaan wax ka weeydiiye awooda dahsoon, wuxuu ii sheegay inay sahlantahay in la ogaado waxa ay adeegsanayaan lagana hor tegi karo.
Dhirtaas wuxuu iigu sheegay qudhaca, iyo jilabka, kuwaas oo baabi’iya ama cidhib tira cawska.
Hadaba qudhaca iyo geedaha la midka ah oo aan manfaca badan lahayn laakiin ka adag dhirta manfaca xoolaheenna iyo duurjoogteenaba u leh.
Geedka qudhaca waxaan sharaxaad dheer kaga hadlay qeybaha sare ee qoraalkeyga, waxaan ka hadlay inuu leeyahay xidido dhaadheer oo dhan walba u fida isuna balaadhiyo, kuwaasoo nafaqada la qaybsada hadii ay ku ag dhow yihiin dhul beereed.
Geedkan kuma haboono inuu ka ag baxo dhulka beeraha leh, laakiin waa geed abaared xoolaha ku fiican midhiisan la keydin karo, una baahan in la beero, lana daryeelo, si looga faa’iideysto, loona isticmaalo maxjarada xoola lagu naaxiyo.
Dhirta waxay ka kooban yihiin inta badan ilaa 13 nafaqada daruuriga ah ee uu ciida ka helo caafimaad kuna baxo geedku. Marka la gubo waxuu sii daayaa gaasaska, sida nitrogen and sulphur, waxaana soo hadha (dambas), oo noqda hadhaa calcium, potassium, magnesium iwm.
Dambaska waxaa ugu badan oo uu ka kooban yahay calcium carbonate 20-45%, potash, wax ka yar 10%, phosphate wax ka yar 1%.
Hadaan si kale u dhigno phosphorus wuxuu ka kooban yahay inta u dhaxeeysa 0.8 and 3 per cent, , potassium waa 2.8 to 8.6 per cent, calium waa14 to 28 per cent, magnesium waa 0.8 to 2.8 per cent iyo sulfur waa 0.3 to 0.5 per cent.
Waxaan idin xasuusinayaa dambaska kuma jiro curiyaha nitrogen oo dhirtu u baahan tahay, waxaanse oganahay kaadid inay hodan ku tahay nitrogen. Marka laysku daro dambas iyo kaadi, waxaa lagu bacrimiyaa ama lagu nafaqeeyaa beeraha.
Waxaa la ogaaday daraasad lagu sameeyay yaanyo lagu beeray ciid aan waxba lagu darin, iyo mid lagu daray kaadi iyo dambas, inay 4 jeer ka sareeyso.
Dambaska waxaynu ognahay inuu yahay hadhaaga ka soo hadha dhirta marka la shito, sida xaabada reer guuraaga soomaaliyeed waxay u cunaan laab jeexa.
Damabasku waa base, laab jeexana waxaa sabab u ah asiidh (acid), marka lagu daro base waxaa meesha ka baxayo xanuunkii qofka hayey lana waayo.
Akhristoow bal hadana aan ku yaro naso, waxtarka iyo manaafacaadka xoolaheena.

Dhoofinta xoolaha nool waxay aheyd laf-dhabarta dhaqaalaha soomaaliya taas oo soo gelin jirtey dalka lacagta adag ee uu dalku u baahnaa.
Dhoofinta xoolaha nool waxay aheyd mid aad u kabta dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan Jubbooyinka intii aan burburin dawladii soomaaliya.
Qoraalkan hoose waxaan ku eegaynaa xoolaha nool
Xoolaha Jubbooyinka
Xayawaanka waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo waa weeyn oo kala ah:
Xayawaanka laf-dhabarta leh sida naasleeyda iyo shimbiraha Vertebrates (Laf-dhabareey).
Xayawaanka aan laf-dhabarta lahayn sida xasharaadka Invertebrates (Laf-dhabar la’).
Sida aynu ka war qabno Laf-dhabarayda (vertebrates) waxa loo qaybiyaa shan qaybood oo waawyen, oo kala ah:
Xamaarato (Reptiles) xayawaanka bogga ku socda sida maska.
Berri-biyood (Amphibian) xayawaanka bari-biyoodka sida raha.
Shimbiraha (Birds).
Kaluunka (Fishes).
Naasley (Mammals) xayawaanka naasleeyda ah sida, dadka, xoolaha,
libaaxa, eyga iwm.
Shantaas qaybood ee xayawaanka loo qaybiyo haddaynu dib ugu laabano xoolaha nool waxay ka mid yahiin ama gaar ugu abtirsadaan qaybta loo yaqaan naasleyda (Mammals).
Hadaba kuwani waa noolayaasha iyagu ku tiirsan kuwa kale, dhamaan naflayda kale ee dhaqaaqda duurjoog, iyo dabjoog.
waxayna tamarta ka helaan noolayaasha kale oo ay quutaan sida aadmiga oo quuta dhirta iyo libaaxa oo quuta aadmiga.
Xoolaha Jubbooyinka

Soomaalida waa dad reer guuraa, xoola dhaqato ah waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 75% iyada oo boqolkiiba 90% ay ku nool yihiin waxa xoolaha ka soobaxa.
Dhaqaalahooduna waxuu ku tiirsan yahay xoolaha nool.
Dadka reer waamo iyo jooray 70% dhaqaalahooda wuxuu ku xiran yahay ka ganacsiga xoolaha nool.
Xoolaha qaybna waa ladhoofiyaa si looga helo lacag adag, qaybna
waxaa laga helaa hilib, caano iyo subag saafi ah.
Xoolahaas marka dibadda loo dhoofiyo waxaa loo iib geeyaa wadamada Carabta, waxayna badankoodu ka helaan shaqooyin farabadan.
Hadaba dhoofinta xooluhu waxay wadankeena ka cuna qabataysaa shaqa abuurid dadkeenu u baahan yahay.
Kuwas oo ay ka yihiin qalidda, sifeeynta, iyo warshadaynta waxaa ka sii weyn faaiidooyinka ay ka helayaan lafaha, dhiigga, uuska, iyo haraga. Sida qaybahan hoose
• Fat (baruurta): cosmetics, waxes, soap, lubricants, and printing ink.
• Bone (lafaha) horns, and hooves are also used in production of glue, buttons, bone china, camera film, sandpaper, dice, piano keys, wallpaper, and toothbrushes.
• Intestine.
• Brain.
• Stomach.
• Blood.
• Various glands.
• Gelatin desserts.
• Marshmallows.
• Canned meats.
• Ice cream.
Hargaha xoolaha laga helo, kuwaas oo ladhoofiyo, farshaxanna laga dhigo iyo weliba iyadoo baadiyaha haragaha loo adeegsado roobceliye laga gabaadsado xilliga roobka.

Dhiigga waxaa loo isticmaalaa noocyo badan.
Wadamo badan waxay ka dhigtaan cunno iyagoo ka dhigaya beer (Kifda-Carabta), qaar waxay cunno uga dhigaan xoolaha oo aad ugu naaxa sidoo kale waxaa laga sameeyaa noocyo badan oo dawooyin ah.
Insulin dawadan oo lagula tacaalo cudurka sonkorta, ama macaanka (diabetes).
Thrombin dhiiga noocan ah waxaa laga helaa xoolaha iyo nooca coagulant oo uu isticmaalo dhaqtarka qaliinka kaas oo ka saacida adkaanshaha dhiiga, sida xinjiroobida dhiiga (xinjir ka dhigid).
Waxaa kale oo laga sameeyaa in ka badan boqol nooc oo dawooyin ah oo loo adeegsado caafimaadka aadamaha.
Wadama gaaray farsamada xeesha dheer waxay u isticmaalaan siyaabo aad u farabadan iyagoo ku dhafaya cunna kale.
Lafaha xoolaha waxaa loo isticmaalaa warshada fara badan sida tan badhannada (Gluusyada) samaysa.
Waxaa intaa sii dheer in loo isticmaalo farshaxanka iyo warshadaha samaya ilkaha dadka.
Waxaa jira in lafahu ay leeyihiin (Calcium) farabadan oo hadii la shiido loo isticmaalo nafaqaynta dadka iyo xoolaha.
Saamaha iyo hargaha waxaanu ognahay in laga saaro xoolaha ay leeyihiin manaafacaadsi fara badan.
Sara kac ku yimid qiimaha hargaha waayadaan dambe oo dadku aad buu u jecelyahay qalabka laga samayo hargaha.
Waxaa laga samayaa kabaha, shandadaha sare, kuraasta jiifka, kuraasta fadhiga, kuraasta baabuurta (Jaban, Korea, Germany).
Suumanka, shaabuugyada , (wadamada galbeedka iyo carabta), galalka seefaha (Carabta, China iyo Jaban).
Shandadaha waaweyn, kuwa yar-yarka (Boorsooyinka), sariiraha biyaha (America, France) iyo waxyaabo aad u badan.
Hadaba hadii xooleha loo furo warshado lagu qalo oo hilbahana loo dhoofiyo wadamada doonaya iyadoo la qaboojiyey hilibka sola.
Waxaa haraya neefka intiisii kale, sida uuska oo bacraminta iyo nafaqaynta loo isticmaalayo, digada iyo lafaha.
Xoolaha ay dhaqdaan waxay isgu jiraan geel, adhi iyo lo’da oo ah xoolaha ugu badan oo ay dhaqdaan.
Soomaalida waxay caan ku tahay xoolaha geela oo kaalin weeyna ka qaata bulshada soomaaliyeed, isaga oo u adkeeysta haraadka.
Isaga oo ahmiyadaas balaadhan u leh dadka soomaaliyeed, ayaa hadana munaafacaadkiisu yahay mid aad u fara badan.
Faa’iidooyinka uu ugu fadhiyo umada soomaaliyeed caanaha geela waxaa laga helaa kaalshiyamka dhisana lafaha, hilibkiisana aad ayaa isticmaalo.
Caanaha xooluhu waxay toos ugu xidhan yihiin caws, geedo iyo caleen marba midka ay xooluhu daaqaan iyo wixii kale oo xoolaha cunto ahaan loo siiyo.
Guud ahaan caanauhuu waxay ka kooban yihiin:
• Biyo.
• Borootiin (protein).
• Kaarbohaydarayt (carbohydarte).
• Cadiin ama baruur (fat).
• Fiitamiino (vitamins).
Curiyayaal fara badan oo uu u baahanyahay jidhka nafley kasta oo ilaahay ugu talo galay in ay caano cabto, dad, duunyo iyo dugaag mid ay u tahayba.
Biyahu waxay ka kooban yihiin labada curiye oo kala ah hydrogen iyo oxygen , waxeyna Aas’aas u yihiin nolosha noolaha oo dhan.
Inta badan biyaha waxaa loo isticmaalaa dareere , adke (barafka), iyo hawo (uumi), biyaha dhulka korkiisa wuxuu daboolaaa 71%.
Borotin waxaa laga sameeyaa maqaarka, lafaha iwm ee xayawaanka.
Borotiinka waa nafaqooyinka jidhku u isticmaalo inuu ku koro isla markaana lagu kabo nudaha jidhka.
Waxa laga helaa nafoqooyinka borotiinka cuntada ay ka mid yihiin sida hilibka aan baruurta lahayn, kalluunka, beedka, caanaha iyo khudradda qaarkeed.
Borotiinku wuxu jidhka u yahay sida dhagaxa ama bulukeetiga dhismaha u yahay oo kale.
Marka la dheefshiidayona waa la jejibiyaa wuxuuna ku dhex milmaa dhiigga ka dibna waxa loo qaadaa qaybaha jidhka oo dhan halkaas oo loogu isticmaalo hadba baahida loo qabo.

Dufanaka “fatty acids” waxay u kala baxaan: “saturated” iyo “unsaturated”.
Saturated waxay leeyihiin single bond oo isku xidha carbon atoms, halka unsatruted ay leeyihiin double bond ama labo xidh u dhaxeeya carbon atoms.
sida caadiga ah waxay qiyaasaan dufanta, baruurta iyo sokorta.
Dufanta (Lipid) waa aasaaska sameynta xeeydha, oo ku wareega dur-durka dhiigaada.
Badanaa xeeydha jirkaada waxay ku timaadaa qaab-kaan.
Dufanka waxay u dhanbalantaa laba meelood.
1) cunooyinka aad cuntid, ugu badnaan sokorta, cuntada xoolaha ka timaada iyo xeeydha oo buux-dhaafta.
2) waxay ka timaada beerka naftiisa.
Baruurta xataa waa xeeydh, badanaa waxaa dhaliya beerkaada iyo waxay ka timaadaa cuntada aad cuntid.
Heerarka sokorta ee dhiigaada ku jirta sida caadiga ah waxaa lagu qiyaasaa taariikh nololeedka baruuurta.
Carbohydrateska waa waxyaabaha nooluhu ka helo kulka iyo tamarta.
Waxaana loo kala qaybiyaa laba qaybood oo kale ah Sonkor iyo Starch.
Fitamiinadu waxay aad muhiim ugu yihiin jidhka, waxaanay ka qeyb qaataan falgalo badan oo ka dhaca jidhka taas oo fududeysa in uu dheefshiidku si fiican u shaqeeyo.
Kaalshiyamka oo aad ugu badan caanaha geela aadna ugu yaryihiin maadooyinka baruurta sameeya.
Caanaha geela oo dha-dhan ahaan ka yara dhanaan kuwa lo’da waxay qani kuyihiin Vitamiinada B iyo C, Macdanta Birta ee kujirtaana tobanjeer kabadan tahay kuwa caanaha Lo’da laga helo.
Maadooyinka kujira caanaha geelu lidi kuyihiin xanuunada Kansarka,HIV/Aids, Alzheimer iyo Hepatitis C.
Malaha caanaha Geela Maadada loo yaqaano Beta-Casein iyo weliba Maadada kale ee loo yaqaano Beta-Lactoglobulin lagana helo caanaha lo’da (labaduba waxay kiciyaan Alergiga).

Waxa kale oo hadda la ogyahay in borootiinka caanaha ku jiraa uu ka samaysmo (amino acids) uu sido dhiigu kana soo qaaday meesha uuska lagaga shaqaynayo ama caloosha neefka.
Waxaa sidoo kale caanaha geela laga helay Maadada loo yaqaano (Immunglobuline) waa nooc kamida Proteinada oo difaac adag leh.
Maadadani oo kor usoo qaadaa marka difaaca jidhkeenu daciifo iyo weliba Maadooyin kale oo lidi ku ah noocyo fara badan oo Bakteeriya ah.
Caanaha geelu waa kuwa keliya ee ugu dhowaaday caanaha Ubadku Naaska Hooyada ka nuugaan.
Waxaa kale oo kujira caanaha geela maadooyin joojiya, kahor taga ama baabiiya waxa loo yaqaano Morbus Crohn.
Caanaha geela waxay dawo u yihiin cudaro badan oo ay ka mid yihiin.
kansarka kudhaca afka, cunaha, hunguriga, mindhicirka etc.
Lo’da.
Waxaa kaloo gobolka ku badan lo’da duur joogta ah ee geesha dhaadheer, loona yaqaan lo’gisi.
Lo’da ayaa iyaduna ka mid ah xoolaha eebe ku maneystay umada soomaaliyeed, kuna dhaadato, taas oo kaalin weyn kaga jirta nolosha guud ee umada, wax weeyna ka tarta baahidooda.
Inkasta oo ay lo’du la mid aheyn geela, marka aynu ka hadleeyno xaga adkeysiga, hadana door lixaad leh ayey kaga jirtaa nolol maalmeedkeena.
Iyada oo taasi jirto, ayaa hadana waxaa la tilmaamaa, in lo’du siiba dibiga wax soo-saarka caanka ku ah ay u isticmaalaan soomaalida kuna fashaan beerahooda.
Taasi oo ah farsamooyinkii iyo xirfadihii umada soomaaliyeed soo jireen ay ugu ahaayeen, ayna kaga soo gudboon dhibaatooyin badan oo kaga yimaada dhinaca dabeecada.
Lo’da iyada oo caynkaas ah ayey waxay kaga duwan tahay geela, iyada oo ku dhaqmi karta magaalada iyo miyigaba isla markaana si toos ah laga dareemi karo, sida ay umadu ugu tiirsan tahay.
Taas oo caanaheeda laga isticmaalo, magaalooyinka amaba guryaha.
Lo’du waxay ka mid tahay xoolaha iyaga lagu tilmaamo aadka ama anfac badan u leeyihiin umada soomaaliyeed.
Adhiga

Adhiga ayaa isagana ka mid ah xoolaha ay umada soomaaliyeed aadka u dhaqato, dadkeeduna caan ku yahay.
Saylado faro badan oo ganacsina wadankeena uu kaga faano.
Wuxuu u kala qaybsamaa riyo iyo ido, kuwaas oo iyaga looga faa’iidaysto, hadba sida umada soomaaliyeed ay u door bido, nolosha bulshadeedana ay caanka ku tahay.
Riyaha iyo idaha dalkeena waa kuwo umada soomaaliyeed ku dhaadato, umadeenana isku taxlajiso, sidii ay u daryeeli laheyd, isla markaasna ay u ilaalin laheyd.
Taasina waa ta ina dhaxal siisay inaynu hodan ku noqono xoolaha nool.
Intaasi waxaa kaloo dheer waxtarka aan soo sheegnay, iyada oo haraga idaha, laga sameeyo, wax yaabaha dhaxanta laysaga celiyo iyo kuwo dariiqyo kale loo adeegsado.
Taas oo adhiga soomaaliyeed ay yihiin kaalinta ay kaga jiraan, ama halka looga baahan yahay, baahida ka owda umada soomaaliyeed.
Hadaba iyada oo xooluhu muhiimadaasi balaadhan ay leeyihiin, ayeeynan jirin maamul ama cid kale oo ka taakuleeysa, horimarinta xoolaha nool.
Iyada oo la tixgalinayo xoolaha ay u leeyihiin ahmiyad weeyn horumarka dalkeena, iyo doorka muga leh ee ay kaga jiraan dhaqaalaha dalkeena.
Hadaba xoolaha aan kor ku soo xusnay ee ku nool gobalada jubbooyinka, waxaa aad u liita munaafacaadkooda, iyo wax-soo-saarkood sida caanah, hilibka, iyo hargaha, hadaba waxaa loo baahan yahay sidii kor loogu soo qaadi lahaa tiro iyo tayo.
Waxaan wada ognahay ahmiyadda ay xoolaha nooli u leeyihiin dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhamaan gobolka Geeska Afrika.
Waxaad moodaa in gobolka jubbooyinka ilihii dhaqaale oo dhan oo ay xooluhu ka mid yihiin ku dhacay bur-bur laxaad leh.
Kaalintii daryeelka caafimaadka xoolaha oo meesha ka baxay, mana jiraan wax ka saacida oo hay’ada madax banana oo caalami ah, haday jiraana waxqabadkood iska yar yahay.
Waxaan xoolaha inta badan saameeyey abaaro iyo cuduro ay ka mid yihiin dabakaruubka ama shifowga.
Waxaa loo baahan yahay sidii cuduradan looga hortagi lahaa loona tirtiri lahaa.

Habka ugu haboon ee lagu horumarinkaro xoolaha
Waa in la hirgaliyaa Maxjaro iyo Beero xoolaha lagu xannaaneeyo.
Xoolaha ku nool jubbooyinka oo ay ka mid yihiin geela, lo’da iyo adhiga si loogu helo doog beerta dhexdeeda ah oo ay xooluhu cunaan.
Xooluhu waa in ay ka koobnaadaan Lo, Geel iyo Adhi xoolahan waa in loo diyaarshaa Dooga ay cunaayaan taas oo beerta dhexdeeda lagu diyaarsho.
Waan in la sameeyaa shaybaadho lagu baadho cudurada xoolaha iyo cudurka waxa keenay, si looga hortago cudurada, isla markaasna looga faa’iideeysto dhoofinta xoolaha.
In tababaro khaasa ah la siiyo xoolo dhaqatada xoolaha.
In dadka la wacyi galiyo loona sheegana dhibaatooyinka ay lee yihiin cudurada ku dhaca xoolaha iyo cuduradu waxay kala yihiin iyo sida ay xoolaha ugu kala dhacaan.
Wacyi galinta in dadka wax loo sheego.
In haddi ay awoodu saamaxdo in lahelo sidii loogu qodi lahaa ceelal meelaha ay degan yihiin reer guuraaga.
Xoolaha la dhaqdo waxaa loo qeybiyaa afar qeybood oo kala ah Geela iyo Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Riyaha waxaa laysku yiraahdaa Adhi.
Noocyada xoolaha iyo magacyada loogu yeedho
1. Geela labka waxaa loo yaqaanaa Rati (awr) kan dhadigna Hal marka ay yaryar yihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.
2. Riyaha neefka Lab waxaa loo yaqaan Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Waxar ama Maqal.

3. Lo’da neefka lab waa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryaryihiina waxaa loo yaqaanaa Wayl ama Aalo.
4. Ido idaha neefka lab waa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa lagu magacaaba Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.
Aqristoow waliagaa ma maqshay kaadida qurbaca ama nirgaha oo lagu daweeynayo bidaarta madaxa gasha.
Hadaba bidaarta ayaa loo helay dawo, qaabka loo isticmaalayo daawadaas soo qaado kaadida qurbaca ama nirigta aroorta hore, dabadeed waxaad marisaa madaxa bidaarlaha, kuna wad illa laba maalin dabadeed qofkii waa ka fiicnaanayaa bidaarta.
Hadaba waxaa isweeydiin mudan kaadida qurbaca ama nirigta dhalatay inay najaaso tahay iyo in kale.

Injineer Momamed Abdi Barkhadle(Tiyeklow)

Waamonews.com

Leave a Reply