|

Dooni dhuxul siday kana timid Magaalada Kismaayo oo DKMG ku xanibtay dekada Muqdisho Maxkamadna soo taagi doonto Shaqaalahii..(dhageyso)

Dowlada Somaliya ayaa dekada weyn ee Muqdisho ku qabatay dooni siday dhuxul kana timid magaalada Kismaayo . Dowlada KMG ayaa horey u mamnuucay dhoofitna dhuxusha , arintani ayaa ah talaabo fiican ay dowlada qaaday . Abaaraha halakeeyey wadanka Soomaaliya  waxaa keenay Xaalufinta lagu hayo dhirta , qaasatan gobolada Jubboyinka iyagu kumaba sii jiraan oo waxay noqdeen meesha dhuxuleyda gobolada dalka oo dhan u soo shaqo tagaan .  inta markab ee dhuxul siday ee lagu qabtay ama ku soo xiratay iyagoo gubanayo dekada Muqdisho kuli waxay kawada yimaadaan Kismaayo , waana arin aad looga naxo waxayna muujineysaa in Meesha keliya ee dhuxusha laga gubo ay tahay Gobolada Jubboyinka . 

Doontani ayaa sida la sheegay u socotay  Dubai . Shaqaalaha doonida saarnaa ayaa u dhashay dalka India. Dowlada Kumeel gaarka ayaa sheegtay in maxkamad la soo taagi doono doontaasi sharciga jebisay.

Wareysiga oo dhameystiran hoosta ka dhageyso

Cali yare

waamonews.com

Leave a Reply