|

Sayid Maxamad Cabdile Xasan Iyo sooyaalkii taarikhdiisa,1895-1920 Qaybtii 3aad.

Magaca Alaan kubilaabanaynaa asagaana barakaysanaynaa, Nabad galiyo iyo Naxariisna nabi geena korkiisa alaha yeelo. Walaalayaal waxaa iskugu keen danbaysay Sayid Maxamad oo ka diyaar garoobay Barbara kuna siijeeda ceelkii Qoryaweyn.

Sayid Maxamad waxaa uu Barbara kabaxay bilowgii sanadkii 1898 kadib markuu Barbara joogay kudhowaad 2sano iyo dheeraad, waxaa uuna dagay ceelkii la odhanjiray Qoryaweyn waxaana lasocday markaa koox rag ah oo aan badnayn oo xertiisii iyo ragii ujeedadiisa ku qanacsanaa ah.

Sayidku markuu dagay Qoryaweyn waxaa uu kubilaabay in uu sameeyaa mowlac salaada lagu tukado dadkana lagu wacdiyo waxna loogu sheego, waxaanan odhan karraa wa sal dhig, waana caadada hogaamiya,yaasha muslimiinta ah waxaana laga dhaxlay Nebigeena NNK, mowlacaas oo markii danbe uu ubadalay masaajid, waxaana halkaa uu kubilaabay in uu kutubta akhriyaa dadka waciyi galiyaa dariiqada saalixiyada u amaanaa siyaara keena yidhaahdaa masiixiyada iyo muxamadiya isku diraa masajidka iyo kaniisadana iska horkeenaa jihaadna loo diyaar garoobaa.

Waxyabaha kale ee sayidka aadka loogu bogay dadkiina ay uriyaaqeen waxaa kamid ahaa in uu heshii siiyaa dadkii isku dhacsanaa ee utunta iyo xurguftu dhaxtaalay walaalana kadhigaa, taas oo ay yidhaahdeen war kani waaba wali xaga eebe nalooga soodiray.

Sayid maxamad markii ay isbarteen dadkii, taageerana uu ku dhax yeeshay, aadna loogu bogay dhaqdhaqaaiisii iyo wax qabadkisii waxaa uu dadkii umujiyay sida uu oogu baahanyahay hub iyo fardo lagu dagaal galo isla markaasna waxaa uu ku dadaalay in uu gacanta ku dhigaa ninba ninka uu ka karti badan yahay, halkaasna waxaa uu ku aas aasay halgamayaashii labaxay daraawiish waxayna ahayd tariikhdu dabyaqadii sanadkii 1898.
Sanadkii 1899 waxaa dhacday dhacda layaab leh.

rag aan badnayn oo kamid ah ilaaladii ingiriika ayaa Sayid Maxamad u yimid, wuu sooray oo marti galiyay sifiicana waa usoo dhoweeyay kadibna waa lasheekaystay , Sayid maxamd baa ku yidhi hubkan aad sidataan gaalaa leh wadankeeniina waa lahaystaa idinkuna ayagaad ushaqysaan soo wax ceeb ah ma ahaan?

Laba mid yeela niman yahoow hubka igu caawiya oo daraawiish kuwareejiya hadiinaan yeeleeyn iga iibiya, kadibna nin ragaa kamid ahaa oo magiciisa lagu sheegay Ducaale Xirsi ayaa hadalkii u bogay oo wuxuu yidhi imisaad igasiin hal (buntukh) qori kadibna afar geel ah ayaa lagaga badalay waana qorigii uhoreeyay ee Sayidku gacanta kudhigay.

Ninkii markuu kulaabtay magaaladii Barbara wuxuu warbixin ku dhiibay qorigii Sayid Maxamad baa iga xoogay, kadaibna ninkii ingiriiska ahaa ee magaalada maa mulaayay ayaa Sayidka warqad kulul usoo diyay oo uu qoriga ku dalbanaayo, Sayidkuna jawaab adag ayuu siiyay, oo wuxuu ku yidhi waxaad kabadin waydo yeel.

Sayid Maxamad Cabdile Xasan Dadaalka uu waday kuma ekayn oo kaliya ceelkii Qoryaweyn ee uu daganaa daraawishna ka aas aasay, ee waxaa uu lasocday dhamaan dhaq dhqaaq yada kajira wadanka, wuxuuna gaar ahaan ooga war hayn jaray magalada Barbara iyo dadaalada uu kawado isticmarka ingiriisku waxaa uu mar walba warqado udirijiray Barbra asagoo ooga digaaya dhalan rago lagu hayo shacabka soomaaliyeed gaar ahaan ciyaalka .

Wacdi waano iyo warqado ladiro kaliyana ma ahayne ee waxaa uu kudhaxwaday guugaabo iyo gabayo xanbarsan micna dheer oo kadhan ah isticmaarka, waxaana ku gaadhi doonaa meeshooda, laakiin hadaan hor dhac iyo xusuus usoo qaadano waxaa kamid ahaa gabayadii Sayidka.

*- Dawo lagama helo gaal haddaad,daawo dhigateene
*- Waa idin dagaayaa kufriga, aad u dabacdeene
*- Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go,aysaane
*- Marka hore dabkuu idinka dhigi ,dumar sidiisiiye
*- Marka xigana daabaqada yuu idin dareensiine
*- Marka xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
*- Marka xiga dushuu idinka rari ,sida dameerahe
*- Mar hadaan dushii adari iyo, Iimey dacal dhaafay
*- Maxaad igaga digataan baruu, siin la soo dagiye

Gabayadan iyo ujeedadooda waxaan oogu tagidoonaa booskii ay lahayeen inshaa alaah, hadana hordhac usii qaado.

Bishii luulyo 1899 Sayidku warqad buu udiray suldaankii Ciidagale ee xiligaas kadibna warqadii waxaa loo gudbiyay qunsulkii ingiriska .

Warqadaha iyo hadalada hanjabaada iyo waliba in lasku dayaa Sayidka in la oof wareemaa waxay iska ahayd wax joogta ah, dhacdooyinka dhacayna ma ahaan wax aan halkan kuso koobi karo, qofkii raba in uu kadhargana waxaa uu oogu laabanayaa buugta laga qoray Taariikhda Daraawiishta iyo Sayidka oo lagu qoray afaf kala duwan.

Bilowgii Dhaq,dhaqaaqa iyo dhoola tuska:

Wuxuu qoray qoraaga caanka ah “Aw Jaamac Cumar Ciise” bishii Oktobar 1899 ayaa daraawiishu tala ku gaartay ,marhadaynu damacsanahay in aynu diinta noolayno, dariiqada saalixiyadana faafino, gaaladana kujihaadno,dad iyo duunyo uruursano, waxaa lagama maarmaan ah in aynu garab iyo gashaan ka helaa dagmoyinka galbeed,togdheer, Oodawayne iyo intii intaa kadhaxaysa .dagan,Dabadeedna hub iyo faras wixii markaa laheli karay intaa la uruursaday ayaa waxaa la gudoonsday in galbeed shir loogu baxo.
Ujeedada laga lahaana waxay ayahd laba arimood:

In gaalada lacabsi galiyo oo dhoola tus lasameeyo

Bina aadamku waa indha ku garaadlee in wada jirkooda dagmooyinka galbeed dagan kusoo jiitaan.

Sidii lagu balamayba waxaa meeshii kabaxay ciidan tiradooda lagu sheegay 5000 oo nin Sayid maxamadna hogaaminaayo waxaana la gaadhay Beer,Burco iyo Oodawayne ,meeshaasna aad ayaa loogu soo dhoweeyay waxaana loogu dabal dagay si aan caadi ahayn, dhoola tus adagna waa sameeyeen, kadibna Xaruntoodii ayay dib ugu soolaabteen.Muda kadib daraawishi waxay u guurtay xagaas iyo bari ujeedada laga lahana waxay ahayd labo arimood.

1- Sayid Maxamad oo doonayay in uu ree abtigii dhax tago,si uu garab iyo gashaan uga helo .

2- Ol olaha daraawiishta oo dadka bari dagan lagu fidiyo.
Daraawiishi mudo markay joogeen halkaa dadkiina lakala bartay waxaa ay goosteen labo arinood
1- in la sameeyo ninman magacooda layidhaahdo khusuusi oo had iyo jeer sayidka lataliya.
2- In gaar loo sooco gaadh haye(waardiye) xarunta gudaheeda iyo Sayidka ilaaliya .

Ingiriisku waxaa uu sheegay bishii oktoobar 1899 in ay Boosaaso u gudubtay doon uu faransiisku leeyahay hubna siday hubkaana waxaa iibsaday boqar Cismaan -waa boqorkii majeerteen- dabadeedna waxaa uu u gud biyay Sayid Maxamad .

Si kastaba ha ahatee waxaa hubaal ah in labaatan buntukh(qori) ay sayidka gacantiisa galeen halkii buntukhna uu kasiiiyay 10 geel ah waxaa kaloo hubal ah in Sayidka Boosaaso hubku uga imaanjiray .

Dilkii Garaad Cali:

Garaad Cali garaad Maxamuud oo markaa ree Nugaal garaad u ahaa iyo rag kale oo talada kuraacsanaa ayaa arinta Sayid Maxamad ka biya diidsanaa ,kadib waxaa loo diray rag ay garaadka isku dhowayeen oo waxaa layidhi bal garaadka lasoo hadala ,ragii waa ay utageen garaadkii waxaa ay yidhaah deen garaad dariiqada saalixiyadana qaado jihaadkana kusoo biir, garaadkii waxaa uu ku jawaabay”dhagaysta wixii diin ah ama diin ku lug leh wadaad ku ha xukumo, wixii dadka Nugaal dagan xaal kooda ahna aniga ha ii dhaafo, dhul kayagana gaala majoogto taas xeebaha lagu shegayana doonan mayno”
Ayadoo arintii sidii tahay ayaa Sayidku garaadkii rag udiray oo waxaa uu ku yidhi bal uyeedha aan garaadka wada hadalee, garaadkii waa ogalaada wada tashigii, xiligii labalan sanaa iyo meeshii lagu balamay ayuu yimid ,kadibna sayidkaa ku yidhi garaad labadeenu aan gaar u faqnee aqalkaas ina gee,hasa yeeshee karaadkii waa diiday oo wuxuu yidhi anigu ragayga kama faqo , kadibna sayidku wuxuu amray in ladhisaa aqal wayn oo raga wada qaada , kol kaasaa garaadkii xan wuxuu ku tidhi”kabash kabash le walee aniga iyo adigu Nugaal kama wada talino” hadalkaasna Sayidka waa lagaadhsiyay .

In kastoo hadal waa yeel oo hufan lagu wada hadalay hadana laysma afgaran
Bishii oktoobar 1899 ayaa waxaa sir lagu ogaaday in garaadkii labo war qadood oo kala duwan diray :mid wuxuu u diray Boqor Cismaan oo katalin jiray Gobalka Bari oo ku yidhi “wadaad Ogaadeen ah oo dariiqa aan dhulkan laga aqoon wata ayaa dunidii walaaqay dadkiina kaxaystay dab iyo askarba ii soo dir”

Mida kalana wuxuu udiray in giriiska in kastoo warqadaa in giriiska uu udiray ayadon gaadhin laqabtay Sayidkana loo keenay . Markii taa la ogaaday horana loo tuhunsanaa ayaa Garaadkii rag loo diray oo waa ladiley.

Taasi haday dhacday dadkii waxaa gashay dhiilo ragii madaxda ahaa qaar koodna waa ka xumaadeen dilka Garaadka Daraawiishna khilaaf ayaa soo kala dhax galay ilaa ay ku sigateey in ay kala yaacdo, arintaa kadibna Daraawiish iyo Sayid maxamad waxay goosteen in ay Nugaal ka guuraan oo halkaa iyo Caro Soomaaligalbeed adaan, kol kaasaa Daraawiishi guurtay oo waxaa ay u kacday soomaaligalbeed.

Hadaba daraawiishi xagay dageen Nugaal haday kaguureen oo soomaali galbeed qabteen maxayse la kulmeen?

Lasocod wanaagsan iyo jamcaha danbe Insha Allaah

WQ:Abdi Nuur Xasan Rashiid
Bashaash130@hotmail.com

Waamonews.com

13 Responses for “Sayid Maxamad Cabdile Xasan Iyo sooyaalkii taarikhdiisa,1895-1920 Qaybtii 3aad.”

  1. Wawaxfiica tariikhdu:said maxamad waafarxad Waydiin:ooo umada soomaliyed kuwaiin waana inlawado taariikhda sayid maxamad halawado

  2. Malahan taariikh umada soomaalida kahor sayid ka kahor malahan taariikh malahan kahor sayidka

  3. Waxan raba kuwokale axmad gurey iyo faarax wiil wal iyo raage ugaas nuur cubudhiye iyo jiir caraale iyo dhoon yacab iyo rafle guuleed iyo garaad ilay iyo

  4. Mageeriyon sayid maxamad waxuukatag wax farxatd leh ooy kufaanto umad soomaaliy guul guul

  5. Sayid,maxamad nabad,iyo,naxariis dushiisa hahaato

  6. Majirin waxkahoreeyay sayid ka,taariikh da soomaalid

  7. Dds,nin yaraan kulawofaray waxuu lumiyay raac,deey

  8. Guushii sayid maxamad ee soomaalida

  9. Waageesigi afarika magablamin darwishki geenyadu madaalana

  10. Maalaxuso maxalo iloobay maalaxuso sayid maxamad

  11. Sayid maxamad kahor malahan wax,taarikh ah wana,ladaayaca maxadhay away as,taantii maxaa loogatay waayab aloow kuunaxariiso geesi

  12. Sayid maxamad aabihi umada soomaaliye baasa.boorka umad soomaaliyed ,,,,,waxaan rab naa.nabad kadhac.da afrika gaar.ahaan geeska afrika waxan karaba nabad nabad guul guul afrik afrika guul guul

  13. Aabih sooyaalka soomaalida sayid maxamad alow.raalika.noqo magablamin.darwiishki geen.yadu.madaalan

Leave a Reply